GUMEYSIGA MASKAXDA!

 

                                     GUMEYSIGA MASKAXDA!



Gumeysigu wuu noocyo badan yahay oo caynba-cayn. Waxaa  jira mid dhaqaale, mid dhuleed, mid siyaasadeed, mid maskaxeed IWM. Ka ugu xun waaka maskaxda─ waana kaan u dhareerinayo sheegistiisa.
Gumeysigu maskaxdu wuxuu curyaamiyaa maskaxda, wuxuuna sida furuqa ugu furaa dullinnimo iyo dalabaabi is-hoos-dhigiddu hoggaamiso , wuxuunna qofka naftiisa u diidaa “is-ahaansho ~ Pluralism,” iyo isku filnaasho.

Qofka marka maskaxd laga kireysto ama macnawi ahaan (معنوي) laga qabsado wuu kala hadlaa oo hawada ayuu sida huubaha kala raacaa! Waana sababta mararka qaar qofka loo yidhaa muuqiisa duleed uun baa hebel nool. Qofkuna hadduu maankiisa isku hagi waayo, hagardaamo kama dhamaato, hadallo iyo huuhaa laga fiicanyahayna wuu ku hadaaqaa sidii dhallaanka, carruurta!

Gumeysigaa waxaa ka mid ah Guul wadeynta.Guul wadeyntu, asal ahaan waxa ay ka timid (Guul iyo wade) waa erayo fiican marka sidaa loo kala qaado ee midba gaar loo akhriyo, marka la isku daro ayey bahdilaad noqotaa─  oo loo qoraa (Guul wadeyn), macnaheeguna:  waa is-jilcin, is-dulleyn  ammaan xad dhaafa oo kolba sheyga/qofka aad amaanasaa uuna laheyn, waxaana ka muuqata rabbaayad iyo in aad qofkaasi isa siisay oo aad fiirsi la’aan ugu sheegaso wax laga yakhyakhsoodo─ oo dadka caadiga ahi ka hunqaacaan, cantara baqashna dhuraso.

Waana waxyaabaha qofka dulleeya, qalbi jab noloshiisa dambana ku dhiraandhiriya markuu canjada dib u celiyo!
 Waa mid ka mid ah gumeysiga maskaxda ee adduunka heysta gaar ahaanna SOOMAALIDA. Carruur iyo cirroolaba waa lagu tasbiixsadaa.  Markaa hore waa qiiro, markuu qofka qiiradaasi ka dhamaato wuu ka calaacalaa. Wuuna ka shanleeyaa![……..]
     W/Q: Abdirazaq Sandheere.
     Drwadaad.yare@gmail.com



Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?