3 Ganacsade oo Guulaystay

 




Sawirkan waxa ka muuqda saddex Ganacsade oo saamayn bulshada ku leh, horumar ballaadhanna gaadhay, marka hore nafahooda ayay meel hoose ka soo qaadeen, halgan adag ayay soo galeen, oo way isasoo saareen, ka dibna bulshada iyo qaranka ayay qaadhaan horumarineed oo la taaban karo ku darsadeen oo hal'abuurkooda iyo hantidooda uga faa'ideeyeen.

Qofka koowaad waa Ismaaciil Axmed. Ismaaciil, waa Mulkiilaha Shirkadda Dirista Lacagaha ee World Remit, Sahamiye Foundation IWM. Ismaaciil, wuxuu halganka nolosha ka soo bilaabay meel hoose. Markii hore shaqaale ayuu ahaa, oo sida uu Waraysiyo badan ku sheegay Istaroowbariga ayuu guri jiray, wuu ka dallacay, illaa uu UN ta ka shaqeeyay. Ugu danbayn wuxuu isku dayay inuu hal'abuur cusub la yimaaddo, wuxuuna abuuray shirkad cusub oo diridda lacagaha ka shaqaysa.

Hadda waa Mulkiilaha Shirkadda Work Remit. Wuxuu Somaliland ka fuliyay mashaariic badan oo horumarineed. Wuxuu bilaabay inuu ka shaqeeyo waxbarashada, caafimaadka, waddooyinka, shaqo abuurka dhallinyarada IWM. Wuxuu sameeyay oo maalgeliyay Sahamiye Foundation, oo sida uu furitaankeedii ku xusay adeegyo badan oo bilaasha bulshada u qaban doonta.

Qofka labaad waa Guddoomiye Cabdi Yusuf Aar. Cabdi, waa Guddoomiyaha guud ee shirkadda Daabacaadda Casriga ah ee Sagaljet. Sida uu meelo badan ku xusay, Cabdi isaga oo yar ayuu shaqada iyo ganacsiga bilaabay. Muddo badan ayuu shaqaale ahaa, oo shirkado badan ka soo shaqeeyay. Muddo badan ayuu la shaqaynagay labada Ganacsade ee sawirka kula jira ( Ismaaciil, iyo Maxamed).

Cabdi, muddo hadda laga joogo 15 sano iyo dheeraad ayuu qayb ka ahaa aasaaska Shirkadda Sagaljet. Shirkaddaad muddadii uu hoggaaminayay waa kuwa ugu cadcad, uguna hal'abuurka badan ee majaalka daabacaadda ka shaqaysa. Wuxuu ku soo kordhiyay hal'abuur cusub, waxa aan ka xusi karaa inuu ka midyahay dadka bilaabay in shaqaalaha shirkada la abaalmariyo, taas hadda caan bay noqotay oo inta badan shirkaduhu shaqaalahooda way abaalmariyaay. Wuuna ku ammaananyahay in Cabdi hormuudkii bilaabay ka mid ahaa.

Qofka saddexaad, waa Maxamed Siciid Geeddi. Waa mulkiilaha Shirkadaha MSG Group iyo Somcable. Maxamed, dadaal badan ayuu soo galay. Ganacsiga meel hoose ayuu ka bilaabay. Shirkadihiisu waxa ay ka midyihiin shirkadaha dalka shaqo abuur badan iyo waxyaabo badan ku soo kordhiyay.

Maxamed, waxa uu dalka kaga qayb qaatay waxyaabo badan masuuliyad bulsho ah ( Social Responsibility). Waxyaabaha uu qabtay waxa aan ka xusi karnaa Tartanka Quraanka Kariimka ah oo uu Bisha Rabadaan qabto.

Midkii ba haddii halgankiisa, sooyaalka uu soo maray, iyo guud ahaan hayaanka dheer ee uu soo maray la eego BUUGAAG baa laga qori karaa. Waan bogaadinayaa, waxaanan soo jeedinayaa in saddexda ganacsadaba ay da' yarta khibraddooda uga faa’ideeyan.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?