Noloshu waa Halgan Joogto ah

 




1- Waa muhiim in aad wax akhridaa. Balse, waxaa ka sii muhiimsan in aad dooratowaxa aad akhriyayso. Waa muhiim in aad la noolaato fekrad rasmi ah; balse, waxaa ka sii muhiimsan inaad doorato fekraddii rasmiga ahayd.
2- Waa muhiim in aad mabda la noolaato; balse, waxaa ka sii muhiimsan in aad doorato mabdaii aad la noolaan lahayd. Waa muhiim in aad u loollanto mabdaa aad rumeysantahay. Balse, waxaa ka muhiimsan in aad fekradaha mabdaaaga u  beddesho kuwa waaqica la joogo [ la jaanqaadi karaya].
3- Waa muhiim in aad dooddaa ( ama wax gorfeysaa), oo aad asaaggaa wax isdhaafsataan ( sida sheeko, dood, ama iswaraysi). Balse, waxaa ka muhiimsan in aad si wanaagsan u sugto (barato) fanka wadasheekaysiga iyo doodda, oo aad soo wanaajiso mustawaha hadalkaaga, misana aad barato fanniyada xidhiidhka bulshada.
4- Waa muhiim in aad dadka dhegaysataa. Balse, waxaa ka muhiimsan in aad siiso kalsooni aad ku dhegaysato. Dhegaysigu waa fan. Ujeeddaduna (Xikmadduna) maaha kaliya in aad dhegaysato cidda aad fekradaheega garanayso.
5- Waa muhiim in aad Masaajidka fadhiisato waqti ka mid ah waqtiyadaada. Balse, waxaa ka muhiimsan in aad u dejiso [fadhigaa Masaajid] qorshe ruuxeed iyo fekereed waqtigan noloshaada ka reebban.
6- Waa muhiim in aad u socdaasho Waddan leh raadad taariikheed. Balse, waxaa ka muhiimsan in aad u socdaasho Waddan uu joogo Caalim aad ka faaideysato caqligiisa, khibraddiisa. Ama waa in aad u  socdaasho Caalam Buuggeed, si aad marti ugu noqoto Rugtaasi oo caqligaagu cusboonaado. Noloshu waa bixin iyo qaadasho.
7- Waa muhiim in aad waqti raaxaysi ah qaadato. Balse, waxaa ka muhiimsan in aad doorato meeshii ku habboonayd nasashada. Waxaa jira waxyaabo nolosha kululeeya. Iyo meelo deggan oo nolosha xasillooni geliya.
8- Waa muhiim in aad Salaadda la noolaataa. La noolaanshaha Salaaddu waa heer hordhac u ah Cibaadada. Balse, waxaa ka muhiimsan in aad doorato Cibaadada ku habboon, Diintaadana [xoojinaysa].  Waxaa jirta cid ay Salaadda, Soonka, Ducada, Dikriga, Quraan Akhriska ama Cilmigu wax u furfuran.
9- Waa muhiim in aad qoys lahaataa. Balse, waxaa ka muhiimsan in qoyska gudihiisa farxadi ka jirto oo aad faraxdaan, iyo in aad ku nayaayirsantahay gudihiisa si aad boqor uga noqoto. Qoysku maaha meel, waa xaalad. Farqi weyn ayaa u dhexeeya meesha iyo xaaladda. Waxaa jira cid ku nool meel; sidoo kale waxaa jira cid xaalad ku nool.
10- Waa muhiim in aad [ ku jirto] ama ku tiirsanataa Urur, ama Xisbi. Boos kuma laha qofka aan meelna ku tiirsanayn Caalamka maanta.  Balse, waxaa ka muhiimsan in aad doorato Xisbiga, Ururka  ama meesha aad u jihaysantahay si aad u dhabayso u jeeddada suntan.

Waa toban dhammaystiran. Dhammaantood waa muhiim. Waxaa jira kuwo aad u muhiimsan. Waxaa jirta Fiqiga Diinta wax la yidhaa ‘فقه الأولويات ~ Kala hormeynta.’Sidoo kale, waxaa jira jaad layaable Fiqiga ‘  فقه الموازنة          ~ Fahanka Iskudheellitirka.’ Labadaa qeybood dhexdooda ayaynu ilbaxnimada ka samayn karnaa. Waxaa jira kuwo muhiim ah, iyo kuwo ka sii muhiimsan. Waxaa innagu jira kuwo wanaagsan. Waxaa jira kuwo kuwaa wanaagsan ka sii wanaagsan. Waxaa innagu jira kuwo xun. Waxaa jira kuwo ka sii xun kuwaa xun. Kuwaasi waxa ay keensanayaan caqli wax fahmaya oo dheellitir samaynaya. Wax horreysiinaya, waxna dib u dhigaya. Sidaa daraaddeed ayaynnu saamigeenna ka qaadannaa Caalam isbeddelaya oo waliba isbeddelkiisu aad u daranyahay.

W/Q: Sh Cabdiraxmaan Bashiir
W/T: Cabdirasaaq Sandheere

Dec 11, 2018

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?