Sideed u Kordhin Kartaa Aqoontaada Guud?

 


Hordhac

Qofku markasta noloshiisa wax ayuu bartaa oo waxbaa u kordha. Waxkasta oo qofka qaybaha kala duwan ee nolosha uga kordhaa faa’ido aan qiyaas lahayn ayay u leeyihiin. Marka aynu leennahay ‘ Aqoon Guud’ waxa aynu ka wadnaa waxkasta oo qofku taransado oo wacyigiisa, garaadkiisa, jidhkiisa, shaqadiisa, naftiisa, iyo guud ahaan noloshiisa wax ka taraya oo wax ku biirinaya haba yaratee. Kama hadlayno dhinac kaliya ama wax la xidhiidha mawduuc gaar ah oo qofku barto, waxa aan ka hadlayaa si guud waxa uu wax ka korodhsaday. Taas ayaan uga jeedaa ‘ Aqoonta Guud.’

Aqoonta guud waa xogta iyo ogaalka ugubka ah ee qofku ka helo deegaanka iyo dadka ku hareeraysan sida uu xusayo qoraa Bryce oo mawduucan wax ka qoray. In qofku aqoon guud helaa waxa ay bud’dhig, aasaas iyo barbilow ba u tahay guusha shakhsiyadeed ee qofka.

Qoraalkan waxa aynu si kooban ugu sharraxi doonnaa sida qofku aqoontiisa guud ee wacyigiisa iyo waayihiisa dhisaysa u biirsan lahaa ama u kordhin lahaa. Marka aynu qodobbadaas sharraxno, ka dib talo iyo tusaale wixii innala qummanaada ayaynu ku soo xidhi qoraalka.

Sideen Aqoontayda guud ku kordhin karaa?

1- Akhriska

Akhrisku waa aasaaska uu qofku ku heli karo aqoon guud. Inta badan waxyaabaha qofka u kordha waxa uu ku helaa akhris. Maadaama aad u baahantahay aqoon guud ma jirto buug kaliya ama hal mawduuc oo aad akhridaa, balse waa inaad akhridaa buugta waxa aad adigu doonaysid ka hadlaysa.

Wax akhrisku waa xirfad iyo cilmi, waanna arrin ay waajib tahay in la baro carruurta iyo dhammaan cid kasta oo wax barataa si siman. Waana xirfad lagu kasbado joogteyn iyo ku celcelinta. Waanna cilmi leh tiirar iyo usuul ay waajib tahay in aan baranno innagu carruurteenana barno, si aynu ugaadhno darajo sarreysa. Uma jeedo, darajada imtixaannada ama darajooyinka kale. Laakiin waxa aan rajeynayaa in ay ka ballaaadhato ujeeddadeenu intaa, si aynnu carruurteenna ugaadhsiinno darajadaha ugu sarreeya dhammaan qaybaha nolosha ee kala duwan iyo darajadaha sare ee maalinta dambe (aakhiro).

Akhrisku qofka faa’iidooyin badan ayuu u leeyahay. Haddaba si uu qofku wax u akhriyo waa inuu tagaa goobaha wax lagu akhriyo sida maktabaha IWM. Sidoo kale, qofku waa inuu waqtiga ugu badan ku qaato goobaha buugta lagu iibiyo. Waxa kale oo muhiim ah in qofku la saaxiibo dadka wax akhriya, kuwa jecel akhriska iyo buugta.Waxa iyadna muhiim ah in qofku ka qaybgalo akhris wadareedka, iyo fadhiyada buugta iyo fekradaha la isku waydaarsado.

Akhrisku waa qodobka ugu wayn ee qofku aqoontiisa guud ku kobcin karo, waana qodobka lafdhabarta u ah aqoonta guud. Qoraayo badan iyo aqoonyahanno badan ayaa qaba arrintaas. Dadka qaba arrintaas waxa ka mid ah qoraa Bryce Warwick, maqaal uu qoray sannadkii 2021kii waxa uu ku yidhi: “ Akhrisku waa aasaaska lagu helo karo jaadkasta ama noockasta oo ay tahay aqoon guud.” ( Bryce Warwick, 2021).

2- Akhri Jaraa’iddada
Waxa jira jaraa’iddo si maalin leh ah ama toddobaadle ah u soo baxa. Wargeysyadu waa ilo muhiim ah oo laga heli karo xogo maxalli ah, kuwa gobollo ah, kuwo gees ah iyo kuwo caalami ah ba. Wargeysyadu waxyaabo badan ayay ka warramaan, waxyaabaha ay sida maalinlaha ama toddobaadlaha ah uga warramaan waxa ka mid ah: Siyaasadda, dhaqaalaha, ciyaaraha, cuntooyinka, lebbiska, iyo waxyaabo kale oo dadku xiiseeyaan.
Haddaba si aad aqoontaada guud u kordhisid samee sidan:
B) Caado ka dhigo inaad aroorkasta akhridid jaraa’iddada maalinlaha u soo baxa.

T) Waxa jira Jaraa’iddo la iibsado oo lacag yar la siisto, kuwaana isku day inaad ku xidhnaatid oo joogto u akhrisid.
J) Akhri Jaraa’iddada waawayn sida New York Times, Wall Street Journal, BBC iyo Washington Post.

3- La soco Joornaallada Aqooneed

Joornaalladu qofka waxa ay siin karaan aqoon guud oo ku saabsan qaybaha kala duwan ee nolosha. Sidoo kale, waxa ay qofka siin karaan aqoon gaar ah oo ku saabsan mawduuca uu rabo. Qofku waxa uu ka helaa faahfaahin iyo xog dhammaystiran.
B) Haddii aad rabtid in aad Joornaalladaas la socotid si dhaw ula soco kuna biir waxsoosaarka soo baxa ee la xidhiidha waxa aad jeceshahay.
T) Waxa aad booqataa Maktabadaha iyo goobaha Joornaallada lagu baahiyo.

4- Dhegaysiga

Dhegaysigu waxa uu ka midyahay waxyaabaha aqoonta guud lagu kordhin karo. Waxa aad dhegaysan kartaa waxyaabaha aad xiisaysid. Tusaale ahaan, waxa aad dhegaysan kartaa muxaadarooyin taxane ah oo ku saabsan waxa aad xiisaysid, ama cashirro kale oo anfac leh. Sidoo kale, akhriska wax baad ka baran kartaa oo luuqadaha dhegaysi ayaad ka baran kartaa. Waxyaabaha aad dhegaysan kartid waxa ka mid ah:
B) Buugta: Waxa jirta buug la duubay oo akhriskooda aan kaga kaaftoomi kartid in aad akhridid. Buugtaas Moobilkaaga ayaad ku shuban kartaa, dabadeedna dhegaha ayaad gashani oo waad dhegaysan kartaa.
T) Dhegayso Idaacadaha: Waxa jira idaacado waxyaabo muhiim ah ka warramay, ama si taxane ah u soo gudbiya dhacdooyin iyo waxyaabo kale oo muhiim ah. Waxa wanaagsan in qofku idaacadahaas dhegaysto oo la socdo.
J) Dhegayso Barnaamijyada muhiimka ah: Waxa jira barnaamijyo taxane ah oo qofka anfacaya. Waa muhiim in aad ku taxantid barnaamijyadaas.

5) La Sheekayso Dadka Waaya’aragga ah

Waxyaabaha aqoonta guud lagu helo karo waxa ka mid ah in qofku la sheekaysto dadka waaya’aragga ah ama dadka waayo badan soo joogay oo dhacdooyin iyo xogo badan haya. Dadkaasi waxa ay noqon karaan kuwo da’ ahaan waaya’arag ah ama aqoon ahaan waaya’arag ah. Kuwa hore waa dadka waawayn ee xog badan oo ku saabsan dalka iyo dadka meesha aad joogto haya oo waqtiga iyo waayuhu dhaxalsiiyeen xogtaas, tusaale ahaan odayaasha da’da ah iyo islaamaha muddo badan soo joogay. Waxbadan baa laga gunti karaa. Kooxda labaad waa kuwa aqoon ahaan waaya’aragga ah, waa kuwa xog badan akhris, aqoon iyo buug badan oo ay akhriyeen ku keenay. Kuwani da’da inta ay doonaan ayay jiri karaan. Balse, waa kuwo xog badan haya oo akhris badan iyo buug badan ku keenay.

6- La Sheekayso Dadka aad isku mihnadda tihiin

Waxa jira dad aad isku waxbarasho, isku xafiis ama isku shaqo tihiin. Dadkaas la xidhiidh oo la sheekayso. Waxbadan ayaad ka heli kartaa, waxayna kaa caawinaysaa in xogtaadu korodho.

B) La xidhiidh asxaabta caqliga u saaxiibka ah: Waxa jirta asxaab badan oo kuu dhaw oo xog badan haya, kuwaa la xidhiidh oo kala sheekayso xogaha cusub, aragtiyaha iyo wixii kalaba.
T) Toddobaadkii hal mar la kulan dadka aad xogta ku ogtahay ee isfahantaan: Waxa jirta asxaab aad isfahmi kartaan, kuwaa la xidhiidh oo isku day inaad toddobaadkii hal mar fadhi la yeelatid oo shaah ama Bun la cabtid. Sababta aad ula kulmaysaa waa inaad kala sheekaysatid xaaladaha markaas taagan ee aad xiisaynaysid.

7- Daawo Muuqaallada Xogaha sida

Waxa jira muuqaallo Yuutuubka ku jira, oo aad si fudud u heli kartid. Muuqalladaasi waa xogo muhiim kuu ah oo ku saabsan waxkasta oo aad xiisaysid. Muuqaalladaasi inta badan waa kuwo waqti iyo tamar badan la geliyay oo muddo la baadhayay. Waxbadan ayay kuu kordhin karaan, waxayna qaadhaan ku darsanayaan inay kordhiyaan aqoontaada guud.

8- Ka qaybgal Seminaarrada ama Shirarka

Waxa jira Siminaarro la qabto oo waxyaabo badan lagaga hadlo. Sidoo kale, waxa jira shirar meelo kala duwan lagu qabto, waxyaabo kala duwan oo waaqaca ku saabsan lagaga hadlo. Goobahaas inta badan waxa la isku dayaa in lagu soo bandhigo baadhisyo la sameeyay, ama xogo muddo la ururinayay. Shirkasta maaha, balse waxa jira shirar ama goobo kale oo adiga aad uu anfacaya ama waxa aad danaysid lagaga hadlayo. Kuwaas ka qaybgal oo inta badan la soco. Waxa aad ka heli xog badan oo wax u tarta aqoontaada guud.

9- Ku biir Urur Wax akhris ama Mid Bulsho
In qofku urur wax akhris ama mid dan kale lagaga shaqaynayo ku biiraa waxa ay dhaxalsiisaa inuu xog badan hantiyo. Gaar ahaan waxa mudnaan leh ururrada ku saabsan akhriska, buugta, aragtiyaha IWM. Waayo, goobtaas inta badan waxa lagu faaqidayaa aragti, buug, taariikh, ama wax la mid ah. Qofka waxa ay carinaysaa maskaxdiisa, waxayna ku abuuraysaa inuu dhiirrado oo isaguna wax cusub la yimaaddo. Ta ugu wayn ee ay keenaysaa waa in qofka aqoontiisa guud kobocdo oo qaaradaha ka tallawdo.

Meelo badan ayaad ka heli kartaa ururradaas, muhiimadduna maaha inuu ahaado mid muuqda uun, waxa uu noqon karaa kuwan:
B) Qaab fogaan’arag ah ( Online): Waxa aad ku biiri kartaa urur ama koox dad ah oo jooga meesha aad joogto meel aan ahayn, kuwaasna waxa aad ka wada socon kartaan hab Internet ah. Wixii aragtiyo, aqoon iyo waaya’aragnimo ah halkaas ayaad ku kala qaadan kartaan.

T) Urur Wax akhris: Waxa aad ku biiri kartaa dad aad isku ayni tihiin oo aad wax wada akhridaan. Isku imaatinkaasi waxa uu noqon karaa mid toddobaad leh ama mid bille ah.
J) Si furan baad iskala sheekaysan kartaa dadka xiiseeya akhriska, qoraalka ama waxyaabaha la midka ah.
10- Baadh Internetka
Waqtigan hadda la joogo xogta ugu badan qofku waxa uu ka heli karaa mareegta Internet ka. Si fiican uga faa’ideyso Internetka oo si wanaagsan u adeegso. Meelaha aad xogta badan ka heli kartid waxa ka mid ah Yuutubka, Google ka, Bogagga ka Faysbuugga, Twitter ka, IWM. Inaad si maalin leh wax uga korodhsato mareegahaasi waxa ay keenaysaa in aqoontaada guud kobocdo.
11- La Soco Xogaha Degdegga ah

Waxa jira xogo degdeg ah oo ku saabsan waxyaabaha aad xiisaysid. Tusaale ahaan, waxa jira war ku saabsan siyaasadda aad xiisaysid. Ka warhay oo maalinle warkaas ula soco. Sida aad waxyaabahaas ku heli kartid waxa ka mid ah inaad ku xidhantid mareegaha, Bogagga, ama goobaha kale ee la soo geliyo. Inaad meelahaas ku xidhnaatid waxa ay keenaysaa in aqoontaada guud korodho.

12- Ka qaybal Kulamada Maskaxdaada carinaya

Waxa jira kulamo joogto loo qabto oo waxyaabo badan lagaga hadlo. Kulamadaasi waxa ay yihiin kuwo caadi ahaan inta meel la iskugu yimaaddo la qabto, iyo kuwo qaab fogaan’arag ah ( Online) loo qabto. Kulamadaas waxa aad ka helaysaa kuwo waxa aad xiisaysid la xidhiidha. Iyagana badi oo kolba intii kuu suurtagala ka qayb qaado.

13- Iska diwaangeli Fasallada Fogaan’aragga ah ( Online)

Maadaama dunidii fidday, dadkiina kala fogaaday oo qaarado kala duwan iyo dalal kala fog la joogo waxa muhiim ah in kolba sidii look ala faa’idaysan karo look ala faa’idaysto. Waxa jira kumannaan shay oo aad xiiso u qabtid in aad baratid, balse aanad ka helayn meesha aad joogtid. Waxa aad helaysaa iyaga oo goob kale oo kaa fog laga bixinayo, waxa muhiim ah inaad ka warhaysid oo xaadirtid goobahaas qaab fogaan’arag ah. Fasalladasaasi waxa ay noqon karaan kuwo muddo kooban soconaya ama kuwo soconaya muddo dheer. Labadaba qaab fogaan’arag ah uga qayb qaado, iskuna day oo ka warhay. Taasi waxa ay keenaysaa in aqoontaada guud ay kobocdo.

14- Dhigo Koorsooyin kookooban

Jaamacadaha iyo Kooleejyadu waxa ay xayaysiiyaan oo ay muddo kooban dhigaan koorsooyin. Koorsooyinkaasi waqti kooban ayay socdaa, xog badan ayaa laga helaa, waxaana inta badan laga dheefaa aqoon guud Isku day inaad ka qaybgashid Koorsooyinkaas. Waxaad aad u hubisaa in koorasyadaa aad ka helaysid aqoon guud.

15- Fekerka Badi

Waxyaabaha aqoonta dejiya ama xasiliya waxa ka mid ah fekerka. Waxkasta oo aad baratid ka feker oo isku day inay maskaxdaadu rogrogto. Waxa suurtagala in sheygaas aad wax cusub ka soo saartid. Siyaabaha aad aqoontaada guud ku kordhin kartid waxa aan qabaa inay ka mid tahay inaad fekertid, oo maskaxdaada iyo habfekerkaaga ka shaqaysiisid.

Gebagebo

Waqtigan la joogo waa muhiim in qofku xog badan iyo aqoon guud helaa. Isku day in aad maalin ba maalinta ka danbaysa kordhisid aqoontaada iyo xogtaada. Haddii aad aqoontaada kordhin waydid oo halkii shalay aad taagnayd aad maantana joogtid waa lagaa tagayaa, wax horumar ahna nolosha kama gaadhi kartid. Aqoon guud korodhso.

Tixraac

1- Bryce Warwick, JD, 2021 (https://www.wikihow.com/Increase-Your-General-Knowledge ).
2- SIDEED U DAWEYN KARTAA MUSHKILADAHA KUU DIIDAN IN AAD WAX AKHRIDO? W/Q: DR. Saalax Cabdikariin. W/T: Cabdirisaaq Sandheere ( 2018).
3- Sure Job: https://surejob.in/general-knowledge.html

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
Jannaayo, 2022

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?