Posts

Showing posts from December, 2022

Milicsigayga Sannadkii 2022 ( My Annual Review In 20220)

Image
Hordhac In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa.Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo. Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2022 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray IWM. Akhriska Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Caadada aan leeyahay waxa ay

Faallada Buugga "𝐓𝐡𝐞 𝐀𝐫𝐭 𝐨𝐟 𝐓𝐡𝐢𝐧𝐤𝐢𝐧𝐠 𝐂𝐥𝐞𝐚𝐫𝐥𝐲"

Image
Hordhaca   Buuggan la yidhaahdo “ The Art of Thinking Clearly” waxa qoray Rolf Dobelli . Rolf Dobelli waa qoraa u dhashay dalka  Switzerland oo waa qoraa Swiss ah. Buuggan waxa uu ka sharraxayaa fekerrada qaldan ee caanka ah ee dadku inta badan sameeyaan.   Buuggan waxa markii koowaad si toddobaadle ah loogu daabacay Joornaallada ugu caansan dalka Jarmalka, Netherlands iyo Switzerland. Sidoo kale, buuggani wuxuu ahaa tobanka buug ee ugu horreeya ee ugu iibsiga badan ee Joornaalka Der Spiegel ; 80 toddobaad oo isku xigta ayu noqday buugta ugu iibsiga badan Der Spiegel   . Buugga waxa loo turjumay luuqado badan. Sidaas si la mid ahi buuggani wuuxu ka mid ahaa liiska tobanka buug ee ugu iibsiga badan dalka Ingiriiska, South Korea, India, Ireland, Singapore iyo Iran.   Buugga si kooban ayaynu u dulmari cashirrada laga baran karo.   Nuxurka buugga   Qodobbadan hoose ayaynu ka baran karnaa: 1-         Xaqiijinta Dhinac u badnaantu ( Bias) waa hooyada dhammaan wax

Faallada Buugga “𝐘𝐨𝐮𝐫 𝐍𝐞𝐱𝐭 𝐅𝐢𝐯𝐞 𝐌𝐨𝐯𝐞𝐬 “

Image
    Hordhac Buuggan la yidhaahdo “ 𝐘𝐨𝐮𝐫   𝐍𝐞𝐱𝐭   𝐅𝐢𝐯𝐞   𝐌𝐨𝐯𝐞𝐬  “  waxa qoray  Patrick Bet-David. Patrick waa ganacsade hal’abuure ganacsi, qoraa iyo lataliye dhaqaale. Qoraagu waa reer Maraykan. Wuxuu aasaasay wakaalado kala duwan oo ka shaqeeya ganacsiga, latalinta iyo talooyinka la xidhiidha ganacsiga. Buuggan wuxuu ka warramayaa farshaxanka qofku Istaraatijiyadda ganacsigiiisa uu ku maarayn lahaa. Nuxurka Buugga Waxa aan isku dayi doonaa inaan tilmaamo dhawr qodob oo nuxurka buuggu ku soo ururayo. Tallaabada 1aad: Maamul garashada naftaada Garashada naftu way ku yartahay oo dhif iyo naadir bay ku tahay in laga sheekeeyo wareegga ganacsiga, balse waa suurtagal la’aan in aad hore u socotid oo hore uma socon kartid la’aanta wacyiga nafta. Marka aad si dhaba u qorshaysatid qof ka aad dhab ahaan noqonaysid jihada aad u dhaqaaqaysid ama u soconaysid waa in ay ahaato mid cad oo bayaan ah, sidoo kale waa in aad garanaysid sababta aad u samaynaysid. Tallaabada 2: Maamul awoo

Faallada Buugga “ Why we Sleep? ~ Maxyanu U Seexannaa?”

Image
                                                                                       Buuggan waxa qoray  Dr Matthew walker. Dr Matthew walker waa waa bare culuumta kasmanafeedda iyo neerfaha ka dhiga jaamacadda Kalifoorniya ee dalka Maraykanka. Sidoo kale, waa maamulaha shaybaadhka hurdada. Waxa uu sameeyay in ka badan boqol diraasad cilmiyeed, waxa uuna kasoo muuqan barnaamijyo badan oo ay ka mid yihiin “ 60 minutes, NPR's science Friday.” Buuggan wuxuu soo saaray sannadkii 2017kii. Waxa aan isku dayi doonaa dhawr cashir oo kooban oo laga baran karo buugga inaan halkan ku xuso. Wayddiinta cinwaanka buugga ah ee ‘ Maxaynu u seexannaa?’ ayuu qoraagu ka jawaabayaa. Wuxuu sheegayaa dhawr qodob uu u arko in ay sabab u yihiin hurdadeenna, sida: -        Waxa aynu u seexannaa si aynu u nasanno. -        Si aynu wax u xasuusanno. -        Waxa aynu marmar galnaa hurdo khafiifa. Maxaynu ka baran karnaa buugga -        Hurdadu waxa ay si toosa saamayn ugu leedahay caafimaadkeenna: Xanuunn

Cisa Binu Cabdisalaan: Suldaankii Culimada iyo Haldoorkii Gobta

Image
Wuxuu ka mid ahaa dadka jaadgooniga ah ee dhif iyo naadirka ah. Wuxuu ahaa nin aragti toosan, oo mawqif sugan leh. Wuxuu ku hubaysnaa wacyi iyo fahan. Marka uu aragti dhiibanayo halkeeda ayuu dhigi jiray farriinta, wuuna sugi jiray farriinta waxkasta oo ay arrintaasi ku kellifto. Aqoontu kamay mashquulin jirin inuu dulmiga diido, oo uu hoggaamiyayaasha mucaarado halgan adegna la galo, iyo inuu cadawga la dagaallamo. Balse, waxaas oo dhani waxa ay ka mid ahaayeen shaqooyinkiisa iyo waxa uu qabto, oo sooyaalkiisa waxa aad ku arki caddaalad, iyo xorriyadda waqtigan laga ordo, oo isaguu si badhaxtiran oo hadal iyo ficil ba leh u gutay. Waxaa agtiisa buuxi jiray shaqaalaha Madaxda oo ka mid ahaa dadka wax ka barta ee waqtigooga agtiisa ku qaata. Ninka aynu ka warramaynaa waa Cabdicasiis Binu Cabdislaan Abii Qaasim Ibnu Xasan Ibnu Muxammed Ibnu Muhaddab As Salmiyi, oo asal ahaan ka soo jeeday dalka Morooko, kuna dhashay Dimishiq, dabadeed degganaa oo u guuray Masar. Kuna dhintay Masar. Mad’

Mu'addinkii Nebi Muxammed: Bilaal Binu Rabaax

Image
Bilaal, waxa uu ka mid ahaa asxaabtii Nabiga kuwii ugu waaweynaa, ee ugu akhyaarsanaa. Waxa uu ahaa Mu’addinkii Nabi Muxammed SCW. Cod macaan ayuu lahaa Bilaal. Bilaal, waxa uu dhashay 43 sannadood ka hor hijrada. Waxa dhalay Aabbo la odhan jiray ‘ Rabaax.’ Hooyadiina waxaa la odhan jiray ‘ Xamaama.’ Agoonnimo ayuu ku koray Bilaal. Markii Nabi Muxammed SCW soo baxay, Bilaal, waxa uu ahaa dadkii ugu horreeyay ee Rumeeyay Nabiga. Dadkii la dhibay, ee Islaamnimada daraaddeed loo dhibay ayuu ka mid ahaa. Wuu ku samray, oo u adkaystay. Gabadhii ugu horreysay ee Shahiidday ee SUMAYA, markii la cadaabayay, Bilaal na aad baa loo cadaabayay. Bilaal, meel kulul oo bacaada ayaa la dhigay, beerka ayaa dhulka loo dhigay, waxa lagu lahaa ‘ Muxammed cay’ isaguna wuu diiday, se marka ay aad u cadaabaan ayuu isaga oo qalbiga sidii saxda ahayd ka aaminsan waxa ay rabaan lahaa. Ninkii kibray ee la odhan jiray Ummaya Binu Khalaf, oo addoonsan jiray Bilaal misana waqtigaa ahaa nin qooqay ayaa Bilaal inta

Noloshu waa Halgan Joogto ah

Image
  1- Waa muhiim in aad wax akhridaa. Balse, waxaa ka sii muhiimsan in aad dooratowaxa aad akhriyayso. Waa muhiim in aad la noolaato fekrad rasmi ah; balse, waxaa ka sii muhiimsan inaad doorato fekraddii rasmiga ahayd. 2- Waa muhiim in aad mabda ’  la noolaato; balse, waxaa ka sii muhiimsan in aad doorato mabda ’ ii aad la noolaan lahayd. Waa muhiim in aad u loollanto mabda ’ a aad rumeysantahay. Balse, waxaa ka muhiimsan in aad fekradaha mabda ’ aaga u    beddesho kuwa waaqica la joogo [ la jaanqaadi karaya]. 3- Waa muhiim in aad dooddaa ( ama wax gorfeysaa), oo aad asaaggaa wax isdhaafsataan ( sida sheeko, dood, ama iswaraysi). Balse, waxaa ka muhiimsan in aad si wanaagsan u sugto (barato) fanka wadasheekaysiga iyo doodda, oo aad soo wanaajiso mustawaha hadalkaaga, misana aad barato fanniyada xidhiidhka bulshada. 4- Waa muhiim in aad dadka dhegaysataa. Balse, waxaa ka muhiimsan in aad siiso kalsooni aad ku dhegaysato. Dhegaysigu waa fan. Ujeeddaduna (Xikmadduna) maaha kaliya in aad dh

AFAR MAS’ALO OO QOFKA ISLAAMKA AH U MUHIIM AH

Image
    ا Ogow ALLAH ha kuu naxariistee inay nagu waajibtahay barashada afar shay: الأولى: العلموهو معرفة الله، ومعرفة نبيه، ومعرفة دين الإسلام بالأ 1-        Aqoon: Aqoonta oo ah garashada ALLAH, garashada Nebigiisa, iyo barashada diinta Islaamka si daliil leh ama caddayn leh. *** الثانية: العمل به.                                                             2-       Ku camal falidda: Marka aad barato ka dib  waa in aad ku camalfashaa Diinta Islaamka. ***                                                       . الثالثة: الدعوة إليه                                         3-       In aad dadka ugu yeedhid dacwadda/Diinta: Markaad barato, ku camalfashana, ka dib waa inaad dadka ugu yeedhaa. ***   الرابعة: الصبر على الأذى فيه                                4-        Waa in lagu samraa wixii dhib ah ee kaa soo gaadha. *** والدليل قوله تعالى: بسم الله الرحمن الرحيم {وَالْعَصْرِ * إِنَّ الأِنْسَانَ لَفِي خُسْرٍ * إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَتَوَاصَوْا بِالْحَقِّ وَتَوَاصَ

Sh. Khaliil Al Xusari: Qaarigii Codka Macaanaa

Image
   Sh. Maxammuud Khaliil Al Xusari, waxa uu ahaa Qaari wayn oo Quraanka Alle ku luuqeeya. Cod ashqaraar leh, deggan, macaan, oo dhegaha u roon ayuu Quraanka ku akhriyaa. Sh. Khaliil, waxa uu dhashay sannadkii 1917kii; sannadkii 1980kii ayuu isaga oo safar ah ku dhintay Dalka Kuwayd. Geeridiisii waxaa laga joogaa 40 sannadood. Afartankaas sannadood ee uu sii mootanaa codkiisii ayaa Muslimiinta la joogay, oo la dhegaystaa. Caalamka Islaamku Sheekha codkiisa aad ayay u yaqaannaan, una dhegaystaan. Asal ahaan wax uu u dhashay dalka Masar. Ka Soomaali ahaanna, kaalin wayn ayuu ugu jiraa, oo codkiisa meelkasta ka daaran. Sheekhu, waxaa la sheegaa inuu Quraanka afar jir ku bilaabay, oo ku barbaaray. Wuxuuna Quraanka ku xifdiyay Da’ ahaan markii uu ahaa 11 sano jir. Wuxuu wax ka bartay Masaajid ku yaalla magaalada Dandaa ee dalka Masar. Markii danbe waxa uu ku biiray Jaamacadda Al Azhar, oo uu ka galay kulliyadda Quraanka, wuxuuna bartay 10ka qaab ee Quraanka loo akhriyo ( Qiraa’o). Markii koo