Faallaynta buuga “ How Rich People Think~ Sidee hantiilayaashu u fekeraan?’
Hordhac Buuggan la yidhaahdo “ How Rich People Think~ Sidee hantiilayaashu u fekeraan?’ waxa qoray qoraa Steve Siebold oo ah qoraa inta badan wax ka qora arrimaha hodannimada, caadooyinka, iyo arrimaha la xidhiidha hodannimada. Isagu heer ahaan wuxuu ahaa hantiile. Buuga markii 1aad waxa la daabacay sannadkii 2010kii. Qoraagu wuxuu isbarbardhigayaa habfekerka, caadooyinka, habdhaqanka iyo guud ahaan geeddisocodka hantiilayaasha kala duwan, marka laga hadlayo dhinaca hanti samaynta iyo hantida. Farqiga u dhexeeya hantiilayaashu wuu kala duwanyahay. Nuxurka buuga Qoraagu wuxuu buuga ku xusayaa habfekerka iyo sida maanhagga qofku qayb uga yahay guusha hanti samaynta. Dhawrkan qodob ayaan ka xusaynaa: 1- Hodannimadu waxa ay ka bilaabantaa maskaxda: Buugu wuxuu qalinka ku adkaynayaa in samaynta hantidu ka bilaabanto in abuuro maanhag iyo habfeker saxan. Sida aad hantida uga fekertid qayb wayn ayay ka tahay oo u saamaysaa natiijada hodannimada...