Faallada Buugga “ Why we Sleep? ~ Maxyanu U Seexannaa?”

 


                            


                                                       

Buuggan waxa qoray Dr Matthew walker. Dr Matthew walker waa waa bare culuumta kasmanafeedda iyo neerfaha ka dhiga jaamacadda Kalifoorniya ee dalka Maraykanka. Sidoo kale, waa maamulaha shaybaadhka hurdada. Waxa uu sameeyay in ka badan boqol diraasad cilmiyeed, waxa uuna kasoo muuqan barnaamijyo badan oo ay ka mid yihiin “ 60 minutes, NPR's science Friday.”

Buuggan wuxuu soo saaray sannadkii 2017kii. Waxa aan isku dayi doonaa dhawr cashir oo kooban oo laga baran karo buugga inaan halkan ku xuso.

Wayddiinta cinwaanka buugga ah ee ‘ Maxaynu u seexannaa?’ ayuu qoraagu ka jawaabayaa. Wuxuu sheegayaa dhawr qodob uu u arko in ay sabab u yihiin hurdadeenna, sida:

-      Waxa aynu u seexannaa si aynu u nasanno.

-      Si aynu wax u xasuusanno.

-      Waxa aynu marmar galnaa hurdo khafiifa.

Maxaynu ka baran karnaa buugga

-      Hurdadu waxa ay si toosa saamayn ugu leedahay caafimaadkeenna: Xanuunnada ugu badan ee qofka maskaxda ka haleelaa waxa sababa degganaan la’aanta maskaxda , iyo maskaxda oo aan nasan.

-      Hurdadu waxa ay innaga caawisaa horumarinta shaqooyinkeenna, xirfadaheenna iyo ganacsigeenna. Dad badan waqtigan waxa ay la ildaranyihiin deegaanka oo waxa innagu dhacda hurdo la’aan iyo saamalayl uu keeno bunka, iftiinka iyo kulku.

Talooyin guud

-      Yeelo jadwal hurdo.

-      Iska ilaali isticmaalka cabbidda bunka IWM.

-      Sariirta ha tegin haddii aanad seexanayn.


 Muuqaal ahaan halkan ka daawo: Buugga 67; Gugii 4aad: Faallada Buugga "Why We Sleep?~ Maxaynu u Seexannaa?" |Book Review|Discussion - YouTube

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

Dec, 2022

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?