Hordhaca Buugga “ Dhabbadii Dhibaatada: Hawlgalkii Sarihii Mataanaha 11 Sep”
“Aroornimadii bishii Juun 14keedii sannadkii 2002dii Warbaahinta Al Jazeera wxa ay u diyargaroobaysay warsaxaafadeedkii ugu waynaa markii uu Yusri Fawda soo galay dhismaha ay ku lahayd Dooxa, isaga oo sita buuggiisii xasuusqorka iyo siro badan oo uu rabay inuu faafiyo. Canjaladaha lagula ballamay inuu kula kulmo madaxda Al Qaacida waqtigaas waqti ka danbeeyay ayay soo gaadheen. Balse, waxa uu dareensanaa in ay gaadhay xilligii ay madaxdiisii shaqadu arrintan ogaan lahaayeen.”[1]
Weedhahaasi maaha aniga kuwaygii. Waxa yidhi oo ay hadalkiisii yihiin Wariyaha iyo qoraaga wayn ee Reer Maraykan Mudane Roon Saaskiinda (Ron Suskind), oo ah mudane ku guuleystay abaalmarinta ugu wayn wariyannimada dalka Maraykanka. Waa nin ka agdhaw isbeddelka arrimaha siyaasadda iyo amniga Waashitoon. Markii aan indhaha ku dhuftay sadarrada ku xardhan buuggiisa ‘The One Percent Doctrine ~مبدا الواحد في المئة~Aragtida Boqolkiiba hal” labadayda indhood argaggax iyo danayn ayay la ballaadheen; buuggaasi oo sheegaya xogo uu soo helay sida ay leeyihiin xubno ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA). Xogahaasi waxa ay ahaayeen kuwo aniga si gaar ah ii khuseeya, waa mid ka mid ah xogaha ugu muhiimsan noloshayda.
Waayaha ayaa iga dhigay aniga oo aan rabin in aan qayb ka ahaado qiso wayn—aniga oo ilaalinaya anshaxa xirfadeed. Afar iyo konton maalmood ayaan iska joogay aniga oo aan cidna u warramin; halka sirdoonka Maraykanka iyo Sirdoonka Caalamka oo dhanna ay shirqoollo isku maleegayeen.
Balse, waxa aan ahaa nin isdhuldhig badan. Aniga oo iskaga sugan dhibirsanaan dadnimo waxa aan garanayay in wixii aan soo arkay uu ahaa uun dhan keli ah, oo ay lagama maarmaan tahay in sheekadu ay leedahay dhinacyo kale oo badan, oo weliba qarsoon, sida ‘Sheekadu waxa ay tahay? Astaamaheeda? Iyo cidda ay yihiin jilayaasheedu?’ Dhammaantood waxa ay ahaayeen wayddiimo la filayay, balse hadda aan halkan lagaga hadlayn.
Waxyar ka hor waxa aan ka soo noqday qirashadii ugu horraysay ee toos ah ee Ururka Al Qaacida afkooda ka sheegeen maskaxdii ka danbaysay hawlgalkii Sarihii Mataanaha, iyo sharrax dhammaystiran oo ay ka bixiyeen qaabkii ay u dhacday dhacdadii Sarihii Mataanaha (11 Sibtanbar)… Taasi waa qayb faahfaahinta ka mid ah oo aynu si fudud runnimadeeda ku xaqiijin karno.
Maxaad samayn lahayd haddii aad halkayga joogi lahayd? Waxa aan ka soo baxay mid ka mid ah guryaha ilaalada adag ee ay Al Qaacido ku leedahay magaalada Karaaji ee dalka Baakistaan. Boorsadayda waxaa ku jiray qirashooyinkii Madaxii Waaxda Millateriga ee Ururka Al Qaacida Khaalid Sheekh Maxammed, iyo Ramsi Binu Shayba oo ahaa xidhiidhiyihii iyo iskuxidhihii guud ee hawgalkii Sarihii Mataanaha (11 Sibtanbar). Maraykanku meelkasta waa uu joogay Afgaanistaan iyo Baakistaan ba. Al Qaacida waa ay dhuumaalaysanayeen oo waxa ay u dhuumaalaysanayeen si ayna hore ugu dhuumaalaysan. Ma jirin qof ka mid ah warbaahinta Al Jazeera iyo cid kale toona oo ogaa halka aan ku suganahay ee aan joogo, iyo cidda aan la kulmay midna. Usaama Bin Laadin iyo Ayman Ad Dawaahiri waxa ay ku dhuumanayaan dhufaysyo dhulka hoostiisa ah, adduunkii oo dhanna jahawareer ayaa haysta oo way ku raadjoogaan. Aniga oo iska miskiin ah na waxa boorsadayda ku jira macluumaad ama xogo u dhigma 50 Milyan oo Doollar.[2]
Maxaad samayn lahayd haddii aad halkayga oo kale joogi lahayd? Qunsuliyadda Maraykanka ee Karaaji tallaabooyin ayay ii jirtaa. Ma waxa aan sugaa inta aan Landhan ku noqonayo, oo ah halkii aan degganaa? Mise waxa aan la xidhiidhaa qof jooga Waashitoon… 50 Milyan oo Doollar aa?! Xataa haddii Maraykanku uu ahaa mid bakheyl ah oo aan bixinayn ama I siinayn wax ka badan 10 Milyan ama Shan Malyan ba baahi uma qabeen in aan mardanbe ama intaas wixii ka danbeeya shaqeeyo ama hawl danbaba qabto. Miyayna sidaas ahayn?... Waxa se hadda fudud in qofku dib u fadhiisto oo arrintan gorfeeyo waa sida aan qabo saddex iyo toban sano ka dib e. Balse, anigu arrinkaa waan garanayay, sidoo kale waxa aan garanayay in ay hortayda yaallaan caqabado. Caqabadaasi oo ay ugu muhiimsanayd in aan naftayda ka adkaado, xataa aniga oo og xilliga aan sidaa samaynayo in la igu tuhmi doono inaan u tudhayo argagixiso saddex bilood ka hor hal mar dishay saddex kun oo qof.
Xaqiiqada arrintu agtayda waxa ay ahayd, ahaanna doontaa mid si fudud u cad, in aanan maalinna u bixin dagaal ba’an oo aan ku u gaadhsanayo Al Qaacida; intaas ka dib si aan xaq ugu yeesho qaniimada. Xaqiiqadu waxa ay tahay inay iyagu yihiin kuwii ila soo xidhiidhay, waana kuwii martiqaadka ii fidiyay, waana isla kuwii doorasho madaxbannaan I siiyay. Sidaas darteed, marka laga yimaaddo wixii aan ka aaminsanaa ama ay adduunweynaha ku sameeyeen, yeelitaanka aan yeelay baaqooda iyo martiqaadkoodu, keli ah waxa uu ahaa in aan marti u noqdo aniga oo ah wariye xirfadle ah.
Wax ay yidhaahdaan way hayeen, aniguna waxa aan hayay wayddiimo aannu dhammaantayo warcelin u raadinaynay. Iyada oo arrintu sidaasi ah Alle ayaan ku mahadinayaa inuuna keliya igu caawin caqabadda igaga hortimid mabda’ayga, balse awood ii siiyay inaan iska caabbiyo caqabadkasta oo iga hortimaad.
Nuxurka wixii aniga iyo Masuuliyiinta ugu waawayn Warbaahinta Al Jazeera ee Dooxa waqtigaas nagu dhexmaray, faahfaahintooda buuggan ayaan ku sheegi doonaa. Balse, arrintu waxa ay igu qaadatay in ka badan afar sannadood inaan garto wixii gadaashayda ka dhacayay— waqtigaasi waxa uu ahaa intii aan joogay Dooxa, waxyar ka dib intii aanan ku laaban London ka hor oo ahayd markii uu Saaskiindi faafiyay buuggiisa, sannadkii 2006dii.
Qoraa Saaskindi, isaga oo ka soo xiganaya Wakaaladaha Sirdoonka, wuxuu xusay in Jooj Tayniid oo ahaa Madaxii Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) waqtigaas uu maalintaas oo ahayd 14kii Juun Sannadkii 2006dii uu soo galay Kulankii Shanaad isaga oo cadho qarxaya. Mawduuciisii ayuu miiska wadahadalka soo saaray, isaga oo baddelaya Jadwalkii Shaqada, wuxuu hadalkii ku bilaabay intan: “Sida aad ogaydeen waxa khilaaf naga dhexeeyay saaxiibkeygii boqorka ahaa (isaga oo markaa u jeeday boqorkii Qadar ee waqtigaas oo ahaa Sheekh Xamad Binu Khaliifa Aala Saani)… Balse, maanta waxa uu na siiyay hadiyad qaali ah, oo aannu la ashqaraarnay.”[1]
Hadalkii ayuu sii watay Saaskindi isaga oo sheegaya in Tayniid soo bandhigay faahfaahin ka soo gaadhay boqorka oo si gaar ah ugu saabsanayd la kulankaygii masuuliyiinta Warbaahinta Al Jazeera. Isaga oo faanaya oo u hadlaya qaabkii dhaqanka ahaa ee lagu yaqaannay ayuu yidhi erayadan: “In the other words, the fat f*** came through.”[2]
Sababa muuqda oo cadcad daraaddood uma baahnin in aynu turjunno hadalkaas danbe, balse haddii sannadkeedu (runnimadeedu) sax noqoto waxa ay badka keenaysaa ama caddaynaysaa sida madax kasta oo carbeed, iyo masuulkasta ay ula dhaqmaan asxaabtooda Waashitoon ku sugan, xataa haddii uu siiyo wax kasta oo uu ugu dhawaanayo; iyaga oo baahi u qaba masuuliyiintaas Carbeed ayay sidaas u dhaqmayaan, ee maxaad u malayn marka ay dantooda ka dhamaystaan? Si kasta oo la iskugu dayo in la qariyo, oo sida uu buugga ku sheegayo Saaskindi, si kasta oo uu boqorku ugu dadaalay in uu saaxiibkiisa Madaxa Sirdoonka Maraykanka uu dhaarsado si arrinku u noqoto sir, haddana arrinku waa soo ifbaxayaa uun maalin maalmaha ka mid ah. Saaskindi, isaga oo dad ka mid ah kuwii ka qaybqaatay kulanka ka soo werinaya waxa uu sheegay “ markii ay wada xidhiidhayeen shuruudaha laga wada hadlay ee Jooj Tayniid iyo Amiirkii ka wada hadleen waxa ka mid ahaa waxyaabo u gaar ah oo la xidhiidha sidii loola shaqayn lahaa Wakaaladaha Sirdoonka iyo habka xogaha looga helayo. Ma jirin qof ogaa—xataa maamulka Al Jazeera—in Amiirku arrintaa khadka telefoonka ku dhammeeyay.”[3]
***
Maxaa suurtageli kara ee uu Amiirku u gudbiyay Tayniid oo illaa xad sidaa uu ugu farxay? Heer uu Roon Saaskindi uu buuggiisa ku yidhi: “ Haddaba, wariye ka tirsan Warbaahinta Al Jazeera ayaa haya xogo ka qaalisan kuwa ay dawladda caalamka ugu wayni hayso oo awoodeedii iyo xulafadeediiba iskugu gaysay.”[4]
Aniga oo tixgelinaya aragtida aad ka qabtid Al Jazeera hadda iyo horraan ba; sidoo kale aniga oo tixgelinaya waxa aad u malaynaysid ama aragtida aad ka haysatid Ururka Al Qaacida iyo waxa uu qabto, iyo aniga oo fiirinaya sida ay Waashitoon u doonayso inay faa’idaysato —si muuqaalka aad ka haysatid u dhammaystirmo waajibkaygu waa inaan kuu tilmaamo xaqiiqooyin muhiim kuu ah oo ay ka midyihiin:
1- Warkaygii aan maalintaas u sheegay masuuliyiinta Al Jazeera kuma jirin wax ka baxsan baadhitaankii heerka sare ahaa ee la baahiyay oo ka koobnaa laba qaybood, sababta oo ah, wax ka badan intaas ma anaan haynin. Xataa markii maalintaas la iga dalbaday in wixii dhacay oo kooban aan qoro, si wanaagsan ayaan uga cudurdaartay; waxaanan ku idhi: ‘ Anigu waxba ma qoro, kaliya waxa aan qoraa uun war uu Wariye dad u akhriyayo, ama mid la daawanayo.’
2- Waqtigaasi waxa uu ahaa afar iyo konton maalmood ka dib markii aan ka soo laabtay Karaaji oo aan kula kulmayay maskaxdii ka danbaysay hawlgalkii Sarahii Mataanaha, muddadaas na waxa ay ahayd in ku filan ururka Al Qaacida si ay tabaabusho amni ku helaan, oo ahaa wax aan aniga I khusayn iina oollin. Balse arrinta I khusaysay waxa ay ahayd in xaaladdu degganaato oo mid xasilloon ahaato inta aan anigu baadhiddayda ama muuqaalladayda ka dhammaysanayo, muuqaalladaas oo aan ku samaynayay Maraykanka, Jarmalka, Masar, Lubnaan, iyo Imaaraadka.
3- Ma filayn niyaddana kuma qaban in wararka sheegaya in aan la kulmay xubno ka mid ah ururka Al Qaacida uu sir wayn fashilin doono. Balse, Khaalid Sheekh Maxammed ayaa wuxuu filayay inuu si degdeg ah sir u sheego isla marka kulankayagu dhammaado, waana sababta keentay in ay igu qaabilaan guri aamin ah. Waxa caddayd inayna halkaa ku noolayn. Qofna uma yeedho wariye aanu rabin in uu sheego oo shaaciyo waxa uu u sheegay, marka laga reebo in uu ka codsado in uu arrin la sugo waqti, oo muddadaas ka dib aan qiimo ku fadhiyin ilaalinteeda iyo sheegid la’aanteedu.
***
Anigu ma hayo wax aan ku xoojiyo ama ku buriyo waxyaabaha ku qoran buugga Saaskiindi. Isaga ayaa la wayddiini meelaha uu ka keenay, in le’eg ama u dhiganta inta ani markhaati ahaan Alle hortiisa la ii wayddiin doono Ashahaadada. Balse, waa in la sii xoojiyaa haddii sheekadu sax ku noqoto in Amiirkii Qadar ee hore uu haystay wuxuu isku difaaci lahaa sida ay darafkan kalaba isku difaacayaan oo kale. Intaas ka dib ma garanayo in xidhiidh ka dhexeeyay arrintaas iyo wixii Landhan ka dhacay toddobaadyo kooban ka dib.
Xagaagii sannadkaas ayaa na soo maray, waa sannadkii 2002dii, waqtigaas jawigu wuxuu ahaa kulayl, anna waqtigaas waxa aan ku dadaalayay inaan helo oo ay isoo gaadhaan Canjaladihii ku saabsanaa la kulankayga xubno ka mid ah Ururka Al Qaacida oo iigu ballanqaaday aniga inay iisoo diraan canjaladahaas ka hor intaanaan bixin. Iyada oo waqtigaas lagu jiro, isaga oo Fasaxii xagaaga ku qaadanaya magaalada London ayaa waxaa ila soo xidhiidhay Madaxa Golaha Maamulka Al Jazeera oo ahaa Sheekh Xamad Ibnu Saamir Aala Saani, si uu ii ogaysiiyo casho sharaf uu iigu samaynayo Badhtamaha Caasimadda Ingiriiska. Kulankayagu muu ahayn mid lala yaabo e wuxuu ahaa mid iska caadi ah, oo wuxuu xidhiidh la lahaa xirfadda aannu wadaagno iyo jaceylka naga dhexeeyay. Balse, arrinta taas ka baxsani waxa ay ahayd in markii aan gaadhay Hudheel Talyaani ah oo ku caan ahaa Biisada, oo ku yaallay waddada Jaymis (oo u dhaw Waddada Oxford) intii aanan baabuurka ka degin ka hor ayaan indhaha qac ku siiyay isaga oo albaabka Hudheelka ii taagan oo igu sugaya. Si wanaagsan ayuu iisoo dhaweeyay, wuxuuna igu soo dhaweeyay meel guluc ah ama yara baydhsan oo Hudheelka uun ka mid ah, si uu kedis iigaga dhigo miis uu fadhiyay nin kuusan oo timo badan leh oo xidhnaa Iskujoog Jiinis ah oo midab ahaan buluug ah. Waxa uu fuuqsanayay maraqa Mayniistaroonka ah ee Talyaaniga ka caanka ah.
Iyaga oo weli isku dhoollacaddaynaya, aniga arrintu dhawr ilbidhiqsi ayay iga qaadatay in aan fahmo ka hor intii aanan rumeysan in aan horfadhiyo boqorkii Qadar oo ah Sheekh Xamad Ibnu Khaliifa Aala Saani.
Markani waxa ay ahayd markii koowaad ee aan arko Boqorka oo xidhan dhar aan ahayn dharkii dhaqanka ahaa ee Qadariga—sida ay u ahayd markii koowaad ee aan foolkafool u arko. Faransiiska ayuu ka doorbidayay Ingiriiska, oo uu rabay inuu fasaxa xagaaga ku soo qaato, balse soodhawayn diirran ka dib waannu wadafadhiisannay oo wuxuu ii sheegay inuu fasaxiisii u daayay si uu aniga iigu tirtirsiiyo baadhidda warbaahineed ee aan wado. Waqti badan nagama lumin islamarkiiba mawduucii ayaan bilownay.
Wuxuu igu yidhi: “Aaway Canjaladihii hebeloow?” waxa aan isku dayay inaan u sharraxo waxyaabihii dhacay ee madmadawgu ku jiray, waxaanan u sheegay in ergo arrinta soo gashay, haddana ay isku dayayaan inta ayna canjaladuhu gaadhin ka hor in ay nagala gorgortomaan in ay lacag ku helaan.
· “Maxaad ka waddaa?”
= “Wuxuu leeyahay waxa ay rabaan Malaayiin Doollar.”
· “Adigu fekrad ahaantaada maxaad ka qabtaa arrintaa?”
= “Dabcan, anigu waxba kama qabo.”
Boqorkii ayaa ilbidhiqsiyadaas aniga si cadho leh iisoo fiiriyay.
· Ma waxa fiican in aynu lacagta siinno, canjaladaheennana ka soo qaadanno?”
Waxa aan dareemay inuuna ku qanacsanayn arrintaas. Balse, waxa aan isku dayay in aan anna aragtida aan ka qabo iyo mawqifkayga u sheego. Arrintu sideedaba mabda’ kuma koobna. Balse, waxa jira falanqayn xaqiiq ah oo waaqici ah oo igu qasbaysa in aan aamino in canjaladihii isoo gaadhi doonaan shaki la’aan, iyo inay ciqaabtooda mari doonaan kuwaa aan la kulmay hadda iyo hadhow mid kay doontaba. Shiilid iyo iyada oo si dhaba loo dhaqangeliyo ayay wax ku noqotaa. Arrinta taas ka muhiimsan waxa ay tahay waxa aan suuraystay suurtagelnimada ugu xun ee dhici karta, waanan ku soconayaa dhammaystirka baadhista si kasta oo suurtagala.
Ninkii wuxuu u muuqday mid aan ku qanacsanayn waxaas oo dhan oo xujooyin ah. Waxkasta waxa ugu muhiimsanayd inuu canjaladaha helo. Markii hadalkii naga badh go’ay aniga iyo Boqorka, waxa aan bilaabay in aan kula kaftamo Madaxa Golaha Maamulka aniga oo ku leh: “ Markasta oo aan is idhaahdo arrinka ka shaqee adiga ayaa igu yidhaahda miisaaniyad uma hayno, miisaaniyad uma hayno.” Waqtigaas ma ogayn waxa uu ku sheegi doono Saaskindi buuggiisa afar sano ka dib, welina ma ogi in wixii uu buuggiisa ku sheegay uu xidhiidh la lahaa wixii lagaga sheekaysanayay ama dhex wareegayay Hudheelkaas Talyaaniga ah. Balse, mawqifkaygu ama mabda’aygu waqtigaas waxa uu ahaa mawqifka aan markasta qabo oo ah ka aan haddadan qabo.
Qisadaasi iyada oo ay ka soo wareegtay saddex iyo toban sannadood, welina dhinacyada kala duwan ee ay ku socoto darteed waxa ay kicin jirtay dood iyo faduulnimo.
Aragtida Carabta ku gaarka ahi waxa ay ahayd inayna illaa maanta in badan oo ka mid ahi ayna daynin inay i wayddiiyaan in dhab ahaan ay Al Qaacida ka danbaysay weerarkii dhacay 11 Sibtanbar ee Sarahii Mataanaha. Warcelintayduna waxa ay ku salaysnayd waaqic ahaan wixii aan baadhid gaar ah ku ogaaday. Isma baddelayso oo sidaas ayay ahaanaysaa. Aniga shaki iiga gama jiro in Ururka Al Qaacida ay ahaayeen kuwii weerarkaa doonay, ku fekeray, ee qorsheeyay, ciidamo u sameeyay, dad u tababbaray, maalgaliyay, dad u diray, isku xidhay ama agaasimay, dabadeedna ku dhaqaaqay ee fuliyay wixii ay dooneen. Wixii maalintaas dhacay, iyo wixii maalmo yar ka hor weerarkaas dhacayba waxa ay u baahanyihiin baadhid dheeraad ah.
Dhinaca Maraykanka waxaa u gaarka ahaa waxa uu ahaa in xaajada wixii maalintaas Waashitoon ka dhacay fasirkeedii ay leexiyeen, sida dhacdooyin hore oo maalintaas ka hor dhacay fasirkooda loo leexiyay. Weerarkaas dhammaantii waxa aynu ku soo qaadannay barnaamij gaar ah oo aynu ugu magacdarnay ladhka ah ‘اجراس الخطر .’[1] Illaa haddana waala heli karaa. Haddii aynu fiirrinno caddaymaha badan ee ay ugu muhiimsantahay sirta uu wariyay masuulkii Ladagaallanka Argagixisada Aqalka Cad waqtigaas u qaabbilsanaa oo ahaa mudane Riraadh Kalaarki, oo sheegay in Maraykanku filayay weerar dhinaca Midig ( Al Qaacida) kaga iman doono, si uu marmarsiiyo ugu helo weerrarada uu ku qaadayo dhinaca bidix (Ciraaq). Waxa aad akhridaa buuggiisa ashqaraarka leh ee uu u bixiyay ‘ Against All Enemies.’ Illaa maanta Maraykanku muwaadiniintiisa iyo caalamka kalaba uma bandhigin si faahfaahsan, marka laga yimaaddo qoraal ay soo saareen Hay’adihii u qaabilsanaa. Qoraalka ay hay’addaas soo saartay waxa uu u dhacayay qaab suugaan camal ah oo ka fog hababka loo qoro qoraallada amniga. Maraykanku muu ixtiraamin caqliga muwaadiniintiisa, iyo caalamka u hanwayn midna, wayddiimihii la xidhiidhayna kamuu jawaabin.[2]
Dhinaca Ururka Al Qaacida arrinta u gaarka ahi waxa ahayd in maalintaas uu sii qarsoomay iftiinkii muuqanayay. Intaas ka dib Ururkii ayaa gadooday, iyada oo dhinaca kale la dilay hoggaamiyayaashii ugu waawaynaa, qaar na la qabqabtay. Dadka la qabtay waxa ka mid ahaa Khaalid Sheekh Maxammad, iyo Ramsi Binu Shayba, labadaas nin oo aannu sannadkii 2002dii isku aragnay magaalada Karaaji. Ururka Al Qaacida ayaa soo saaray bayaan cad oo uu aniga iyo Al Jazeera nagu bari yeelayo.[3]
Khaalid iyo Ramsi ba waqtigan waxa ay ku xidhanyihiin jeelka dadqalka ah ee magaciisa la yidhaahdo Guwaantanaamuu—waxa dhab ahayd in labadooda—gaar ahaan Khaalid Sheekh Maxammed aad loo cadaabay ka hor intii ayna Maxkamad Madani ahi ku dhawaaqin in isaga iyo kuwa kalaba ay ku ridday xukun Maxkamadeed sannadkii 2009kii magaalada New York. Waqtigaas waxa Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka iiga yimid dalab ah in aan markhaati noqdo oo Maxkamadda horteeda ka caddeeyo markhaatiga; aragti ahaan waan aqbalay inkasta oo ay ii fiicantahay in aan eedaysanayaasha la kulmaa. Waxaa naga kala daatay ama naga xumaaday caddaymihii iyo diyaargarawgii aannu la tegi lahayn Maxkamadda Madaniga ah horteeda, oo waxaa wiiqay caddaymihii iyo waxyaabihii ay ku burinayeen dadka la laayay ehelkoodu, kuwii midigta fog ahaa, iyo goobtan aannu joogno oo ah New York ( Macne ahaan dooddii aannu wadannay waa la wiiqay oo dadka wax dacwaynayay caddaymahoodii ayaa ka xoog batay, sababtuna waxa ay ahayd caddaymaha ay wataan iyo goobta ay joogaan oo dalkoodii ah). Intaas ka dib markale oo arrinta ay Maxkamadda Millatarigu qaadday saddex sannadood ka dib anigu waan diiday dalab markhaati fur ah oo maxkamadda horteeda ahaa.
Dhinaca Warbaahinta Al Jazeera arrinta u gaar ahi waxa ay ahayd, aniga aragtidayda in ay iska beddeshay qaabsocodkeedii shaqo, waxyar ka dib qisada Al Qaacida, iyaga oo raba inay hakiyaan dagaalkii uu Maraykanku ku qaaday Ciraaq. Arrintu waxa ay ka bilaabantay faji xilka lagaga xayuubiyay Maamulkii Guud ee Warbaahinta Al Jazeera Mudane Maxammed Jaasim Cali, kaasi oo dadka intooda badan ay u qireen inuu shaqo ahaan iyo maamul ahaan ba wanaagsanaa. Warbaahintu waxa ay booskiisii ku baddeshay oo shaqaalaysiisay qof kale oo aan xirfad iyo hannaan maamul toona lahayn—marka laga yimaaddo inuu lahaa Sooyaal Islaameed iyo inuu ka agdhawaa ama xidhiidh dhaw la lahaa Paul Bremer oo ahaa Safiirkii Maraykanka u joogay Ciraaq dagaalkii ka dib—xogtaas aniga oo ka soo xiganaya nin Maraykan ah oo aan ku kalsoonahay, magaciisana aan u qariyay aniga oo sumcaddiisa dhawraya.
***
Hawsha baadhidda ahi waxa ay suurtagal u tahay oo ka shaqayn kara wariye calool’adag, waxaana suurtagala inay iskaga dhexdaataan maxaa arrimo siyaasadeed ah, maxaa arrimo amni ah, iyo maxaa arrimo aydhiyoolajiyadeed ah. Waana mid ka mid ah caqabadaha ugu adag ee Wariye soo wajihi kara, ha u badheedho ama yaanu u badheedhin ba e. Sheekooyinka ku saabsan waddadii aan u maray Al Qaacida iyo waxyaabaha aan caddayn ee ku hareeraysan qaybta koowaad ee buuggan ayaan kaga warrami. Sidoo kale, waxa aan kaga warrami doonaa sheeko kale oo taas u dhaw, taasi oo ah qorshayaasha saxaafadda bisil, iyo qorshayaasha arrimaha siyaasadeed, qorshayaasha arrimaha amni iyo qorshayaasha aydhiyoolajiyadeed.
Inkasta oo aan ahay wariyaha kaliya ee fursaddu u saamaxday inuu la kulmo maskaxdii ka danbaysay weerarkii 11kii Sibtanbar—ee ay waliba maskaxdaas ka danbaysay markii koowaad iyo markalaba goosteen inay aniga iiga warramaan oo xogta ii sheegaan intii aan la qaban ka hor laba xubnood oo ka mid ahaa kuwii ugu cadcaddaa Ururka Al Qaacida oo kala ahaa: Khaalid Sh. Maxammed iyo Ramsi Binu Shayba. Balse, marka xirfaddayda loo eego taasi waxa ay noqonaysaa mid hoosaysa, si kasta oo aan u fogaado weli ma gaadhin illaa heer aan qisadaas jaadgooniga ah ku faano. Imana qasto waxa ay ii malaynayaan dad badan oo kaladuwan in dhinac mawduucu ka khuseeyo. Aniga way ii fududayd in aan aayar ka cudurdaarto casuumaadda Al Qaacida, iyaguna si fudud ayay u heli karayeen wariye kale.
Waxa jirta qiso kale oo aan naftayda sir uga dhigay in aan mararka qaar inyar ugu faano. Waa sheeko Hooyaday (Allah ha u naxariisto e) aan u ballanqaaday in aanan mar danbe sheegin oo ku soo celin. Guud ahaanteed wax ba kama sheegayo hadda.
Inta aynu ku jirno socdaalkaas aan la ogayn, waynu hakan oo meel ayaynu taraansit ku sii ahaan—oo waxa aan isku dayi doonaa in aan kuu sifeeyo sidii aad dareemaysay markii magafayaal kaa tallaabinayeen xuduud dawladeed—iyaga oo ku jira safar qarsoon, oo baaq aad u dahsoon ku yimid.
Comments
Post a Comment