SIYAASADDA WAXA KU JIRTA SIR!
SIYAASADDA WAXA KU JIRTA SIR!
1- [Imaam] Al-Qasaali wuxuu yidhi: Waalidu waa fan. Anna waxa aan idhi: Faqrigu wuxuu leeyahay noocyo, noocyaddiisa ta ugu khatarta badanina waa ta fekradda ku dhacda ( Faqriga fekerka). Sabobta oo ah noloshu dhammaanteed waa caalamkii fekradaha [ Fekradahaa lagu hadlaa]. Gef kasta oo dhaca waxaa uu ka yimaaddaa, kana dambeeya fekerka.
2- Siyaasaddu ma aqbalaso firaaqada [Waqtiyada bannaan], Faransiyiintu waxa ay yidhaahdaan: ‘‘ Dabeecaddu ma oggola firaaqada.’’ Markey Carabtu is kaga tagto saaxadda Soomaalida, cid kalana uga tagto, Afrikana ay ka bannaannaadaan sababo dhuleed, iyo, kuwo siyaasadeed, maalinna uu yimaado Turkiga oo qorshe istaraatijiya wata [haysta], oo aan dhuganno madaxda Masar oo ku hanjabaya khatar, matalayana (Arab National Security- Golaha Ammaanka ee Carabta).
3- [Waddanka] Eratariya dhexdiisa, waxaa jirta xeer Israa’iili ah oo muhiim ah, Jabbuutina waxaa jira tobannaan xeer oo muhiim ah oo ka yimid quwadaha Galbeedka, Jaynaha, iyo Ruushka. Ugu dambeyn, Hindiya waxa ay doontey dhul ku yaalla ciiddan, [waxa ayna u doontey] si ay maamulkeed ugu faafiso halkaa. Masar kamaynaan maqal wax hadala, iyada oo ka hadlasa ammaankaa guud. Taasi ma waxa ay sheegasaa istiraatijiyad? Mise waa Xaasidnimo siyaasadeed!?
4- Ammaanka guud ee Carabtu wuxuu noqdey war, maalmihii Xusni Mubaarak [Madaxweynihii hore ee dalka Masar], maantana waalla aasay, waxaana lagu aasay kaabadda guriga xukumaha Masar [ Madaxweynaha hadda: Cabdilfattaax ] (Al-Siisi.) Ma jiro wax la yidhaa magaciisa (Ammaanka qowmiyadaha Carabta), balsewaxaa jira ammaan gaar ahaaneed oo ay siyaasiyiinta xukuma [dalku] qasriyadooda ku heystaan. Amniga qoyska madaxweynaha waxaa laga horreysiinayaa ammaanka waddanka. Ammaanka caasimaddana waxaa laga horreysiinayaa ammaanka meelaha waddanka laga soo galo. Ammaanka feker ee dib u dhaceyna waxaa laga horreysiinayaa amniga siyaasadda ee ku xidhan muwaadinka.
5- Arrin baa ku uguba Carabta; wararka siyaasadda, siyaasiyiintan xukuma wararkoodu wuu iska hor iyo dabo imanayaa [Is burinayaa], Sababtu waxa weeyi, ka maqnaanshaha caqliga siyaasiga istaraatijiyadda waaqican Carabta ee hadda. Awooddu kalideed waa hoggaaamiyaha ujeeddada, waxayna ka shaqeysaa shaqada guriga, kaliya waxa ay aamusiisaa hawlaha gudaha [guriga] marka ay hurdada kasoo baraarugaan. Haseyeeshee, aaway caqligii siyaasigu ee ilaalinayey ammaanka Masar, iyo Carabta dhaam ka ay ka dhisayaan Ethiopia dhexdeeda? Halkuu maray (Aaway) caqligii siyaasiga habboon ee xallin lahaa arrimaha [khilaafka] siyaasadeed ee [labada dal ee] Suudaanta jaarka ah!? Halkuu maray (Aaway) caqligii siyaasiga ahaa, ee ilaalinta arrimaha sare, ammaanka qowmiyadaha Carabta ay ilaalin lahaayeen, iyo ilaalintii maslaxadaha Soomaalida? Halkuu maray (Aaway) caqligii Siyaasiga Carabtu ee Afrika? Miyeyna saaxadda ugaga tagin meel istiraatijiya?
6- Waqtiyadii dambe, waxa aan arkayey siyaasadda arrimaha dibadda ee waddamada Carabta oo kolba meel galasa, waxa ay bilaa qorshe ku gashey Aqalka Cad [Maraykanka]. Waxa kale oo ay aragti aynna u mideysneyn ku gashey Karamlin (Kremlin). Waxa ay soo-gelooti ku noqotey Yurub, kubbad aynna niyad u heynna way u tagtey [Yurub]. Waxa kale oo ay doontey jiritaanka Israa’iil, habeen mugdiya dhexdiisa. Midbaa yimid si uu uga warramo Ammaanka qawmiyadaha Carabta, waxa aad moodey in Cabdinaasir ka soo baxay qabrigiisii, si uu u ogeysiiyo dhalashada ummadda Carabta, ama meeshiisii waxaa kasoo baxey boqor Faysal si uu u ogeysiiyo dhalashada ummadda Islaamka. Waa ciyaar siyaasadeed, [waqtiguna waa u diyaar] oo wuu is dhaadhaafayaa, ummadduna way daalasaa!
7- Waqtibaa tagey oo dhammaaday, waxaa yimidey mid cusub. Wuu dhammaaday waqtigii loo fekerayey si qowm ahaaneed, waxaa yimid waqtigii ay u fekerayeen si qoys ahaaneed, caalamka Carabta iyo Islaamkuba. Tanina waa marxalad aan la fahmeyn─ oo aan caqli gal aheyn. Sababtaasina waa dawlada oo ku sugan xaalad dib u dhac─ oo ka dambaysa dhammaan xaaladaha jira, waana xaaladda xaaladaha. Halkan, dawladda dhexdeeda shey kastaa dhex jooga,[iska soo gala] , ma jirto meel ay dawladddu u sameysay fekerrada qabiilooyinka [ meel ay aaya-hooga kaga tashadaan] , laakiin, wax dhibaato ahi kuma jirto maadaama ay qabiilooyinku xanbaarsanyihiin arrim muuqata oo bulsheed ─ ee ayna xambaarsaneyn feker siyaasadeed.
Waddama Carabta iyo sidoo kale [waddamada] Afrika dawladahoogu waxa ay leeyihiin nusdambeed, waxaana nusdanbeed u ah oo xukuma qabiilooyinkooda. Laakiin, dhammaan waaxyaha [kala duwan ee] dawladda , iyo hantida (Xoolaha) dawladdaba, nin ka xukuma (Madaxweynaha ah ) ayaa ku qaata magac dawladeed hantidaasi! Hase yeeshee, hantidaasi uu magaca dawladda ku qaatey wuxuu siiyaa kuna bixiyaa qabiil. Markey arrimuhu iskaga qaldamaan dadka aan wax ogeyn─ ee ay kala saari waayaan, waxa ay dawladdu xaq u leedahaya, iyo waxa uu madaxweynaha iyo qoyskiisu xaq u leeyihiin, waa qayb ka mida fekradda oo keenasa aqoonyahan madhan ( oo aan wax ba ka ogeyn) siyaasadda.
8- [Waddanka) Iiraan, waxaa jira ururro siyaasaddeed oo badan, waxaa jira qeyb la yidhaa (مؤسسة المرشد ~ Golaha hagidda ama jiheynta ), oo matala, qaabilsanna hagidda arrimaha sarsare ee dawladda. Waxaa kale oo jira qeyb la yidhaa (مؤسسة الرئاسة ~Golaha Madaxtinnimda), oo isaguna u qaabilsan fulinta dawladda. Waxa iyaduna jirta qeybta la yidhaa ( Golaha Sharcidejinta~ المؤسسة التشريعي), oo qaabilsan sharci-dejinta iyo [sameynta sharciga], sida waafaqsan ama ku qoran dastuurka Iraan.
Waxaa jira ururro rasmiya, oo joogteyn iyo awoodba ku leh siyaasadda Iiraan, waxayna xukumaan maanka (caqliga). Waxaanna nusdambeed u ah ururradaa siyaasadda ee waxqabadka oo xoogga leh. Waxaa jira golaha shakhsideynta nidaamka, oo leh awood tashineed oo saameyn leh, waxaana xubno ka ah oo ku jira rag ka mid ah hoggaamiyayaasha golaha fulinta, rag aqoonyahanno ah, iyo, sidoo kale rag khabiirro ah oo takhasus leh. Sida laanta ciidamadduba u leedahay dad joogteeya oo hawlaha qabta; iyo, laanta amniguba. Waxaynaan illaaweyn raggii ilaalada kacdoonku doorkii ay ku lahaayeen, sidii ururkii kacdoonka ee ilaalinayey fekerka iyo caqiidada.
Jamhuuriyadda Iiraan way dhaaftey guntinta “Dawladda”, waa dawlad leh macno “Qaanuuni~ sharcineed”. Laakiin, waxa ay noqotey dawlad Qawm “Faarisiya~ فارسية) [la yidhaa]. Diin ahaanna waxa ay haysataa caqiidada “ Shiicada شيعية~ ’’. Laakiin, maaha dawlad leh, oo u eeg mid “qoyseed’’, iyo, mid qabiil toona. Dhab ahaan, waxa ay isla baddeshay waqtiga dawladahan qabiilooyinka ( Dhibaatooyinka Beriga Dhexe) ay is baddelayeen, waxayna isku baddeshay dawlad feker.
9- Turkiga, waxaa u dhalatey dawlad cusub, waxaana ka jira madaxnimo qaab distoor ah ku timid, iyo gole sharci dajineed oo ka dhalatey xukuumadda uu hoggaamiyo raysal wasaaruhu. Waxaa jira ururro wax baadha ‘‘ baadhitaan’’─ oo waaweyn, waxayna akhriyaan oo ay soo tabiyaan dhacdooyin hore-u-dhacay, iyo sida ay u socdeen xaaladuhu dhacdooyinkaa ka dib. Dhacdoooyinka(Taariikh) hadda socdana waxa ay ku eegaan caqli fayow, waxaa ag-jooga oo la shaqeeya khubaro iyo rag falsafad yaqaana oo sameeya xidhiidho, iyo fekerro ─ oo aan tusaale usoo qaadan karno (AWQALUU) iyo, xertiisa mufakiriinta ah. [Raggaasi,] shey kasta waxa ay soo dhigaan miiska dushiisa oo lagu shaandheeyaa. Wax ay u muqaddas uga dhigayaan siyaasiyiinta ma jirto, laakiin, waxa ay yaqaanaan habab badan oo ay uga dabbaalan karaan arrimaha kulkulul ee lasoo darsa!
[Waddankan] Turkiga, madaxweynaha Turkiga, iyo Ra’iisul wasaaraha, asala ahaantood waa Kurdish. Waxaynna labadduba udagaalamayaan [U dadaalayaan, doonayaan] sidii ay u dhisi lahaayeen dawlad cusub oo Turkigu yeesho.
Innaga Soomaali haddaan nahay, waxa aan haysanaa dawlad, dhibaatooyinkii aasaaska ahaanna waalla dhisay [ la xalliyey], markii ay aad is ku dhex galeen qabyaaladdii iyo siyaasaddii. Tallaabada koowaad, ee lagu dhisi karo dawlad cusub waa in la kala saaro; fekerka qabiilka [ku dhisan, qabyaaladda] iyo dawladda, sida siyaasiga.
Qabyaaladdu waxa ay isku baddeshay mashruuc qabsadey dawladda Soomaaliya ( Mashruuc Federaal), sida ay Jabbuutiba isku gu baddeshay baarlamaan iyo xukuumad, sida Soomaaliya oo kale. Ma jirto meel dhaba oo lagu matalo ama lagu tusaaleeyo shacabka. Ta layaabka lihi, waxa weeyi ku dhaqanka qabiilku Soomaaliya wuxuu noqdey qodob, qodobkiina wuxuu noqdey qorshe, qorshe wuxuu isku baddelay dhacdo laga xanuunsado (4.5). Qabiilooyinka qaar ayaa lagu mataley in ay hal ka yar yihiin oo ayn buuxin (badh yihiin), halka qaarna lagu mataley in ay buuxaan( dhammaystiranyihiin). Waa qaybin janjeedha, qalloocda!
10) Waddamada Carabtu ee hadda dhisani culeys bay ku yihiin taariikhda, casrigan dadka Soomaaliduna waxa ay raadinayaan oo ay doonayaan isku-filnaansho inay gaadhaan oo ay ka tashadaan khariidada Carabta.Qaaradda Africa, maaha Carab kaliya, mana aha Afrikaan kaliya,[ waa isku dhex jir]. Shacabka Soomaalida waxa ay iskaga dhex daadsan Carabnimadii iyo Islaamnimaddii. Waxa kale oo ku cusub oo ay isku qaldayaan, iska gana qaldan horumarka, iyo in uu sowraciisa ka tago! Dawladda Carabtu waa mashruuc, waa lla is qasbaa, cadaadiyaa mararka qaarna seef baa shaqeysa!
Guushu waa sir ka mid ah siraha nolosha, sidoo kale guuladarraduna waa mid ka mid ah siraha nolosh. Guushu waddo ama dariiq loo marey leedahay, sidoo kale duuldarraduna dariiq ama hilin loo marey leedahay. [Labaduba]Waxa ay ku kala duwanyihiin billowga iyo dhammaadka, suurta gel maaha in aan aragno guuleyste ay xukumaan fekradaha shicibku/ kooxi, ama caqli qabiil ama manhaj siyaasadeed- [oo dhantaalaya]. Sida ayna soo-jireenka uga mid aheyn in la arko dawlad guuldarreystay oo leh aragti, farriin, ciidan firfircoon, sidoo kale leh shacab wax weelaynaya iyo siyaasi hawlkara. Arrintan waxa ay inna tusinasaa ama innoo sheegasaa jawaabta ah in dawladda Carabtu ay guuldarreysatey, sidoo kale waxa ay saameysay [waddamada] Afrika, dabadeed, khatartii waxa ay ku noqotey Khaliijka Carabta.
Nabigii Islaamku [ Muxammed]( Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee), wuxuu ku guulastay in uu dhiso dawlad fekereed. Ummaddiina wuxuu ka kaxeeyey xaalad qabiil, wuxuuna geeyay Madiina [kuna saleeyay caqliyadooda ] (Fekradda iyo xaqiiqada). Wuxuunna magaalada Madiina (Yasrib) ka aasaasay dawlad. Waxa kale oo uu sameeyey nolol caqliyeed, wuxuuna hoos galiyey qaanuun lagu kalsoonyahay. Wuxuu dhisay Suuq, Ciidan, xukun (Maxkamad). Sidaasuu uga kexeeyey fekraddii qabiilka, una geeyay fekrad dawlad. Laakiin, dhibaatadu waxa ay koobsaneysaa akhriskeenna tijaabadan(khibraddan) ku gaar ka ah taariikhda , ee dhisidda dawladda aragti qabiil.
Way ku guulaysatey Carabtu isku deygii af-gembiga, marka fahankan loo eego, waxa ay ku noqdeen siyaasaddii waqtigii jaahiliga. Waxa ay ahaayeen Dawladdii Umawiyiinta, dawladdii Cabbaasiyiinta iyo dawladihii [ka danbeeyey] ee ku xigey─ meel kasta ha ka jiraane kuwo ka fog qoysnimo. Maanta waxa aynu aragnaa bini-aadannimada oo qaadanasaa khibraddii Nebiga, dawladdoodiina ku dhisaya mid feker ka fog.
Guuleysan mayso tijaabo bilaa fekrad. Fekradna meel mari mayso bilaa farriin. Farriininna socon mayso bilaa wargelin(wacyi-gelin). Wacyigalinna la heli mayo bilaa xorriyad. Sidaasay noloshuna isku gu xidhnatahay. Jahligu nolosha wuxuu ka dhigaa masiirka ummadda mid ku taagan gacmaha cifriid oo kale. Maxaad ka odhan/leedahay shacab dhan oo uu hoggaamiyo askari aan isku keenayn ama dhisayn hadal macno buuxa sameeya, luuqaddiisa? Se maxaad ka odhan shacab dhan oo uu hoggaamiyo mid aan waxna akhriyin, waxna qorin( Ummi~ أمي?). Siddee buu sirta nolosha u fahmayaa? Maxaadse ka odhan markaad aragto shacab dhan oo uu hoggaaminayo nin ku hadaaqaya hadalkii fircoon ee [Allah innooga warramay] ahaa( ما أريكم إلا ما أرى ) ?
Kuwani waa sirihii dawladda lagu dhisayey, iyo kuwii lagu guuleysanyey. Kuwaasina waa kuwii taariikhda sameynayey, ha ahaadaan Carab ama Afrikaan[ kay doonaan], saacadda socoshada waa lasii daayey oo way dhaqaaqdey. Tareenkuna ma sugayo kuwa ciddii ka daadegta!
Taariikhda aan turjumey: 07-11-2017
W/Q: Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir.
W/T: Cabdirisaaq Sandheere.
Comments
Post a Comment