Sawirkan ayaa Noloshiisii Galaaftay!

 


Sawirqaade Kevin Carter, waxa noloshiisii iyo xirfaddiisiiba galaaftay SAWIRKA hoose! Sannadkii 1993kii ayuu sawirkan gacantiisa ku qaaday, wuxuu ka dalka Suudaan. Sawirku waxa weeyaan gabadh yar oo Suudaaniis ah oo gaajo darteed u dhimatay. Dalka Suudaan waqtigaas waxa ka jirtay abaar ba’an iyo gaajo. Sawirka isla markii la qaaday ba waxa daabacday Mareegta New York Times. Markii akhristayaashu arkeen sawirka aad bay u waceen Kevin, iyaga oo raba inay ogaadaan waxa gabadha yar helay. Mareegta New York tallaabo kale ayay qaadday oo waxa ay isku dayday inay daabacdo tifaftiruhu arrintaas wuxuu ka odhanayo, iyo sida ay wax u jireen iyo xaaladda meeshaas ka jirtay.
Dhammaan akhristayaashii iyo dadkii sawirka arkay faallooyin taban ayay ka bixiyeen. Dadka qaar waxa ay yidhaahdeen ‘ Kevin, oo ah ninka sawirka qaaday waa qof aan bini’aadannimada waxba ka garanayn.
Dhinaca kale, sawirkaas qaabka uu u qaaday iyo farshaxannimada sawireed ee ka muuqata darteed wuxuu ku guulaystay abaalmarinta ABAALMARIN. Bishii Julaay sannadkii 1994kii ayuu dhintay. Sababta uu u dhintay waxa lagu sheegay inuu isagu isdilay, oo isqudhgooyay sawirkaa uu qaaday dartii; maadaama falcelin taban lagala horyimid, laguna shaabbadeeyay inuu yahay qof aan bini’aadannimada waxba ka garanayn. Werwer iyo isku buuq inuu isku dilayna waa la sheegay.
Sawirqaade Kevin, kaliya sawirkaas uun ma qaadin, sawirro badan ayuu qaaday, dhammaantood waxa ay ka simanyihiin inay yihiin kuwo argaggax leh, oo farriin diraya.
Sawirqaade Kevin, wuxuu ku koray dalka Koonfur Afrika xilliyadii uu faquuqa iyo haybsoocu ka jiray, maadaama uu dhul haybsooc iyo kala sarrayn ka jirto ku koray waxa loo aaneeyaa in taasi ku sababtay inuu sawirro noocana qaado.
Kevin, wuxuu markasta isku dayi jiray inuu meesha ka saaro dhaqanka xun ee ah faquuqa, isaga oo jidkii ku taaganna wuu dhintay!
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?