Posts

Showing posts from September, 2023

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

Image
   Hordhac   Buuggan la yidhaahdo ‘100 Mashruuc iyo Mashruuc’ waxa qoray Xamse Xabiib Xuseen, oo ah Wadaad arrimaha dhaqaalaha inta badan ka hadla, sidoo kalana ah dhiirrigeliye iyo tababbare cashirro bixiya. Wuxuu soo saaray badhtamihii sannadkan sii galbanaya ee 2023ka. Waxa lagu soo bandhigay Caasimadda Hargaysa, gaar ahaan Hotelka Maansoor. Wuxuu ka koobanyahay  4 Cutub, oo ballaadhan, weliba qaybo ayuu u sii qaybinayaa marmar qoraagu. Bog ahaan wuxuu ka koobanyahay 200 bog oo waraaqadda A5 ka ah. Marka hore waan bogaadinayaa qoraaga, wuxuu wax ka qoray mawduuc ay yartahay in dadka Soomaaliyeed wax ka qoraan, ama qoraalkiisa iyo ka hadalkiisuba yaryahay ; taas qoraaga waan ku bogaadinayaa. Buugu guud ahaantii wuxuu ka warramayaa waxa loo yaqaanno ‘ Horumarinta Dhaqaalaha Shakhsiga ah.’   Ka akhriste ahaan, waxa aan isku dayi doonaa inaan sheego wixii aan kala kulmay, iyo sida aan u arko baaxadda buugu leegyahay ee mawduuca uu falanqaynayo. Nuxurka Buugga Cutubka 1aad wuxuu qoraagu

Xog SIRDOON

Image
Qofkan la yidhaahdo ‘ Basaasku’, caalamku hal maalin kama maarmin; waa na xirfad. Dhulka waxaa ka jira loollan iyo dagaallo u dhexeeya dadka. Maadaama dagaallo iyo loollan jiro waxaa lagamamaarmaan ah in la helo basaasiin, oo halkaas ayay ka soo bidhaamaysaa doorka basaasiintu. Maskaxda basaasiintuna waa kuwo tababbaran, waxayna leeyihiin shakhsiyad jaadgooni ah oo suurtagelisa inay guuleystaan oo ay wax isku miisaamaan, iyo inay guuldarrooyinka u baddelaan guulo. Tan iyo intii ay taariikhdu jirtay ee ay soo ifbaxday, dumarku awood wayn ayay ku lahaayeen caalamka sirdoonka. Dadku markii horaba waxa ay ku baraarugeen awoodda dumarku ku keliyoobeen ee ay gaarka ku yihiin, si gaar ah majaalkan, iyo hubka ay dumarku ku hubaysanyihiin ee aan laga salgaadhin, waxyaabaaas waxa ka mid ah: oohinta, dabacsanaanta, iyo sida ay u adagtahay in sirta laga helo oo laga gungaadho… Waxa taariikhda lagu xusay tobannaan ka mid ah basaasiintii doorka ugu wayn iyo qaybta laxaadka leh ka soo qaatay loollann

Xulashada Lammaanaha

Image
  Gabadha Diinta lihi dhibcaha qiimaynta ay haysataa waa 1. Haddii gabadhu qurux leedahay waxa ay ku darsanaysaa 0 waa na 10. Haddii ay xoolo leedahay waxa ay ku sii darsanaysaa 0 kale, waana 100. Haddii ay qoys caana ka soo jeedo oo nasaba waxay ku darsanaysaa 0 kale, waana 1000. Haddiigabadhu ayna Diin lahayn oo 1 jirin waxa soo hadhaya 0, eberna waa waxba la’aan. Gabadha aan Diinta lahayn waa sidaasoo kale. Waa xaqiiqo la soo weriyo, ma garanayo cidda saxda ah ee qaacidadaa ku fadhiisisay Sharraxaadda Xadiiskii Nebi Muxammed ee ahaa “ Gabadha waxa lagu doortaa afar shay: Diinteeda, hantideeda, quruxdeeda, iyo nasabkeeda…”

XOG kaa QARSOON: SIRDOON

Image
  Raggu intooda badan waxa ay leeyihiin nugayl badan, oo way quwadjabaan marka ay dheddigu soo hor istaagaan oo daciifnimo badan ayay yeeshaan; waxaana soo baxda meelaha uu ninku daciifka ka yahay ee god daloolooyinka ka leeyahay. Waxaa suurtagal ah in taariikhdu arrintaas ka maragkacayso oo iyadu markhaati u tahay. Sheekooyinka Daliila, Istiir iyo Saaluumi ayaa tusaale innoo noqon kara. Waxa aynu si wayn u arki doonaa sida xeesha dheer ee gabadha quruxda badan u saamayso ninka— ninkuna wuxuu diyaar u noqdaa oo u diyaargaroobaa inuu gabadhaas daraaddeed waxkasta u sameeyo. Sidaas darteed ayaynu aragnaa in hay’adaha Sirdoonku ay shaqaalahooda ka mamnuucaan jaceylka. Waxayna doorbidaan in shaqaalahoodu ay ahaadaan kuwo hore u guursaday oo qoysas leh. U jeeddada ay sidaa u samaynayaan waa iyaga oo ka hortagaya in qalad uu ku dhaco Sargaalka u shaqaynaya oo jaceyl haleelo—Sargaalkaas marka uu jaceylku ku dhacana shaqada ayuu dayacayaa oo wuxuu aad u tixgelinayaa jaceylkiisa. Waxaa jirta qi