Faallada Buugga “ Mucjisada Aroorta ~ Miracle Morning”
Hordhac Buuggan la yidhaahdo “Miracle Morning” waxa qoray Hal Elrod. Hal waa dhiirrigeliye, qoraa iyo aqoonyahan ka hadla inta badan arrimaha la xidhiidha waqtiga iyo faa’idadiisa. Wuxuu in badan wax ka qoray muhiimadda ay leedahay in qofku aroortii xilli hore tooso. Sidoo kale, waxa uu muuqaallo badan iyo Dhakamantariyo aad u badan ka diyaariyay muhiimadda ay leedahay in qofku aroortii xilli hore kacaa. Markii hore mawduucyada la xidhiidha ‘ Miracle Morning’ maqaallo ayay ahaayeen, mar danbe ayuu qoraagu buug ka dhigay. Buuggan “Miracle Morning” waxa uu qoraagu kaga warramayaa sida ay u fududdahay in qofku caado yar oo uu samaystaa ay dhaqdhaqaaq wayn noloshiisa ugu samayn karto, ee qofku u noqon karo qof guulaystay. Buuggan qoraagu waxa uu soo saaray sannadkii 2012kii. Wuxuuna ka koobanyahay 240 bog. Waxa aan isku dayi doonaa inaan si kooban uga warramo mawduuca uu buuggu daaranyahay ee sida wayn u qaadaadhigayo. Muxuu buuggu ka hadlayaa? Marka aad buugga furtid wuxuu qoraagu a...