Faallaynta buuga “ How Rich People Think~ Sidee hantiilayaashu u fekeraan?’

 


Hordhac

Buuggan la yidhaahdo “ How Rich People Think~ Sidee hantiilayaashu u fekeraan?’ waxa qoray qoraa Steve Siebold oo ah qoraa inta badan wax ka qora arrimaha hodannimada, caadooyinka, iyo arrimaha la xidhiidha hodannimada. Isagu heer ahaan wuxuu ahaa hantiile. Buuga markii 1aad waxa la daabacay sannadkii 2010kii.

Qoraagu wuxuu isbarbardhigayaa habfekerka, caadooyinka, habdhaqanka iyo guud ahaan geeddisocodka hantiilayaasha kala duwan, marka laga hadlayo dhinaca hanti samaynta iyo hantida. Farqiga u dhexeeya hantiilayaashu wuu kala duwanyahay.

Nuxurka buuga

Qoraagu wuxuu buuga ku xusayaa habfekerka iyo sida maanhagga qofku qayb uga yahay guusha hanti samaynta. Dhawrkan qodob ayaan ka xusaynaa:

1-      Hodannimadu waxa ay ka bilaabantaa maskaxda: Buugu wuxuu qalinka ku adkaynayaa in samaynta hantidu ka bilaabanto in abuuro maanhag iyo habfeker saxan. Sida aad hantida uga fekertid qayb wayn ayay ka tahay oo u saamaysaa natiijada hodannimadaada.

2-     Diiradda saar fursadaha, se diiradda ha saarin caqabadaha: Dadka hantida sameeyay waxa ay xooga saaraan fursadaha ay haystaan, in ka badan inta ay xooga saaraan caqabadaha. Waxa ay raadiyaan xal iyo qaabab ay kula tacaali karaa xaaladaha, iyaga oo diirrada saaraya habfeker hore oo waxa iman kara ka sii horreeyaba.

3-      Maalgeli aqoontaada iyo horumarinta naftaada: Waxbarasho joogto ahi waxa ay astaan u tahay calaamadaha hodannimada. Hantiilayaashu waxa ay maalgeliyaan waxbarashada, aqoonta ay u baahanyihiin iyo xirfadaha qaadhaanka ku darsanaya guushooda.

4-     Hantiilayaashu waxa ay xisaabiyaan khataraha: Dadka guulaystayaasha ahi waxa ay xisaabiyaan khatarta, waxayna fahmaan inta ay leegtahay fursadaha ka iman kara inta dhibaatadu leegtahay. Waxa ay si deggan u qiimeeyaan fursadaha, waxayna gaadhaan go’aanno laga fiirsaday.

5-      Waqtigaaga qiimee: Waqtigu waa khayraad qaaliya. Dadka hantiilayaasha ahi inta badan way ka faa’idaystaan waqtigooda, waxayna diiradda saaraan waxqabadka dhaqdhaqaaqa badan ee faa’idada badani ku jirto, waxayna iska ilaaliyaan waxyaabaha waqtiga ka lumiya ee maalaayaciga ah.

6-     Yeelo ilo dhaqaale oo badan: Hanti samaynta ama hodannimadu waxa ay ka timaaddaa qofka oo leh ilo dhaqaale oo badan. Shakhsiyaadka hantida lihi waxa ay leeyihiin ilo dakhli oo kala duwan, dakhligaas oo kor u qaada degganaanshahooda dhaqaale.

7-     Diiradda saar yoolasha waqtiga dheer leh: Hantiilayaashu waxa ay leeyihiin yool muddo dheer ah oo waqti dheer qaata. Waxa ay dejistaan ujeeddooyin, yoolal la taaban karo, waxayna ka shaqeeyaan sidii ay u gaadhi lahaayeen. Waxayna fahansanyihiin in guushu tahay orod, se ayna ahayn wax hal mar la gaadho.

8-     Soo dhawee isbeddelka: Dadka guulaystayaasha ahi waa kuwo soo dhaweeya oo la qabsada isbeddelkaWaxa ay rumaysanyihiin in hannaanka shaqada uu ka mid yahay dhaqdhaqaaqa ama isbedbeddelku, In hore loo socdaana inta badan waxa ay la xidhiidhaa in lala qabsado farsamo cusub iyo isbeddellada dhacaya.

9-     Si ballaadhan u feker: Hantiilayaashu si ballaadhan ayay u fekeraan, waxayna leeyihiin hadafyo waawayn. Ujeeddada yoolasha waawaynina ma aha in laga cabsado in lagu riyoodo arrimo waawayn.

10-Qaad masuuliyadda ka yimaadda dhaqaalahaaga: Buugu wuxuu xooga saarayaa muhiimadda uu leeyahay dhaqaalaha shakhsiga ahi. Dadka hantiilayaashu way fahmayaan in ay iyagu masuul ka yihiin maamulka dhaqaalahooga, iyo inay iyagu yeeshaan lahaanshaha go’aannadooda.

Gebagebo

Buuga intaas ayuu ku dhanyahay, waxaanan isleeyahay qofku waxbadan ayuu ka faa’idi karaa. Waxa aan rejaynayaa in la akhriyo oo waqti la geliyo.

 

WQ:  Dr. Fami ( English.

Diyaarina:  Cabdirisaaq Sandheere

Oktoobar, 2024

 

Comments

Popular posts from this blog

Safarkaygii Magaalada Goday

Bandhiga Buugta Goday 2024

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?