Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"
Hordhac
Buuggan la yidhaahdo waxa qoray qoraa David Brooks . Waa buugii 4aad ee uu qoray qoraagu. Mawduuca uu buugani ka warramayo qoraagu muddo badan ayuu dhigan jiray oo Jaamacadda YALE ka diyaariyay.
Buugga waxa la daabacay sannadkii 2015kii, waqtigaas uu daabacay qoraagu wuxuu yidhi: “ Buuga waxa aan u qoray si aan u noqdo daacad, iyo si aan u badbaadiyo ruuxdayda.
Qoraagu wuxuu buuga kaga warramayaa labada shay ee dabeecad ahaan qofka gudihiisa iyo debaddiisa ku hirdamaya.
Nuxurka Buuga
Waxa aynu kaga warrami doonaa cashirro ka mid ah kuwa buuga laga baran karo
1- Isdhuldhigu waa awood: Awoodda dhabta ahi maaha kibirka, balse waa in qofku aqoonsado oo garto xuduudaha uu leeyahay, iyo inuu hore u socday. Isdhuldhigu waa seeska habdhaqanka.
2- Muhiimadda deegaanka wanaagsan: Deegaanka wanaagsan ee qofka niyad ahaan taageerayaa wuxuu qaabeeyaa habdhaqanka. In aan nafaheenna ku hareerayno dadka wanaagsan oo aan samayno xidhiidho macne lihi waxa ay sii kordhinayaan koritaankeenna maskaxeed.
3- Doorka halganka: In laga takhalluso caqabadaha iyo duruufuhu waxa a sii kordhinaysaa habdhaqankeenna, waxayna sii xoojinaysaa in aan si wacan u fahanno nafaheenna iyo dunidaba. In la kordhiyo halganku waa u muhiim koritaanka shakhsiyadeed.
4- Khatarta ay leedahay iscaashaqa naftu: Qofka oo aad iskugu mashquulaa waxa ay keentaa inuu qofku noqdo keligii danayste, iyo in aanu qofku yeelan wax naxariisa. Haddaan baddelno dareenkeenna ku aadan waxyaahaha hareeraheenna ka dhacayaa waxa ay keenaysaa danayn iyo jiritaan macne leh.
5- Awoodda jacaylka: Jacaylka qaybihiisa kala duwan waxa ay dhiirrigeliyaan in aynu xoojinno danaheenna, oo ficilkeenna ku ladhno naxariis, iyo dhiirranaan.Waa awood xoog leh oo dhinaca isbeddelka loo qaaday, gaar ahaan isbeddelka togan.
6- Muhiimadda dhiirranida: In la garab istaago waxyaabaha saxan, xataa marka ay xaaladdu adagtahay waxa ay u baahantahay dhiirranaan maskaxeed, Iyada oo la horumarinayo habdhaqankan wanaagsan waxa aynu wakiillo u noqon karnaa isbeddelka dunida ka dhacaya ee dhinaca togan loo qaadayo.
Gebagebo
Buugu waa buug macne leh oo waxbadan innoo iftiiminaya. Waxa aan rejaynayaa in wuxuun laga fahmay sookoobidda. Waad mahasantihiin.
Diyaarinta Dr. Fami ( English)
Sookoobidda: Cabdirisaaq Sandheere
Oktoobar, 2024
Comments
Post a Comment