Posts

Showing posts from May, 2022

Sideed u Kordhin Kartaa Aqoontaada Guud?

Image
  Hordhac Qofku markasta noloshiisa wax ayuu bartaa oo waxbaa u kordha. Waxkasta oo qofka qaybaha kala duwan ee nolosha uga kordhaa faa’ido aan qiyaas lahayn ayay u leeyihiin. Marka aynu leennahay ‘ Aqoon Guud’ waxa aynu ka wadnaa waxkasta oo qofku taransado oo wacyigiisa, garaadkiisa, jidhkiisa, shaqadiisa, naftiisa, iyo guud ahaan noloshiisa wax ka taraya oo wax ku biirinaya haba yaratee. Kama hadlayno dhinac kaliya ama wax la xidhiidha mawduuc gaar ah oo qofku barto, waxa aan ka hadlayaa si guud waxa uu wax ka korodhsaday. Taas ayaan uga jeedaa ‘ Aqoonta Guud.’ Aqoonta guud waa xogta iyo ogaalka ugubka ah ee qofku ka helo deegaanka iyo dadka ku hareeraysan sida uu xusayo qoraa Bryce oo mawduucan wax ka qoray. In qofku aqoon guud helaa waxa ay bud’dhig, aasaas iyo barbilow ba u tahay guusha shakhsiyadeed ee qofka. Qoraalkan waxa aynu si kooban ugu sharraxi doonnaa sida qofku aqoontiisa guud ee wacyigiisa iyo waayihiisa dhisaysa u biirsan lahaa ama u kordhin lahaa. Marka aynu qodobbad

6 Qodob oo kaa caawin kara, kaana fududayn kara culayska iyo dhibta marka aad qof aad jeceshahay aad waydid:

Image
1- Inaad qirtid in dhibi ku haysato, dareennadaadana aad si fiican u aqbashid. 2- Naftaada ka jooji murugada, qofkaasna waxyaabaga isaga ku saabsan niyaddaada ka saar. 3- Qofka aad wayday yuuna ku mashquulin oo yuuna xaddidin doonistaada, oo arrimahaaga & hawlahaagu sidii hore ee ay ahaayeen ha u socdaan. 4- Naftaada cidlo ha dareensiin oo keli ha noqon. Inaad cid kale heshid xasillooni ayaad ku dareemaysaa. 5- Jidhkaaga u raaxee, waxaana waajiba inaad ogaatid waxa naftaada kaaga aaddan ee caawin kara. 6- Ka fogoow cidkasta oo og inaad murugaysantahay, si aanay kuula soo qaadin arrinta aad ka murugaysantahay oo ayna kuu xasuusin qofkii aad jeclayd ee aad wayday. W/Q: Cilmi Nafsi Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere

Faallaynta Buugga ‘ When There Was No Aid’

Image
   Hordhac   Buugga la yidhaahdo ‘ When There Was No Aid ~ Marka    uuna jirin Gargaar” waxa qortay qoraa Sarah G. Philips. Qo0raa Sarah waa qoraa iyo cilmibaadhe waxka dhigta Jaamacadda Sydney, sidoo kale waa Caawiyaha Hormuudka    kulliyadda dawladnimada. Waa buug qaab cilmibaadhisa u qoran. Qoraa Sarah, waxa ay buugga ku eegaysaa xaaladda Somaliland horraysa iyo danbaysaba. Waraysiyo badan ayay dad Somaliland ku nool la yeelatay.    Xigashooyin badan, waraysiyo, dooddo, IWM ayay isku keentay, ka dibna buug dhammaystiran ka samaysay. Qoraa Sarah, taariikh guud bay ku noqonaysaa oo buugga kaga warramaysaa. Waxa ay buuggeeda ka soo bilaabaysaa Soomaalilaan markii ay xornimada qaadatay Sannadkii 1960kii, illaa laga soo gaadhayo sannadkii 2018kii, markii Soomaalilaan iyo Putland dirirtu dhexmartay. Waxa aan isku dayi doonaa inaan si kooban uga warramo waxa uu buuggu daaranyahay. Taariikhdii hore ee Soomaalilaan Sannadkii 1960kii ayay SL xornimada ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska. Sanna

Sawirkan ayaa Noloshiisii Galaaftay!

Image
  Sawirqaade Kevin Carter, waxa noloshiisii iyo xirfaddiisiiba galaaftay SAWIRKA hoose! Sannadkii 1993kii ayuu sawirkan gacantiisa ku qaaday, wuxuu ka dalka Suudaan. Sawirku waxa weeyaan gabadh yar oo Suudaaniis ah oo gaajo darteed u dhimatay. Dalka Suudaan waqtigaas waxa ka jirtay abaar ba’an iyo gaajo. Sawirka isla markii la qaaday ba waxa daabacday Mareegta New York Times. Markii akhristayaashu arkeen sawirka aad bay u waceen Kevin, iyaga oo raba inay ogaadaan waxa gabadha yar helay. Mareegta New York tallaabo kale ayay qaadday oo waxa ay isku dayday inay daabacdo tifaftiruhu arrintaas wuxuu ka odhanayo, iyo sida ay wax u jireen iyo xaaladda meeshaas ka jirtay. Dhammaan akhristayaashii iyo dadkii sawirka arkay faallooyin taban ayay ka bixiyeen. Dadka qaar waxa ay yidhaahdeen ‘ Kevin, oo ah ninka sawirka qaaday waa qof aan bini’aadannimada waxba ka garanayn. Dhinaca kale, sawirkaas qaabka uu u qaaday iyo farshaxannimada sawireed ee ka muuqata darteed wuxuu ku guulaystay abaalmarinta

Faallaynta Buugga “ Xilkas: U Hoggaami Si Raadayn Leh”

Image
   Hordhac   Buugga ‘ Xilkas’ waxa qoray aqoonyahan Cabdikariin Cismaan Jaamac, oo ah khabiir caalamiya oo ku takhasusay kobcinta hoggaaminta, Istaraatijiyadda, iyo Tiknoolajiyadda. Si guud, buuggu waxa uu ka warramayaa hoggaaminta. Hoggaamintu way noocyo badantahaye noockasta oo hoggaaminta ah wax buu ka taabanayaa. Wuxuuba qoraagu cinwaan hoosaad buugga uga dhigay ‘ U hoggaami si raadayn leh.’ Wuxuu xusayaa in qofku naftiisa, iyo bulshadaba u hoggaamiyo si raadayn leh, oo marka uu wax hoggaamiyo raadayn iyo saamayn ba keeno. Sidoo kale, isla cinwaan hoosaadka waxa uu qoraagu leeyahay ‘ ku hoggaami naftaada, ehelkaaga, iyo bulshadaba aqoon iyo xikmad’ wuxuu halkanna sii sheegayaa in qofku waxyaabo badan hoggaamin karo, se hoggaamintu ayna ahayn uun in qofku madaxwayne noqdo ama xil sare qabto. Buuggu waxa uu ka koobanyahay Saddex qaybood oo waawayn, saddexdaas qaybood waxa soo hoosgala 10 cutub. Waxa aan isku dayayaa inaan halkan ku soo kobo nuxurka uu buuggu sido iyo waxyaabaha uu ka