Dham’idda Nolosha!

 

                          

Dham’iddu waa in aad garan waydo meel aad usocoto iyo meel aad ka socoto. Tusaale; qofbaa in uu suuqa tago doonayey waqti habeen, suuquna wuxuu ka xigaa waqooyi. Xaafaddii ayuu ka soo baxay dhinacaa iyo Koonfur ayuu u dhaqaaqey isaga oo suuqii moodaya! Wuxuunna moodayaa in uu Waqooyi oo suuqii ka xigo u socdo! Koonfurna wuu socdaa! Kkkkk. Taasaa la yidhaa dhama’. Haddii aad taa’ ila fahantay; kanna ila eeg.

Waxaynnu ku jirnaa qarnigii 21aad, Waxaa la marayaa waqti casiri ah halkii waliba  ugu danbaysay, nasiibdarro se waxa aad mooddaa in casriga laftiisu burburinayo oo is baabiinayo! Haddii aynnu Soomaali nahay waxaynnu xiisaynaa kolba wixii indhaha u fiican, balse aan qalbiga u fiicneyn. Dhaqan ahaan waxaynnu u lahayn xoolo’dhaqato’beerallay, dhaqan gaar ah oo adduunku indhaha ku hayo ayaynu lahayn, balse, hadda waa gabaaabsi. Taasi waa ilbaxnimo oo in aad soojireenkaaga xajisato waa mid ammaanan, balse, in lagaala wareego ayaa ka xun, cidhib xumo ka qadhaadhna ma jirto in inta waxaagii lagaa qaato, haddana la sheegto.

 Gumeystihii caddaa ee inna dul yuururey meel innoo fayaw innoogama tagin, waxtarna ha ii danbeeyabee. Wuxuu innaga diley dhammaan qaayosoorkii iyo soojireenkii aynnu kusoo caanomaalney qarniyada badan.  Kaaga daranta, waliba intuu wixii fiicnaa ka qaatey ayuu innagana innoo qadhaadheeyey. Intuu waxeennii cideeyey ayuu isagu malabaysatay! Intuu innagu yidhi wixiinnu waa dib0-u-dhac ayuu isagu hoosta ka qaatey. sidirigam!
Horta dhaqanka intuu kufsadey ayuu haddana diley, dabadeed aayar god madaw intuu u qodey dhulka Soomaaliyeed dhexdiisa ku hubsadoo ku aasay. Iyagu way daawanayeen qaarna dillaal ayeyba ka ahaayeen oo waxa ay u kala dillaalayeen dhaqanka iyo caddaanka! Halkaa waxaa god madaw oo aan cidina kasoo saari karin galey oo haddana ku jira dhaqankii Soomaaliyeed. Illaa dadkiisu gumeysiga noocyadiisa kala duwan iska dul qaadayaana wuu ku jirayaa godkaa, hadduuna ku baabi’inba!

Oo ma gumeysibaa hadda Soomaalida lagu hayaa? Haa. Siddeennimo? Waxa aad u fiirsataa wiilka ama gabadha Soomaaliyeed ee  dalka jooga. Oo maxay sameeyaan? Wiilka iyo gabadhuba  intuu dhammaan noloshiisa wixii mudnaa in la tixgaliyo ka saaray ayuu kuyar oo London ama Maraykan joogga sidiisa u dhaqmaa, wuxuu sameeeyana wuu sameeyaa, wuxuu diiddana wuu diida, hadduu sare u kaadi yidhaa wuu u kaashaa! Anigu malihin yaan ilbaxmida caalamka lala socon, basle waxa aan leeyahay waar wixii idin anfacaya ka qaata intaan iska daysaan raacidda  indho la’. Oo noloshiinna haku xadhka xidhina wiilka caddaan ka ah ee Maraykan joogga. Hana u hanqal taagin wuxuu gacantiisa ku samaystay e waxa aad u hanqaltaagtiin waxa ay Aabbayaashiin gacantooda  ku samaysteen.

    W/Q: Cabdirisaaq Sandheere, Boorame, Awdal Soomaalilaan.
    06-12-2017, 18-03-1439, Maalin Arbaco ah, 7:00-08:00 Am.
          Email: drwadaad.yare@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?