Faallada Buugga “ Mucjisada Aroorta ~ Miracle Morning”

 






Hordhac

Buuggan la yidhaahdo “Miracle Morning” waxa qoray Hal Elrod. Hal waa dhiirrigeliye, qoraa iyo aqoonyahan ka hadla inta badan arrimaha la xidhiidha waqtiga iyo faa’idadiisa. Wuxuu in badan wax ka qoray muhiimadda ay leedahay in qofku aroortii xilli hore tooso. Sidoo kale, waxa uu muuqaallo badan iyo Dhakamantariyo aad u badan ka diyaariyay muhiimadda ay leedahay in qofku aroortii xilli hore kacaa. Markii hore mawduucyada la xidhiidha ‘ Miracle Morning’ maqaallo ayay ahaayeen, mar danbe ayuu qoraagu buug ka dhigay.

Buuggan “Miracle Morning” waxa uu qoraagu kaga warramayaa sida ay u fududdahay in qofku caado yar oo uu samaystaa ay dhaqdhaqaaq wayn noloshiisa ugu samayn karto, ee qofku u noqon karo qof guulaystay.

Buuggan qoraagu waxa uu soo saaray sannadkii 2012kii. Wuxuuna ka koobanyahay 240 bog. Waxa aan isku dayi doonaa inaan si kooban uga warramo mawduuca uu buuggu daaranyahay ee sida wayn u qaadaadhigayo.
Muxuu buuggu ka hadlayaa?



Marka aad buugga furtid wuxuu qoraagu akhristaha u sheegayaa sharraxaad uu ka bixinayo ‘ Mucjisada aroorta.’ Aroortu waa xilliga qofku awood u leeyahay inuu keeno natiijo isbeddel horseedda, waa xilliyada uu qofku firfircoonyahay, waana xilliga uu qofku shaqo badan oo waxtar leh qaban karo, si wanaagsan oo loo riyaaqana u qaban karo. Waayo, aroortu waxa ay kuu oggolaanaysaa inaad tallaabo hore u qaaddid noloshaada, waa xilliga aad heli kartid isku dheellitirka caafimaadkaaga, farxaddaada, iyo jaceylka nolosha.

Qoraagu wuxuu xusayaa inay jiraan caadooyin ay sababi karto in qofku aroortii hore u kaco, caadooyinkaas waxa ka mid ah:

- Aroortii waa xilliga ay qofka awooddiisu sarrayso, waana waqtiga uu qofku dabka isku furi karo ee firfircooni isgelin karo.

- Waa xilliga qofku yool dhigan karo.

Waxa jira shan tallaabo oo oo ay tahay inuu qofku sameeyo, si uu ugu baraarugo mucjisada aroorta. Waxaa ka mid ah:

1- Habeenkii marka aad sii seexanaysid maskaxdaada sii geli berri aroorta xilliga aad kacaysid.

2- Saacadda aad ku buuxsanaysid inaad aroorta ku kacdid ( Alarm) waxa aad dhigtaa meel ka fog meesha aad seexatid.

3- Cadayo oo afkaaga nadiifi.

4- Waxa aad cabtaa Koob biyo ah.

5- Waxa aad xidhataa dharkii aad ku jimicsan lahayd.

Waxa kale oo qoraagu xusayaa inay jiraan 6 tallaabo oo ay tahay inuu qofku qaado aroortii marka uu kaco. Qodobbadaasi waxa ay qofka ka caawinayaan inuu noloshiisa badbaadiyo, qodobbadaas wuxuu qoraagu ugu yeedhayaa ‘ Badbaadiyayaasha Nolosha ~ Life Savers.’ Qodobkastaa waqti gaara ayuu leeyahay, isku gayn waqtigu waa 6 daqiiqo. Lixdaas qodob ayaynu si kooban u sharraxi:

1- Aamusnaan: Aroortii marka aad kacdid waxoogaa waqti kooban yara aamus, marka aad hurdada ka soo kacdid in aad aamustid waxa ay kuu saamaxaysaa inaad nafsad ahaan degtid. Waxa aad aamusaysid ha ahaado 5 daqiiqo.

2- In aad fekertid: Waa in aad fekertid oo naftaada wax wanaagsan ka filatid. Weliba adiga oo dhinaca wanaagsan wax ka eegaya. Waqtiga ay taasi kugu qaadanaysaa waa 5 daqiiqo.

3- In aad yool yeelatid: Aroortii marka aad kacdid waa inaad yool yeelatid. Waqtiga aad yoolkaaga ku hawlanaanaysidna waa 5 daqiiqo.

4- In aad jimicsi samaysid: Aroortii marka aad soo kacdid samee jimicsi, waqti gaarana jimicsiga u astee, waqtiga aad jimicsiga u astaynaysid waxa weeyaan 20 daqiiqo.

5- Akhriska: Aroortii marka aad kacdid wax akhri, waqtiga aad wax akhriyaysid waa 20 daqiiqo.

6- Qoraal: Marka aad soo kacdid wax qor. Waxa aad qoraysaa kolba adiga ayay kugu xidhantahay, se wax qor. Waqtiga aad wax qoraysid waa 5 daqiiqo.

Guud ahaan waqtigaasi marka la isku geeyo waa 60 daqiiqo oo u dhiganta 1 saac.

Gebagebo

Buuggu mawduuc muhiim ah ayuu ka warramayaa. Arrinta uu daaranyahay waa in qofku waqtiga ka faa’idaysto, in qofku waqtiga ka faa’idaystana waxa ka mid ah inuu aroortii xilli hore kaco. Kicidda xilli hore aroortii waa astaan ka mid ah astaamaha qofku waqtiga kaga faa’idaysan karo, ee kansho heli karo, waayo naf ahaan wuu degganyahay, jidh ahaan wuu firfircoonyahay, niyad ahaan wuu degganyahay, buuq kuma furna, dhinackastana waa caadi.

Waxa aan ku soo koobayaa in ayny waqtiga ka faa’idaysanno, iyo in aan aroortii hore u kacno.



W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

17 Julaay, 2022

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?