XOG kaa QARSOON: SIRDOON

 


Raggu intooda badan waxa ay leeyihiin nugayl badan, oo way quwadjabaan marka ay dheddigu soo hor istaagaan oo daciifnimo badan ayay yeeshaan; waxaana soo baxda meelaha uu ninku daciifka ka yahay ee god daloolooyinka ka leeyahay. Waxaa suurtagal ah in taariikhdu arrintaas ka maragkacayso oo iyadu markhaati u tahay. Sheekooyinka Daliila, Istiir iyo Saaluumi ayaa tusaale innoo noqon kara. Waxa aynu si wayn u arki doonaa sida xeesha dheer ee gabadha quruxda badan u saamayso ninka— ninkuna wuxuu diyaar u noqdaa oo u diyaargaroobaa inuu gabadhaas daraaddeed waxkasta u sameeyo.

Sidaas darteed ayaynu aragnaa in hay’adaha Sirdoonku ay shaqaalahooda ka mamnuucaan jaceylka. Waxayna doorbidaan in shaqaalahoodu ay ahaadaan kuwo hore u guursaday oo qoysas leh. U jeeddada ay sidaa u samaynayaan waa iyaga oo ka hortagaya in qalad uu ku dhaco Sargaalka u shaqaynaya oo jaceyl haleelo—Sargaalkaas marka uu jaceylku ku dhacana shaqada ayuu dayacayaa oo wuxuu aad u tixgelinayaa jaceylkiisa.

Waxaa jirta qiso caan ah oo ay si fiican u yaqaannaan Raashiyaanku oo ku saabsan ninka la yidhaahdo Wujdaan Sataashanki oo jeclaaday gabadh Jarmalka Bari u dhalatay. Wuxuu shaqooyinkiisa qaar ka mid ah u tagay Jarmalka Galbeed. Wujdaan iyo gabadhii waxa ay ku heshiiyeen inay isguursadaan, wuxuuna ku xidhay fargalkii guurka. Markii uu ninkii soo laabtay ee muraadkiisii soo gutay waxaa la soo xidhiidhay jaceylkiisii, waxayna u sheegtay inay uur leedahay, dhawaanna dhali doonto ilmo oo ummuli doonto.  Waxa ay ka codsatay ninkeedii inuu u soo laabto oo u yimaaddo, balse waxaa ka horjoogsaday oo u diiday inuu u tago Sirdoonkii Ruushka. Dabadeed, jaceylkiisii ayaa muddo yar ka dib la soo xidhiidhay, waxayna u sheegtay inay ilmo dhashay, balse uu dhintay oo ay sugayso inuu u yimaaddo oo ilmaha yar aaskiisa qabanqaabiyo. Markan Sirdoonka Ruushku wuu u oggolaaday in ninku safar ku yimaaddo meesha xaaskiisu joogto, ilmihiisuna ku dhintay. Sirdoonka Ruushku markii ay ninkan u oggolaadeen inuu xaaskiisa u tago, waxa ay aad u xoojiyeen ka warhaynta, ilaalada iyo inay dusha kala socdaan dhaqdhaqaaqyadiisa. Wujdaan markii ilmihiisii uu soo aasay shaqadiisii ayuu ku soo laabtay, waxayna isaga iyo xaaskiisii u tahriibeen Jarmalka Galbeed, wuxuuna tagay Xarunta Midawga Mukhaabaraadka. Wujdaan Maxkamadda ayaa looga yeedhay. Maxkamaddu waxa ay aragtay inay aad uga khafiifisay haddii ay ku xukunto siddeed sannadood oo shaqo adagi la socoto, waana la xidhay. Waxaa jeelka lagu xidhay sannadkii 1966kii, xaaskiisuna way isqarin jirtay, ninkeedana Jeelka ayay ku soo booqan jiray.

Sheekadani waa mid muujinaysa sida basaaskii waynaa u fashilmay ka dib markii uu jaceyl ku dhacay, waayo arrimo jaceyl ayuu galay.

Sidoo kale, khubaradu waxa ay sheegeen in doonista raggu ay aad u ixtiraamaan hablaha, ayna u nugulyihiin doonistooda. Ilinta ama oohinta gabadh ka timaaddaa ragga waxgaradka ah waxa ay kaga darantahay cadaw ay garoon iyo goob bannaan iskaga horyimaaddeen. Sidaas darteed ilintu waa hub gumaad dheer oo geeddisocod taariikheed oo badan leh. Immisa ayuu halbeeggu isbeddelay, oo natiijooyin dagaallo laga filnayay isla baddeleen ilintaas daraaddeed!

Qisooyin noocaas ah, iyo xogo badan oo arrimaha SIRDOONKA ku saabsan ka akhri buugga SIRDOON.

Sii Faafi ( Share) dheh.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?