Faallada buugga “ Barbaarteenna iyo Baraha Bulshada”
Hordhac
Buuggan la yidhaahdo “ Barbaarteenna iyo Baraha Bulshada” oo
cinwaanhoosaadkiisuna yahay ‘ Hagid iyo hagaajin’ waxa qoray Dr. Cabdikariin
Bakaar. Waxa Af Soomaali ku turjumay Cabdixakiin Obsiiye oo ah turjumaa
dhallinyaro ah, oo waayadan aad wax u turjuma.
Buuga waxa uu kaga warramayaa carruurta iyo qaabka ay baraha
bulshada u isticmaalaan. Wuxuu xusayaa halisaha baraha bulshada iyo saamaynta
uu carruurta ku yeesho dhinacyada caqliga, jidhka, maskaxda, iyo guud ahaan
raadadka taban ee ay carruurta ku yeesho baraha bulshadu.
Nuxurka buuga
Qoraagu wuxuu xusayaa in ubadku yihiin deeq iyo dayn Alle uu
siiyo cidda uu doono. Waa gallad aan lagu keeni karin xoog iyo xeelad. Waa
hadiyad Eebbe ku maamuuso cidda uu doono, saboolba ha ahaadee, una diido cidda
uu doono hodan ba ha noqotee. Waa ubax iyo udgoon. Waa naxariis iyo naruuro.
Waa iftiin iyo ilays. Waa hu’ iyo haybad.
Xilligan la joogo dunidu waxa ay maraysaa waqti waxkastaa
fududyihiin oo ilbaxnimada iyo iskufuran jiro. Sida qoraagu xusayana waxa aynu
ku noolnahay duni isku furan oo qofka ku nool dunida Barigeeda iyo Galbeedkeedu
hal qol ku wada jiraan. Waxa aynu ku noolnahay duni yaab leh oo tiknoolajiyadda
iyo baraha bulshadu hoggaaminayaan. Waxa aynu ku noolnahay duni aanu jirin
halbeeg lagu kala saaro haldoorka iyo hacoogu, inan karmeedka iyo inan
gumeedka, nasteexa iyo nacabka, mansabka iyo munaafaqa. Sidaas awgeed, xilkii
barbaarineed iyo waajibkii saarnaa waalidku wuu sii labajibbaarmaa, waxaana
laga doonayaa in uu ka warhayo ilmahiisa hadh iyo habeenba.
Maadaama xilli baraha bulshadu saamayn leeyahay aynu
noolnahay, baraha bulshadu dadka uu sameeyay waxa ka mid ah carruurta. Halis
badan buu ku leeyahay carruurta.
Hordhaca wuxuu kaga warramayaa faahfaahin ku saabsan baraha
bulshada iyo xogo cajiiba oo la xidhiidha.
Qoraagu wuxuu soo gudbinayaa xogtan: Hay’ad isxilqaantay
ayaa bishii 2aad sannadkii 2016kii tirakoob ku samaysay adeegsadayaasha Mareegaha
Baraha Bulshada, waxaana soo baxay qodobbadan:
-YouTube: Waxa adeegsada dad ka badan hal Bilyan.
- Faysbuug: Waxa adeegsada hal bilyan iyo badh.
- Twitter: Waxa adeegsada 316 Milyan oo qof.
- Instagram: Waxa adeegsada 400 Milyan oo qof.
- Bogaga shaqeeya ee Baraha Bulshadu waxa lagu qiyaasay 1.7
Bilyan oo adeegsade oo ka mid ah 2.1 Bilyan oo Bar-bulsho.
-89% adeegsadayaasha baraha Bulshadu da’doodu waxa ay u
dhexaysaa 18-29 sano jir.
- Maalintii muuqaallada la daawadaa waa 4 Bilyan
Sidoo kale xogta la sameeyay sannadkii 2023kii waxa soo
baxday sidan
-
YouTube: Waxa adeegsada dad ka badan 2.2 Bilyan
oo qof.
-
Faysbuug: Waxa adeegsada 2.96 qof.
-
Twitter: Waxa adeegsada 1.3 Bilyan oo qof.
-
Instagram: Waxa adeegsada 500 Milyan oo qof.
Dhinaca kale, sida qoraagu xusayo waxa njira sababo badan oo
ku riixaya carruurta in ay ku dhegaan, lana saaxiibaan mobilka casriga ah, Ipad
ka, xisaabaadka shakhsiga ah IWM. Waxaana ka mid ah:
-
Ku dayashada waayeelka ku hareeraysan: Marka
ilmuhu arko waalidkii iyo walaalkii oo haysta moobil, isna maxaa u diidaya in
uu qaato? Si gaara ayay barbaartu u xiisaysaa inay qaabka ugu fudud u
waynaadaan.
-
Jiritaanka agab u gaara ilmaha: Qodobkani wuxuu
ilmaha siinayaa dareenka xornimada, awoodda maamulka noloshiisa, iyo xorriyadda
gaadhidda go’aannada shakhsiga ah.
-
Ka cararka daalka iyo dan la’aanta, iyo
mashquulka waxkasta oo muhiim ah, ama aan ahayn o oleh dhib iyo dheef dhaw ama
dheer: Arrimahani muhiim ma aha, balse, waxa ugu mudan waqti dilidda,
isdagaalka shakhsiga ah iyo ka xoroobidda dareennada waayaha iyo waqtiga.
Qaybta xigta, qoraagu wuxuu kaga warramayaa dheefta iyo
dhibta Baraha bulshada. Waa muhiim marka wax laga warramayo in la sheego
wanaagiisa iyo sharkiisaba. Shaykastaa
wuxuu leeyahay laba dhinac: Dhib iyo dheef. Shayga dhibaata lihi wuxuu keeni
karaa dheef.
Aan si kooban u soo qaato faa’dooyinka Baraha Bulshada ee
qoraagu buuga ku xusayo. Faa’idooyonka iyo dheefta Baraha bulshada waxa ka mid
ah:
1-
Isku xidhka dhaqannada caalamka.
2-
Adkaynta xidhiidhka bulshada.
3-
Baraha Bulshadu waa dugsi waxbarasho.
4-
Baraha bulshadu waxa ay ka qaybqaataan
wanaajinta waxyiga guud iyo hagaajinta heerka aqoonta.
5-
Waxa laga helaa fursado horumarineed oo nolosha
lagu wadi karo.
Dhinaca kale, waxa jira oo qoraagu xusayaa dhibaatooyinka
iyo hadimooyina lagala kulmi karo Baraha bulshada. Hadimooyinka baraha bulshada
waxa ka mid ah:
1-
Dhib guud: Baraha bulshadu wuxuu leeyahay dhib
guud oo dhinacyo badan. Si gaara carruurta wuxuu ku leeyahay dhibaato iyo
walaac joogto ah.
2-
Baraha bulshadu wuxuu dilaa akhlaaqda iyo
asluubta: Baraha bulshadu wuxuu dilaa oo waxba kama jiraan ka dhigaa akhlaaqda
qofka oo waxa meesha ka baxa xishoodkii iyo khajilkii qofka. Carruurtana si
fudud ayuu dhaqankooda u dili karaa.
3-
Daawashada muuqallada galmada.
4-
Baraha bulshadu wuxuu carruurta nacsiiyaa
tegidda dugsiga: Wuxuu dhiirrigeliyaa in carruurtu ayna tegin waxbarashada iyo
inay ka caajisaan barashada aqoonta.
5-
Qabatinka: In qofku la qabatimo baraha bulshada
oo dul fadhiya uun waxa ay leedahay dhibaato, waayo qofka waxa ku seegaya hawlo
badan oo muhiim ah.
6-
Dhibaato ku timaadda caafimaadka caqliga iyo
jidhka: Marka la eego maskaxda dhallinyarada isticmaal badan ee baraha bulshadu
wuxuu ku keenaa isbeddel iyo Khalkhal. Siduu qofku wuxuun u eegayo dhaawac
qarsoon ayay u gaysanaysaa maskaxda. Dhinaca kale, maadaama qofku fadhiyo uun
waxa ay jidhka ku keenaysaa dhibaato caafimaad.
Qaybta ku xigta qoraagu wuxuu kaga warramayaa xalal lagaga
hortagi karo xanuunka qabatinka baraha bulshada iyo qaabkii qofku u adeegsan
lahaa mareegtan. Waxa aan xusi doonaa qodobo ka mid ah xalalka xakamaynta
baraha bulshada, si gaara, qaabka carruurta looga xakameeyo:
-
Maaraynta baraha bulshada: Suurtagal maaha in la
wada joojiyo internetka, si waxa muhiim ah in la maareeyo oo la yareeyo. Waayo,
qofka ama ilmuhu meelkasta wuu ka heli karaa net, wuuna u baahanyahay. Sidaas
darteed waa in la yareeyaa.
-
Wacyigelin: Waa in ubadka laga wacyigeliyaa oo
looga warramaa dhibaatooyinka baraha bulshada.
-
Dareen bulsho: Haddii aynu aaminsanahay in
baraha bulshadu yahay dhib guud oo laga wada cabanayo, waxa muhiim ah in ka
hortagiisuna noqdo mid loo dhanyahay oo cidkastaa ka qaybqaadato.
-
Tusaale wanaagsan: Marar badan hannaan karti le
huma gudan karno kaalinteenna baraarineed haddii aynaan ka shaqaynta kobcinta
iyo hagaajinta nafaheenna, waayo carruurtu waxa ay innaga arkaan bay ku
dhaqmaan.
-
Xidhiidho qoys oo xooggan: Markasta oo qoysku
isku wanaagsanyahay baraarinta carruurtu way hagaagaysaa, si baraarinta ubadku
u fiicnaato waxa loo baahanyahay in qoysku xidhiidh wanaagsan lahaado.
Gebagebo
Guud ahaan buugu wuxuu ka warramayaa qaabka tiknoolajiyaddu
u saamaysay dhinacyada kala duwan ee barbaarinta ubadka. Carruurtu iyaga oo
adeegsanaya Baraha bulshada, haddana waa in waalidku ka warhayaa oo la socdaa
waxa ilmuhu wadaan iyo waxyaabaha ay ka adeegsanayaan.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
Oktoobar, 2024.
Comments
Post a Comment