Taxanaha Buugga #Sirdoon Qisada #2 Mata Hari: Xiddigtii Waabbari

 




Qaybta 1

Mata Hari, waxa ay ahayd dheddigii ama gabadhii ugu caansanayd ee laga aqoonsanaa taariikhda basaasnimada. Mihnaddan halista badan ee basaasnimada si fiican ayay u baratay, waxaana loo yaqaannay ‘Xiddigtii Arooryaad/Waabbari’ ama ‘ Mata Hari.’

Qalanjadan Jaasta ( Qoob ka ciyaarka) ee Hoolaandiiska ah ee Holand u dhalatay waxa ay isku dayi jirtay inay xaqiiqada qariso, marka dib loo eego sheekooyinka mala’awaalka ah ee laga soo wariyay tagtadeedii. Waxa ay sheegtay inay ka soo jeeddo oo uu dhalay amiir ka mid ah amiirradii Hindidu, ama awlaaddii boqortooyadii Mihraajaad . Balse, dhabnimada iyo xaqiiqdu sidaas way ka duwanayd. Run ahaantii Mata Hari waxa ay dhalatay 7dii bisha Ogosto Sannadkii 1876kii, waxayna ku dhalatay magaalada Leeuwarden oo ku taalla dalka Netherland ama Holland. Waxa dhalay oo ay inantiisii ahayd aabbe la odhan jiray Adam Zelle—Aabbaheed Adam waxa uu Mulkiile ka ahaa warshad soo saarta Koofiyadaha oo ku taallay magaalada Leeuwarden ee dalka Netherland. Aabbaheed soodhawayn badan ayuu siin jiray Mata Hari, oo aad ayuu uga soo dhawaysan jiray saddex ilmo oo ay walaalo ahaayeen Mata.

Markii Aabbaheed caydhoobay ee hantidii ka kacday, wuxuu inantiisa u diray magaalada Hague si ay ula noolaato qaar ka mid ah adeerradeed. Magaalada Hague ayay Mata Hari ku guursatay nin la yidhaahdo Kabtan Rudolph MacLeod oo asal ahaan ka soo jeeday boqortooyadii Scotland, ninkaasi da’ ahaan Mata Hari wuxuu ka waynaa 20 sannadood. Waxa ayna u dhashay wiil iyo gabadh.

Wiilkii ayaa si kedis ah uga dhintay lammaanihii Rudolph MacLeod iyo Mata Hari. Ilmahaasi dhintay da’diisu waxa ay ahayd 2 sano jir iyo badh. Markii ilmahaasi dhintay qoyskii khilaaf ayaa ka dhex bilaabmay, waxaana sii siyaaday khilaafkii hore uga sii dhexeeyay. Inay lammaanihii wada noolaadaan suurtagal ayay noqon wayday, oo damac iyo doonis badan ayay Mata Hari lahayd. Ugu danbayn way kalatageen lammaanihii oo way isfureen. Ninkii inantii ay wadadhaleen ee u noolayd ayuu qaatay, wuxuuna ku dhaartay in inantaas yari ayna mardanbe hooyadeed arki doonin!

Mata Hari, waxa ay ku dhawaatay inay waalato. Meelkasta way martay iyada oo inanteedii yarayd raadinaysa. Ugu danbayn waxa ay ogaatay in inanta yar aanu ninkeedii hore qaadan, balse uu geeyay oo kaga tagay xannaano ama goob lagu xannaaneeyo carruurta oo ku yaalla Induuniisiya.

Ugu dambayn Mata Hari way quusatay, waxayna go’aan ku gaadhay inay u guurto magaalada Baariis—oo ah magaaladii Jinka iyo Malaa’igta. Waqtiga ay ka guurtay waxa ay ahayd bilowgii sannadkii 1904kii.

Margaretha (Mata Hari) weligeed xoogga may saari jirin Jaaska iyada oo waafajinaysa dhaqannada faneed ee ay caadada u leeyihiin Buudiyadu . Balse, shaqadeeda waxa ay ka bilowday goobaha lagu xinnaysto ama la isku qurxiyo ee Baariis ku yaallay, weliba qaabka ay ku bilowday wuxuu ahaa qaab u dhaw jaaska bariga. Si degdeg ah ayay u guuleysatay. Balse, sannado ka dib waxa ay tidhi: “ Weligay ma awoodin inaan jaaska u sameeyo qaabkiisii saxda ahaa. Balse, dadka ayaa ii iman jiray si ay iigu muujiyaan inaan anigu ahay gabadhii ugu horreysay ee ku dhiirratay inay dadka hortooda isku qaawiso.” Intaas waxa ay ku sii dartay: “Markasta oo aan dharka iska yareeyo ama ay dharla’aantaydu badato waa markasta oo guushaydu badato—oo ay xaggayga u soo kacaan qaar badan oo ila yaabban.”

Waqtigaas laga soo bilaabo Margaretha way qarin jirtay asalkeeda iyo inay ahaan jirtay marwadii Rudolph MacLeod, waxayna sheegan jirtay inay tahay Hindi dhalad ah ama asal ah. U jeeddaduna waxa ay ahayd inay meesha ay hadda joogto xejisato. Waxyar ka dib waxa ay ka mid noqotay hablaha xiddigaha ah ee Baariis. Sababta ay magaaladaas u tagtay waxa ay ahayd si ay halkaas uga weerarto Yurub. Waxa ay martay Madrid illaa Milan; waxa kale oo ay martay Monte Carlo iyo Baarliin, IWM.

Waxa wax carrabka lagu adkeeyo mudan in Mata Hari ay ahayd qalanjo aad u qurux badan, jidhkeeduna soojiidasho leeyahay. Ragga shidan ee jaasaa haddii ay yimaaddaan xafladaha iyo cawaysyada bilan ee ay Mata Hari ruxdo ( noolayso) may awoodi jirin inay nafahooda hantaan ama xakameeyaan. Inkasta oo ay waqtigaas ay Mata Hari noolayd, ama waqtigaas ay Mata ku caanbaxday Jaaska ( qoobkaciyaarka) ee bilowgii Qarniga labaatanaad ay Yurub joogeen hablo badan oo qurux badan, haddana may jirin cida sideeda u jaasta, ama cid quruxda iyo qaabka jidhkooda u soo bandhigta qaabka iyo hannaanka ay Mata u soo bandhigi jirtay.

Taasi waxa ay keentay in xataa qaar badan oo ka mid ah xeeldheerayaasha ama falanqeeyayaasha Masraxiyadda ( Ciyaaruhu) ay u qireen lana ashqaraareen awoodda xad’dhaafka ah ee ay u leedahay jaaska ( qoobkaciyaarka). Mid ka mid ah ayaa qoray intan: “ Qofku wuxuu u baahanayaa erayo gaar ah, iyo erayo cusub marka uu rabo inuu faalleeyo fanka saamaynta leh ee ay samayso Mata Hari. Way innala fududdahay in aan dhahno gabadhani waa tii horumarin lahayd Muusigga, hannaan ashqaraar leh ayay jidhka quruxda badan u kalabixisaa…”

Mata Hari, Masraxii umay daynin caqligii fooraray ee ragga, balse waxaa cadaawad ta ugu xun ku soo qaaday Basaaskii waynaa ee Pierre Bouchardon. Wuxuu qirtay in uuna awood u lahayn inuu naftiisa ka jeediyo eegmada jidhkan qurxoon ee Mata Hari.

Markii ay Baarliin joogtay waxa ay jeclaatay oo aad u caashaqday Korneylkii waynaa ee Al Fariid Kaybiir oo ka dalbay inay la waafaqdo oo isku soo baxa ciidanka soo xaadirto, misana ay timaaddo Gobolka Silesia.

La soco qaybta 2aad ee Qisada, bal halkay u soco, halka ay ku dhammaato, waxa dhaca, fejida iyo siraha iman doona. Isha ku hay.

Asxaabtaada la wadaag

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?