Posts

Showing posts from January, 2023

Sideed uga faa’idaysan kartaa Sannadkan 2023?

Image
  Hordhac Sannad baa dhammaaday. Sannadkaasi waxa uu la dhammaaday hawlo, iyo qorshayaal. Sidoo kale, waxa bilaabmay sannad cusub, sannadkan cusubna waxa uu wataa hawshiisa, qorshayaashiisa, iyo waxyaabo kale oo u gaar ah. Waxa muhiim ah in qofku qorshe yeesho oo sannadkan waxbadan qabsadaa. Sidoo kale, waa inuu qofku wax korodhsado oo waxyaabo badan faa’idaysto, oo aqoon badan iyo adduun ba kasbadaa. Maadaama waqti cusub kuu bilaabmay, waqtigu wuu kugu socdaa. Maalin ba maalinta ka danbaysa qabriga ayaad u sii dhawaanaysaa, markaa waa muhiim inaad waqtiga ka faa’idaysatid. Qoraalkan kooban waxa aan kaga warrami doonaa waxyaabaha aan u arko inay muhiim yihiin ee qofku sannadkan 2023 kaga faa’idaysan karo. Aniga oo niyadda ku haya in dadka akhriyayaa kala duwanyihiin, oo kala aqoon, waayo, duruuf iyo xaaladaba duwanyihiin, haddana waxa aan tilmaami wax qofkasta wuxuun ka anfaca. Maxaan kaga Faa’idaystaa 2023? Sannad baa bilaabmay, waa waqti cusub, waaya cusub iyo ammin cusub oo soo kord

Faallada Buugga “ How To Become A People Magnet ~ Sideed ku Noqon kartaa Qof Dadka Soo Jiita”

Image
  Hordhac   Buuggan la yidhaahdo “ How to Become A Megnet” waxa qoray  Marc Reklau ,  oo ah tababbare, dhiirrigeliye iyo Qoraa. Marc waa qoraa wax ka qora arrimaha dhiirrigelinta iyo horumarin shakhsiyadda qofka. Buugaag kala duwan ayuu ka qoray. Buuggan aynu faallayn doono ayaa ka mid ah.   Buuggani wuxuu ka koobanyahay 160 bog. Waa 7 qaybood oo 62 cutub ah. Cinwaan hoosaadkiisu waa “ 62 Life-Changes Tips to Attract Everyone You Meet.” Wuxuu ka warramayaa sida qofku bulshada dhexdeeda saamayn ugu yeelanayo, iyo Tabaha uu qofku marayo.   Nuxurka Buugga   Magaca buugga waxa ka muuqata aaladda loo yaqaanno ‘ Birlabta’ oo ah bir soo jiidata aaladaha kale, mar alla marka ay birtaasi ku dhawaato wax kale way soo jiidataa. Taasi waxa ay sheegaysaa awoodda ay leedahay aaladdaasi. Waxa xusid mudan in birlabtu ayna soo jiidan waxkasta, se ay soo jiidato waxyaabo gaar ah oo muhiim ah. Sidaas si la mid ah ayay tahay in qofku bulshada qaar ka mid ah saamayn ku yeesho oo soo jiito. Mana mudna in qo

Meher

Image
Wiil Shahaadada Sare ee Mastarta wada oo Kulliyadda Maamulka Waxbarashada dhigta ayay iscaashaqeen gabadh dhigata Kulliyadda Caafimaadka. Waxa ay ku heshiiyeen inay isguursadaan. Waxa la isku afgartay in xafladda arooskooda lagu dhigo goob akhtar ah oo ku taallay buuraha cagaaran ee Cummaan. Dad badan oo gacal iyo sokeeyaba leh ayaa ka soo qaybgalay xafladdii meherka. Markii wakaalada inanta gaadhay ayaa Aabbaheed la wayddiiyay QADDARKA lacageed ama waxa inantiisa lagu meherinayo ee ay u soo sheegtay. Odeygii wuxuu sheegay arrin kedis noqotay, wuxuu yidhi: " Meherka Inantaydu waa in Malyuun jeer Nebi Muxammed NNKH lagu salliyo." Gabadha aroosadda ah Aabbaheed waxa uu muuqday inuu soo noolaynayo Sunnadii Nebi Muxammed ee ahayd khafiifinta meherka iyo dhallinyarada guurka rabta loo fududeeyo. Nebigu NNKH wuxuu yidhi: " Qofka Sunnadayda soo nooleeya marka ay Ummaddu fasaad ku sugantahay, waxa uu leeyahay ajar u dhigma ka Shahiidka oo kale." W/Q: Amr Salman. Turjumid:

Taxanaha Buugga #Sirdoon Qisada #2 Mata Hari: Xiddigtii Waabbari

Image
  Qaybta 1 Mata Hari, waxa ay ahayd dheddigii ama gabadhii ugu caansanayd ee laga aqoonsanaa taariikhda basaasnimada. Mihnaddan halista badan ee basaasnimada si fiican ayay u baratay, waxaana loo yaqaannay ‘Xiddigtii Arooryaad/Waabbari’ ama ‘ Mata Hari.’ Qalanjadan Jaasta ( Qoob ka ciyaarka) ee Hoolaandiiska ah ee Holand u dhalatay waxa ay isku dayi jirtay inay xaqiiqada qariso, marka dib loo eego sheekooyinka mala’awaalka ah ee laga soo wariyay tagtadeedii. Waxa ay sheegtay inay ka soo jeeddo oo uu dhalay amiir ka mid ah amiirradii Hindidu, ama awlaaddii boqortooyadii Mihraajaad . Balse, dhabnimada iyo xaqiiqdu sidaas way ka duwanayd. Run ahaantii Mata Hari waxa ay dhalatay 7dii bisha Ogosto Sannadkii 1876kii, waxayna ku dhalatay magaalada Leeuwarden oo ku taalla dalka Netherland ama Holland. Waxa dhalay oo ay inantiisii ahayd aabbe la odhan jiray Adam Zelle—Aabbaheed Adam waxa uu Mulkiile ka ahaa warshad soo saarta Koofiyadaha oo ku taallay magaalada Leeuwarden ee dalka Netherland. A

Taxanaha Buugga #Sirdoon Qaybta #3

Image
Delilah: Basaasaddii Kitaabka Barakaysan Shamshuun wuxuu seexday habeenbadhkii, dabadeed wuu kacay, wuxuuna u dhaqaaqay dhinaca labadii albaab ee magaalada. Albaabkii ayuu garaacay, dabadeed inta uu garbihiisii yara goday ayuu figta sare ee buurta fuulay. Buurtu waxa ay ku dhawayd magaalo Falasdiin ku taalla oo la yidhaahdo Al Khaliil (Hebron) . Intaas ka dib Shamshuun waxa uu jeclaaday gabadh ka soo jeedda Webiga ama tuulada Suuraq, oo magaceeda la odhan jiray Delilah. Gabadhii waxaa u yimid madaxdii Falasdiiniyiinta, waxayna ku yidhaahdeen: “Ninkaaga khiyaan, oo ka dabashaqee oo ku dabajir illaa aad ka ogaanayso sirta ka danbaysa awooddiisa/xooggiisa, dabadeedna aannu annagu dilno; adigana aannu kuugu baddelno oo qofkasta oo annaga naga mid ahi uu ku siiyo Kun iyo Boqol lacagta Fiddada ah.” Markii uu Shamshuun gabadhaas jeclaaday waxkasta wuu u sheegi jiray, oo waxba kama qarin jirin. Balse, gabadha oo ah Delilah iyadu way khiyaamaysay, waxayna daacad u noqotay oo isku dhiibtay Falas

Taxanaha Buugga #Sirdoon Qaybta #2

Image
  Delilah: Basaasaddii Kitaabka Barakaysan […] Ugama aannu warramin oo uma sheegin in Malabkan uu ka keenay caloosha Libaaxa. Dhammaantood waxa ay isku raaceen inay u tagaan oo uu guursado gabadhii Falasdiiniyadda ahayd, halkaas ayuuna Shamshuum toddoba cisho oo casuumaad ah u joogay. Falasdiiniyiintii ayaa arkay, se way ka cabsadeen, waxayna u soo direen soddon nin si ay ula joogaan. Shamshuun ayaa ku yidhi: “ Halxidhaale ayaan idinku tuurayaa oo aan idin wayddiinayaa, haddii aad si fiican u falanqaysaan inta ayna toddobadaas cisho ee casuumaaddu dhammaanin ka hor waxa aan idin siinayaa soddon Khamiis, iyo soddon lebbis oo dhar ah. Haddii aad awoodi waydaan furfuridda halxidhaalahan aniga waxa aad I siin doontaan soddon Khamiis, iyo soddon lebbis oo dhar ah.” Waxa ay ku yidhaahdeen: “ Sheeg halxidhaalahaaga, aannu ku dhegaysannee?” Wuxuu ku yidhi: “ Waxa cune (libaax) gudihiisa ka soo baxay cunno ( Malab), wax awood badanna ( libaax) wax macaan baa ka soo baxay ( Malab)~ خرج من الاكل

Taxanaha Buugga #Sirdoon Delilah: Basaasaddii Kitaabka Barakaysan

Image
Qaybta #1 Delilah waxa ay ahayd barbaar Falasdiiniyad ah oo ka mid ah madaxweynta tolkeed. Tolkeed ayay ku caawisay inay helaan siraha ugu muhiimsan markii loollanka adag ka dhexeeyay Falasdiiniyiinta iyo Israa’iil. Sheekada Delilah waxa ay ku soo aroortay Kitaabka Barakaysan ee Yuhuudda (Tawraad). Laga bilaabo cutubbada 13-16 ayaa ka warramaya. Dhacdooyinka qisadu waxa ay ku wareegayaan waqtigii taaha ee ay Reer Banii Israa’iil noolaayeen dhimashadii Muuse SCW ka dib. Shar iyo dhibaatooyin ayaa ku habsaday oo Alle ayaa ciqaabay, oo wuxuu ku salliday Falasdiiniyiinta oo wuxuu dhadhansiiyay cadaab iyo ciqaab ta ugu daran. Isla waqtigaas waxaa noolaa nin qabiilka Daan ee Reer Israa’iil ah oo magaciisa la odhan jiray Manuux. Ninkaas Manuux wuxuu qabay gabadh madhalays ah oo aan dhalin. Alle ayaa waxa ay ka baryi jirtay inuu siiyo ilmo wanaagsan oo dadnimo leh sida uu ka warramayo Kitaabkooda barakaysani. Malagii nafta ku afuufayay waxa uu ugu bishaareeyay in ay dhali doonto ilmo aan timih