Milicsigayga Sannadkii 2022 ( My Annual Review In 20220)


Hordhac

In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa.Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo.

Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2022 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray IWM.

Akhriska

Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Caadada aan leeyahay waxa ay tahay inaan saacado badan akhriyo buugga, dadka daqiiqado kooban wax akhriya ma ihi, kuwa marka ay fadhiistaan saacado akhriya ayaan ku jiraa. Akhrisku xiiso gooniya ayuu ii sameeyaa, sannadkan dhammaaday ee 2021 na xiiso gaar ah ayuu ii lahaa.
Buugaag badan ayaan akhriyay. Qaar ka mid ahi waa kuwan:
1- Workplace Englisha, 6-10 Jannaayo, 2022.
2- Wiilkii Ducaysnaa, Jannaayo, 2022.
3- Baaqa Shuuciga, 22 Febraayo 2022.
4- Collins Easy Learning English: Writing Jannaayo, 2022.
5- English Vocabulary in Use: intermediate and Pre-Intermediate; Jannaayo, 2022.
6- Kaalinta Indheergaradka; Maarij 2022.
7- Elon Musk: Abril, 2022
8- Buugga la yidhaahdo “ Success in Academic Writing’ oo uu qoray Trevor Day, waxa aan akhriyay dhammaadkii bisha Abril, iyo bilowgii Bisha May, 2022.
9- Buugga la yidhaahdon “ Xilkas: Noqo Hoggaamiye Raad leh” ayaan akhriyay May, 2022. Faallana waan ka qoray.
10- Buugga la yidhaahdo ‘ When There Was No Aid” ayaan akhriyay May 2022. Faallana waan ka qoray.
11- Buugga la yidhaahdo ‘ Digital Minimalism” ayaan akhriyay May, 2022.
12- Buugga la yidhaahdo ‘ Qummane’ ayaa akhriyay Juun 2022, waxa turjumay Cabdixakiin Obsiiye.
13- Buugga la yidhaahdo ‘ Dhacdo iyo Dhugasho’ ayaan akhriyay Juun 2022.
14- Buugga la yidhaahdo “ Raadraac: 100 Sheeko & 100 Halxidhaale” Julaay, 2022.
15- Waxa aan akhriyay buugga la yidhaahdo “ Amiirka Cas” oo aan akhriyay Julaay, 2022.
16- Waxa aan akhriyay buugga la yidhaahdo “ How to Measure Your Life.” Faallana waan ka qoray.
17- Waxa aan akhriyay buugga la yidhaahdo “ Dhaqan iyo Dhaxal Eray”. Ogosto, 2022.
18- Waxa aan akhriyay buugga la yidhaahdo “ Outliers.” Faallana waan ka qoray. Ogosto, 2022.
19- Buugga la yidhaahdo “ Furdaaminta Saboolnimada” ayaan akhriyay Sibtanbar 2022.
20- Buugga la yidhaahdo “ The Man’s Search for Meaning” ayaan akhriyay Sibtanbar 2022.
21- Buugga la yidhaahdo “ The Rules of Wealth” ayaan akhriyay Oktoobar 2022.
22- Buugga la yidhaahdo ‘ Nuun” ayaan akhriyay Novanbar 2022.
23- Buugga la yidhaahdo ‘ Dhambaallada Quraanka’ Dec, 2022.
24- Buugga la yidhaahdo ‘ Siyaasad aan Sixir lahayn’ oo uu qoray Cabdisaciid. Dec, 2022.
25- Buugga la yidhaahdo “ Why We Sleep’ ayaan akhriyay Dec, 2022. Faallana waan ka qoray.
26- Buugga la yidhaahdo “The Art of Thinking Clearly” oo uu qoray Rolf Dobelli ayaan akhriyay. Faallana waan ka qoray. Dec, 2022.
27- Buugga la yidhaahdo “๐˜๐จ๐ฎ๐ซ ๐๐ž๐ฑ๐ญ ๐…๐ข๐ฏ๐ž ๐Œ๐จ๐ฏ๐ž๐ฌ “ oo uu qoray Patrick Bet-David ayaan akhriyay. Faallana waan ka qoray. Dec, 2022.
28- Buugga la yidhaahdo “ Focus on What Matters” oo uu qoray Darius Foroux. Faallana waan ka qoray. Dec, 2022.
29- Buuggan la yidhaahdo “THE 15 INVALUABLE LAWS OF GROWTH” waxa qoray John Calvin Maxwell. Faallana waan ka qoray. Dec, 2022.
30- Buugga la yidhaahdo “ Mind Management Not Time Management” David Kadavy. Faallana waan ka qoray. Dec, 2022.
31- Buugga la yidhaahdo “ How to become a Megnet” oo uu qoray Marc Reklau ayaan akhriyay. Faallana waan ka qoray. Dec, 2022.

Intaasi waa buugta ka badan 45 bog ee aan akhriyay, waxaa intaa ii raaca in aan akhriyay buug ku saabsan waxyaabaha aan barto ee manhajka iigu jira, kuwaasi way badnaayeen. Sidoo kale, waxaa buux ah maqaallada, cilmibaadhisaha, sheekooyinka, qoraallada kookooban IWM ah ee aan akhriyay. Kuwaasi tiro go’an oo aan sheegi karo malaha. Waa muush, iyo buux.

Qoraalladayda

Sannadkan marka akhriska laga yimaaddo qoraalka isbeddel badan ayaan ka sameeyay. Wax buug ah oo aan curiyay way jiraan, se weli way socdaan. Waxaa se badan maqaallada aqooneed ee aan qoray, gaar ahaan kuwa gaagaaban. Maqaallada dhaadheeri ma badna. Waxa aan ka xusi karaa:
1- Dalxiiska Buurta Gacanlibaax, May 2022 (Post Editor: Preview (blogger.com)).
2- 1 Sano Ka Dib Doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland: Qiimayn Guud. Jun 2022(Post Editor: Preview (blogger.com) ).
3- Maalgelinta Nafta. Oktoobar 2022 (Post Editor: Preview (blogger.com)).
4- Maarayntan Caajiska. Noofanbar 2022 (Maarayntan Caajiska (cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com) ).
5- Muhiimadda Saaxiibtinnimada Wanaagsan, Oktoobar 2022.
6- Sidee Fekrad Ganacsi Loo Abuuraa? Juun, 2022.
7- Sidee loo gaadhaa waxa aad jeceshahay? Sibtanbar 2022.
8- Sideed u Kordhin Kartaa Aqoontaada Guud? Jannaayo 2022.
9- Sideed uga faa’idaysan kartaa 2022? Jannaayo 2022.
10- Taariikhda Sh. Yuusuf Al Qardaawi ( 1926-2022), Juun 2022.
11- Ardaygu marka uu Jaamacadda dhiganayo maxaa la gudboon? Jannaayo 2022.
12- Qorshaha Qalijebinta ka dib. Sibtanbar 2022.

Turjumaadda

Qoraalka waxa ii soo raaca turjumaadda maqaallada, buugaagta, iyo qoraallada aqooneed. Sannadkan dhawr maqaal ayaan turjumay:
1- Tallaabooyin kaa caawinaya inaad Ingiriiska ugu hadashid si Kalsooni iyo faseexnimo leh. W/Q: Easy English 444 Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere. Julaay, 2022.
2- Xeerarka Aasaas u ah sidii aad u Horumarin Lahayd Luuqaddaada English ka. W/Q: Easy English 444 Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere. Julaay, 2022.
3- Shaqo ka tegidda oo Dunida ku soo badanaysa! Julaay, 2022.
4- Saddexlayda Nolosha. W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir, Turjumid Sandheere.
5- Qaabkeed Wax u Dhegaysataa? Julaay 2022.
6- Maxay Noloshu I Bartay? W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir, Turjumid Sandheere
7- Nolosha oo Laga Fahmo Dhinac Cusub. W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir, Turjumid Sandheere
8- DAWLADDU MA AHA HIBO SAMADA KA TIMAADDA. /Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir, Turjumid Sandheere. Ogosto 2022.
Buug ahaan, mid labo buug ayaan turjumay. Marka ay diyaar noqdaan ayaan faahfaahin doonaa buugtaas. Waxa aan iyadna tifaftiray, waxna ku daray buugga la yidhaahdo ‘ Sirdoon: Basaasihii Ugu Caansanaa Uguna Khatarta Badnaa Ee Dunida Soo Maray.” Oo aan bilowga sannadkan 2023 daabici doono, Insha Allah. Waxa xusid mudan in aan dadaal badan geliyay sidii aan xuquuqda ( Copyright) u heli lahaa, halkaas oo aan ugu danbayn iibsaday xuquuqda buugga.

Waxa iyadna xusid mudan in aan dibu habayn ku sameeyay buug aan turjumay sannadkii 2020kii oo ah ‘ Milicsiga Sooyaalka Asxaabtii Nebi Muxammed SCW.’ Markii hore wuxuu ka koobnaa 32 Asxaabi oo rag uun ah, waxa aan ku daray haweenkii Asxaabtii Nebi Muxammed tiro ahaan 8 Asxaabiyaat ah. Markaa waa 40 Saxaabo. Mahad Alle, sannadkan galbaday ee 2022 ayay ii suurtagashay inaan dibuhabayn iyo daabicis kale ku sameeyo.

Gorfeynta Buugaagta #Xogkorodhsi

Buugaagta aan akhriyo in aan gorfeeyo oo waxa ay ka hadlayaan wax iska wayddiiyo muhiim baan u arkay. Sannadkii 2018kii ayaan arrintaas bilaabay. Sannadkii ku xigay ee 2019 inaan sii horumariyo ayaan qorshaystay. Markii hore maqaal ahaan ayaan ku so gudbin jiray, se waxa aan is idhi ‘ malaha waxa ka sii fiican inaad muuqaalna ku dartid soo dartid.’ Ugu danbayn waxa aan ku qancay inaan bilaabo sidii aan dadka ula wadaagi lahaa buugta aan akhriyo oo maqaal iyo muuqaal ba ah. Dhammaadkii sannadki 2019kii ayaan bilaabay. Saddexdii sabo ee u danbeeyay Barnaamijka waan waday, waxaanan guud ahaan saddexdaas sano soo gudbiyay faallaynta 69 buug. Tacab badan oo hanti, waqti, iyo dadaal ba leh ayaa iga gala SOOGUDBINTA faallooyinka buugaagta. Wax dan ah oo shakhsi ah oo aan ku qabaa ma jirto.

Markii aan arkay inay bulshadu u baahantahay Barnaamij ay ka helaan buugaag kaladuwan oo loo soo koobo ayaan dadaal badan galay. Sababta aan buugaagta u gorfeeyo waxa ugu muhiimsan:
1- In qofku xulasho samayn karo, oo buugaagta kala xulan karo.
2- In qofkii waayay buug muhiima oo meel uu joogo aan oollini xogta buugga wax ka ogaado.
3- In qofkii wax baadhayaa si fudud meel uu ugu hagaago helo.
Waxa aan bulshada sannadkan 2022 ga muuqaal ahaan kula wadaagay in ka badan 16 buug. Maqaal iyo muuqaal ba waa lagu heli karaa.
1- Qaar ka mid ahi waa kuwan: Buugga la yidhaahdo “ Xasuusihii Guwaantanaamo: Markhaatiga Maxbuus hore.”
2- Buugga la yidhaahdo “ Layliga Suxufiga.”
3- Buugga la yidhaahdo “ Samaha Islaamka.”
4- Faallada buugga la yidhaahdo “ 100 Way you Can Motivate your Self.”
5- Faallada buugga la yidhaahdo “ Bloody Nations.”
6- Faallada buugga la yidhaahdo “ 100 Sheeko iyo Sheeko.”
7- Faallada buugga la yidhaahdo “ What Successful People Do Before Breakfast.”
8- Faallada buugga la yidhaahdo “ First Africa Democracy.”
9- Faallada buugga la yidhaahdo “ 10 Times Happier.”
10- Faallada buugga la yidhaahdo “ When There was no Aid.”
11- Faallada buugga la yidhaahdo “ Miracle Morning.”
12- Faallada buugga la yidhaahdo “ Everything you told me is true.”
13- Faallada buugga la yidhaahdo “ How will you Measure your Life.”
14- Faallada buugga la yidhaahdo “ Outliers.”
15- Faallada buugga la yidhaahdo “ 22 Immutable Rules for Marketing.”
16- Faallada buugga la yidhaahdo “ the Man’s Search for Meaning.”
17- Faallada Buugga "Why We Sleep?~ Maxaynu u Seexannaa?"
18- Faallada Buugga " The Next Five Moves~ Shanta Tallaabo ee Xiga."
19- Faallada Buugga "The Art of Thinking Clearly~ Fanka Si U Fekeridda Si bayaana."

Dhammaan buugtaas waxa aad ka daawan kartaa Channelka #Xogkorodhsi.

Tifaftirka

Dhawr buug, maqaal iyo waxsoosaar kale ayaan sannadkan tifaftiray. Hawl yar maaha tifaftirku, waa masuuliyad waqti badan, iyo dadaal badan u baahan.

Safarrada

Sannadkani wuxuu ahaa sannad safarradu igu yaryihiin, waxa sababay mashquulka ayaa igu badnaa. Meelo kooban ayaan tegay, marka laga yimaad meelo aan hore u arkay oo dib ugu laabtay, meel cusub oo aan booqday waa Buurta Gacanlibaax. Buurta Gacanlibaax oo aanan hore u arag ayaan dalxiis wacan ku qaatay Ciddii Bisha Ramadaan, May 2022. Maqaalkan ayaan ka qoray, halkan ka akhri (Dalxiiska Buurta Gacanlibaax (cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com) ). '

Waxbarashada

Aqoonta waan sii wadaa oo ma joojin, se waxa aan koobay fasalladii Formal ka ahaa ee aan xaadiri jiray. Waayo, kuwaa muddo badan baan waday, Milicsigan ( Annual Review) gan kuwii ka horreeyay waan ku xusay. Se sannadkan aqoon badan oo aan Jaamacadaha lagu dhigan ayaan korodhsaday.

Xirfad

Xirfaduhu waa labo nooc, kuwo fudud ( Soft Skills) oo ah kuwo la xidhiidha waxyaabaha qofku fahan ahaan ama aqoon ahaan korodhsado, iyo kuwo farsamada gacanta ah, oo gacanta laga qabto. Labadaba waan korodhsaday. Alle mahaddii waxa aan xusi karaa sannadkan inaan fadhiisiyay oo aan bartay xirfadda baabuur wadista ( Driving) oo ahayd xirfad aan ka cabsan jiray intii aanan baran, balse aan xiiso gaar ah u hayay. Dhawkii sano ee u danbeeyay waxyaabaha aad ka aan u xiisayn jiray ee mar uun fadhiisi aan is odhan jiray xirfaddaas ayaa ka mid ahayd, se maadaama aan arday ahaa, duruufaha kalana badnaayeen sannadaas hore iima suurtagalin. Sannadkan dhammaanaya 2o22 ayuu Alle I waafajiyay, anna calool’adayg iyo go’aan ku daray. Waa mahad Alleh.

Caqabadaha

Caqabuhu way badnaayeen. Waxa ugu adagi waxa ay ahaayeen waayahay nololeed oo kolba mawjad qofka ku soo beegaya. Dhinaca waqtiga sidii aan rabay ugama faa’ideysan. Waqti badan ayaa meelo aan habboonayn igu dhaafay.

Gebagebo

Waxa intaas ba barbar socday oo aan ka madhnayn qabashada shaqooyinka maalinlaha, wax korodhsiga, shaqada, waxbarashada, jimicsiga IWM. Noloshu intaas sare uun maaha, way ka ballaadhantahay. Se muhiimaddaydu waxa ay ahayd uun waxa aad korodhsatay xus, si ay xasuus kuugu noqoto, ciddii u baahanna dhiirrigelin iyo shidaal ugu noqoto, sannadka soo socdana ay ku talagalaan inay waxbadan korodhsadaan.

Sannadku wuu wanaagsanaa. Sidoo kale, wuu qadhaadhaa, oo xasuuso adeg ayaa ku jiray. Ka soo socda inuu sidan ka wanaagsanaado ayaan rajaynayaa.

Dhammaan buugta aan akhriyay ee wax ka qoray, iyaga oo maqaal ah INTA AAN FAAFIYAY waxaa laga akhrisan karaa: (Sandheere (cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com) ) ama (Cabdirisaaq Sandheere ). Inta aanan faafinna isla halkaas ayaan soo gelin doonaa Insha Allah. Sidoo kale, iyaga oo muuqaal ah waxaa laga daawan karaan Janalka #Xogkorodhsi (https://www.youtube.com/@xogkorodhsi9999 ).

Cabdirasaaq Sandheere


Boorama, Awdal.
Diisambar 31, 2022

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?