Faallada Buugga “๐˜๐จ๐ฎ๐ซ ๐๐ž๐ฑ๐ญ ๐…๐ข๐ฏ๐ž ๐Œ๐จ๐ฏ๐ž๐ฌ “

 

 

Hordhac

Buuggan la yidhaahdo “๐˜๐จ๐ฎ๐ซ ๐๐ž๐ฑ๐ญ ๐…๐ข๐ฏ๐ž ๐Œ๐จ๐ฏ๐ž๐ฌ “  waxa qoray Patrick Bet-David. Patrick waa ganacsade hal’abuure ganacsi, qoraa iyo lataliye dhaqaale. Qoraagu waa reer Maraykan. Wuxuu aasaasay wakaalado kala duwan oo ka shaqeeya ganacsiga, latalinta iyo talooyinka la xidhiidha ganacsiga.

Buuggan wuxuu ka warramayaa farshaxanka qofku Istaraatijiyadda ganacsigiiisa uu ku maarayn lahaa.

Nuxurka Buugga

Waxa aan isku dayi doonaa inaan tilmaamo dhawr qodob oo nuxurka buuggu ku soo ururayo.

Tallaabada 1aad: Maamul garashada naftaada

Garashada naftu way ku yartahay oo dhif iyo naadir bay ku tahay in laga sheekeeyo wareegga ganacsiga, balse waa suurtagal la’aan in aad hore u socotid oo hore uma socon kartid la’aanta wacyiga nafta. Marka aad si dhaba u qorshaysatid qof ka aad dhab ahaan noqonaysid jihada aad u dhaqaaqaysid ama u soconaysid waa in ay ahaato mid cad oo bayaan ah, sidoo kale waa in aad garanaysid sababta aad u samaynaysid.

Tallaabada 2: Maamul awoodda sababaynta

Sida aad arrimaha u qaabaynaysid iyo habka aad go’aannasada u samaynaysid waa muhiim. Ma jiro go’aan iskugu jira madaw iyo caddaan. Markaa waa in aad sababta iyo go’aankaagaba caddaysaa.

Tallaabada 3aad: Maamul dhisidda Koox isfahansan

Si aad u samaysid koox dhisan oo kula shaqaysa waxa muhiim ah in aad dadka kale fahantid. Haddii aad dadka caawisid waxa aad samayn kartaa koox ka qayb qaadata koritaankaada, iyo horumarkaaga.

Tallaabada 4ad: Maaree Istaraatijiyaddaada

Haddii aad rabtid in aad koritaan gaadhid baro sida hantida kor loogu qaado, sida wax midhadhalaya si degdega loogu maalgashado, iyo in aad abuurtid hab kuu oggolaanaya in aad heshid ama joogtaysid awooddaada waxqabadka. In aad si joogta ah u eegtid halbeegaagu waa qayb ka mid ah waxyaabaha ganacsigaagu u baahanyahay.

Tallaabada 5aad: Maarayntu awoodda qofka ayay daartaa/kicisaa

Qofkastaa wuxuu u baahanyahay in uu waxa aad qabanaysid ku soo hirto, haddii aad adigu wax wacan qabsatid na waxa ay kuu soo jiidaysaa sumcad wayn iyo qorshayaal waawayn oo mustaqbalka ah. Waa in aad barataa sida loo maareeyo isticmaalka Baraha Bulshada ee looga dhigo mid midhodhal leh, oo u qurxinaya sheekada.

Had iyo jeer shantaas qodob fiiri.

 

Waxa aan tixraacay Faallada uu ka qoray Trainer Muhsin Ihsan.

 Muuqaal ahaan halkan ka daawo: Buugga 68; Gugii 4aad: Faallada Buugga " The Next Five Moves~ Shanta Tallaabo ee Xiga." - YouTube 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

12-12-2022

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?