Posts

Showing posts from April, 2022

Dham’idda Nolosha!

Image
                             Dham’iddu waa in aad garan waydo meel aad usocoto iyo meel aad ka socoto. Tusaale; qofbaa in uu suuqa tago doonayey waqti habeen, suuquna wuxuu ka xigaa waqooyi. Xaafaddii ayuu ka soo baxay dhinacaa iyo Koonfur ayuu u dhaqaaqey isaga oo suuqii moodaya! Wuxuunna moodayaa in uu Waqooyi oo suuqii ka xigo u socdo! Koonfurna wuu socdaa! Kkkkk. Taasaa la yidhaa dhama’. Haddii aad taa’ ila fahantay; kanna ila eeg. Waxaynnu ku jirnaa qarnigii 21aad, Waxaa la marayaa waqti casiri ah halkii waliba    ugu danbaysay, nasiibdarro se waxa aad mooddaa in casriga laftiisu burburinayo oo is baabiinayo! Haddii aynnu Soomaali nahay waxaynnu xiisaynaa kolba wixii indhaha u fiican, balse aan qalbiga u fiicneyn. Dhaqan ahaan waxaynnu u lahayn xoolo’dhaqato’beerallay, dhaqan gaar ah oo adduunku indhaha ku hayo ayaynu lahayn, balse, hadda waa gabaaabsi. Taasi waa ilbaxnimo oo in aad soojireenkaaga xajisato waa mid ammaanan, balse, in lagaala wareego ayaa ka xun, cidhib xumo ka qad

SIYAASADDA WAXA KU JIRTA SIR!

Image
              SIYAASADDA WAXA KU JIRTA SIR! 1-        [Imaam] Al-Qasaali wuxuu yidhi: Waalidu waa fan. Anna waxa aan idhi: Faqrigu wuxuu leeyahay noocyo, noocyaddiisa ta ugu khatarta badanina waa ta fekradda ku dhacda ( Faqriga fekerka). Sabobta oo ah noloshu dhammaanteed waa caalamkii fekradaha [ Fekradahaa lagu hadlaa]. Gef kasta oo dhaca waxaa uu ka yimaaddaa, kana dambeeya    fekerka. 2-    Siyaasaddu ma aqbalaso firaaqada [Waqtiyada bannaan], Faransiyiintu waxa ay yidhaahdaan: ‘‘ Dabeecaddu ma oggola firaaqada.’’ Markey Carabtu is kaga tagto saaxadda Soomaalida, cid kalana uga tagto, Afrikana ay ka bannaannaadaan sababo dhuleed, iyo, kuwo siyaasadeed, maalinna uu yimaado Turkiga oo qorshe istaraatijiya wata [haysta], oo aan dhuganno madaxda Masar    oo ku hanjabaya khatar, matalayana ( Arab National Security- Golaha Ammaanka ee Carabta). 3-    [Waddanka] Eratariya dhexdiisa, waxaa jirta xeer Israa’iili ah oo muhiim ah, Jabbuutina waxaa jira tobannaan xeer oo muhiim ah oo ka yimid

TALO KU SOCOTA , DHALLINYARADA DANAHA GAARKA AH DIINTA U ADEEGSADA!

Image
  TALO KU SOCOTA , DHALLINYARADA DANAHA GAARKA AH DIINTA U ADEEGSADA! Waayahan danbe waxaa soo badanaya in dhallinyaradii ay wadaaddadii uun cay u miisayaan, iyaga oo aanan waxba tixgelineyn. Wadaadku haddii uu wax caado ah yidhaa ma bannaana, isaga    Aayado ama Xadiista daliishanaya; waa sax─oo isagu wax dhaliil ah ma laha. Waayo, isagu ma xaaraantimeyn mana bannayne ALLIHII weynaa ayaa xaaraantimeeyey ama xalaaleeyey. Ta kale, isagu kaliya wuxuu leeyahay wax sheegga iyo in wixii uu gacanta ama awood wax kaga qaban karo uu kaga qabto, balse, malaha, in uu qasbo kii diidana la dagaalamo. Tusaale ahaan; Haddii dawladu wax samayso ama xoolo cunto, in uu u sheego waa waajib, ha diiddaan ama yeelaan’e. Waxa ay dadka (Naceybka wadaaddadu) ka badatey yidhaahdaan; Waar Wadaadku ma masaakiinta ayuun buu ka adegyahay oo uu wax faraa, sida: Xijaabka halla xidho. Habluhu ha is asturaan. Muxuu uga hadli waayey xoolaha masaakiinta ee la cuney, qabyaaladda, dhaca, musuqmaasuqa???? Wa su’aalo sax ah

GUMEYSIGA MASKAXDA!

Image
                                        GUMEYSIGA MASKAXDA! Gumeysigu wuu noocyo badan yahay oo caynba-cayn. Waxaa    jira mid dhaqaale, mid dhuleed, mid siyaasadeed, mid maskaxeed IWM. Ka ugu xun waaka maskaxda─ waana kaan u dhareerinayo sheegistiisa. Gumeysigu maskaxdu wuxuu curyaamiyaa maskaxda, wuxuuna sida furuqa ugu furaa dullinnimo iyo dalabaabi is-hoos-dhigiddu hoggaamiso , wuxuunna qofka naftiisa u diidaa  “is-ahaansho ~ Pluralism,” iyo isku filnaasho. Qofka marka maskaxd laga kireysto ama macnawi ahaan  ( معنوي ) laga qabsado wuu kala hadlaa oo hawada ayuu sida huubaha kala raacaa! Waana sababta mararka qaar qofka loo yidhaa muuqiisa duleed uun baa hebel nool.  Qofkuna hadduu maankiisa isku hagi waayo, hagardaamo kama dhamaato, hadallo iyo huuhaa laga fiicanyahayna wuu ku hadaaqaa sidii dhallaanka, carruurta! Gumeysigaa waxaa ka mid ah Guul wadeynta.Guul wadeyntu, asal ahaan waxa ay ka timid (Guul iyo wade) waa erayo fiican marka sidaa loo kala qaado ee midba gaar loo akhriyo

GORFEYNTA DHIGANAHA “REJADII RUMOWDEY”,EE LAGA QOREY MD. AXMED MAXAMED SIILAANYO.

Image
  GORFEYNTA DHIGANAHA “REJADII RUMOWDEY”,EE LAGA QOREY MD. AXMED MAXAMED SIILAANYO. Marka koowaad Ilaahay (Suxaanahuu watacaalaa) ayaa mahad iska leh. Intaa ka dib Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa: “Afeef hore lahaw ama adkaysi dambe lahaw”, waxa aan ka afeefanayaa in aannu ujeedkeygu aheyn wax ka sheega qooraga ama weerar shakhsiyadeed “Personal attact”oo aan ku samaynayo qoraayadda buuggan,laakiin aan rabo in aan bidhaamiyo wixii aan buugga kala kulmey ee taariikha. Marka koowaad aan dhareerka dib u celiyo oo aan u hambalyeeyo qoraayada buuggan Ubax Siciid Cabdile oo ku dhiiratey in ay qorto buuggan xoog iyo xeeladna galisay. Hambalyo. Buuggan la magacbaxey “Rejadii Rumowdey”,waan akhriyey,waqti fiicana waan ku akhriyey, muddo badana ay agtey duu yaaley. ka dib waxa aan go’aansadey wixii iiga soo baxay in aan asxaabta la wadaago, iin iyo awoodda uu leeyahayba. Filashadii ama rajadii aan ka qabey ma buuxinin buuggu,waxa aan filayey in uu waxyaabo badan oo xagga taariikhda ah iga haqabtir

WAQTIGIITAGEY XIKMAD BAA KU SUGAN, KA SOO SOCDANA HIDDIDDIILO!

Image
  WAQTIGIITAGEY XIKMAD BAA KU SUGAN, KA SOO SOCDANA HIDDIDDIILO!   Waxyaabaha ay ammintu gaar ka la tahay, waxaa ka mid ah:    in aynna joogsan marna, in aan dib loo celin karin, iyo in uu degdeg u socdo. Waxaa oo dhan, waxaa ay ku shaqeeyaan sunne Ilaahiya oo abuuraha (Allah) xaggiisa jira. Sunnadanna waxa ay imanasaa marka uu Allah    meel abuuro. Amminna waa loo helayaa. Ammini ma jirto meel/ goob la’aan. [Amminta iyo meesha] waxaa ka dhexeeya xidhiidh. Laakiin, bini-aadamka kaliya uun baa dareema amminta. Wuxuuna u dhexeeyaa amminta iyo goobta. Amminta waxaa la helay bini-aadamka hortii.    Sidaa si la mid ah gooobtana/meeshana, amminta horteed baa la helay. Laakiin, habsami u socodka bini-aadamka    ee goobta, iyo waayaha waxaa ka dhasha qiimaha amminta (Waqtiga). Sabobta oo ah, dareemidda jiritaankooda [Amminta iyo goobta]    waxaa ku dhammaystirmaya abuuridda jiritaankan cusub( Bini-aadamku wuxuu u dhexeeyaa beri iyo galbeed).        Su’aalo ilbaxnimo leh, iyo noocyada amminta!