Xeerarka Aasaas u ah sidii aad u Horumarin Lahayd Luuqaddaada English ka

 



1-      Dhegaysiga: In aad dhegaysigaaga horumarisid waa hab wayn oo awood leh. Dhegaysiga iyo hadalkuna way isasaameeyaan, oo waa run 100% in waxkasta oo aynu dhegaysanno aynu ku hadli karno. Dhegaysigu waa xirfad, oo haddii aad xrifaddaas ku wanaagsantahay hubaal si dabiiciya ayaad Ingiriisiga ugu hadli kartaa. Sidaas darteed noqo dhegayste wanaagsan. Qofka dhegaystaha wanaagsan ahi had iyo jeer waa qof si wanaagsan ugu hadla luuqadda. Maalinkasya dhegayso Ingiriiska, oo ugu yaraan maalintii dhegayso 20 daqiiqo oo aroortii ah iyo 20 daqiiqo oo galabtii ah.

2-     2- Ku Hadalka Luuqadda: Waa in aan maalinkasta Ingiriiska ku hadalnaa si aan u kobcinno xirfadeenna ku hadalka luuqadda. Ku hadalka luuqadda maantaba bilow, oo berri ha la sugin. Macno malaha in Garaamarkaagu saxyahay ama in uuna ahayn ba; kaliya samayso saaxiib kugula hadla, oo inaad ku wada hadashaan bilow. Dad badan waxa ay ka cabsadaan inay luuqadda ku hadlaan, waayo way xishoonayaan. Ha ka xishoon ku hadalka luuqadda, haddii aanad si saxa ugu hadli karin luuqadda xataa isku day inaad Ingiriis jajaban ku hadashid, oo adigu bilow uun inaad ku hadashid. Qaladka la galaa waa mid caana, sidaas darteed waxba ha ka werwerin qaladka aad luuqadda qaldaysid, kaliya isku day inaad soo bandhigtid adigu naf ahaan.  

3-     3- Akhriska: Akhrisku sidoo kale waa xirfad. Akhristayaasha wanaagsani waa hoggaamiyayaal wanaagsan. Waxyar akhri, se si taxaddir leh wax u akhri. Maalinkasta akhri 2 Bog, se ku celceli marar badan. Akhrisku waa xirfad ku fiican inaad kobcisid Garaamarkaaga, dhisma jumladaha, iyo erayada.

4-     Qoraalka: Samayso meel aad wax ku qoratid ( Note). Isku day in aad maalinkasta heshid shan illaa toban jumladood, ka dibna meel ku qoro. Jumlahadahaas aad qoratay marar badan akhri. Isku day inaad fahantid qaabdhismeedka jumladda. Marka aad fahantid qaabdhismeedkii jumladda, waxa aad jumladdaas kaliya ka samayn kartaa jumlado badan.

5-     5- Fekerka: Bilow in aad Ingiriisi ku fekertid: mFekerku waa muhiim, waana qayb ka mid ah ku hadalka Ingiriiska, waayo markasta oo aad fekertid, waad hadli karaa. Sidaas darteed caado ka dhigo in aad luuqadda ingiriiska ku fekertid. Bilowga hore waxa laga yaabaa inay kugu adkaato. Balse, ku celceli oo ku celceli suurtagal ayay noqone.

 

Sided Ingiriiska ugu fekeri kartaa? Waxa aad maskaxdaada dib u xasuusisaa dhamaan waxyaabihii ay soo qabatay, wixii ay hore u dhegaysatay, wixii aad saaxiibbadaa kula hadashay, wixii aad akhriday, iyo dhammaan waxyaabihii aad buugga xasuusahaaga ( Note kaaga) ku qoratay… Habkan waxa aad ku samayn kartaa caado aad ku fekertid oo luuqadda Ingiriiska ah.

 

W/Q: Easy English 444

Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

Julaay, 2022

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?