Sideed uga faa’idaysan kartaa Sannadkan 2023?

 


Hordhac

Sannad baa dhammaaday. Sannadkaasi waxa uu la dhammaaday hawlo, iyo qorshayaal. Sidoo kale, waxa bilaabmay sannad cusub, sannadkan cusubna waxa uu wataa hawshiisa, qorshayaashiisa, iyo waxyaabo kale oo u gaar ah. Waxa muhiim ah in qofku qorshe yeesho oo sannadkan waxbadan qabsadaa. Sidoo kale, waa inuu qofku wax korodhsado oo waxyaabo badan faa’idaysto, oo aqoon badan iyo adduun ba kasbadaa.

Maadaama waqti cusub kuu bilaabmay, waqtigu wuu kugu socdaa. Maalin ba maalinta ka danbaysa qabriga ayaad u sii dhawaanaysaa, markaa waa muhiim inaad waqtiga ka faa’idaysatid.

Qoraalkan kooban waxa aan kaga warrami doonaa waxyaabaha aan u arko inay muhiim yihiin ee qofku sannadkan 2023 kaga faa’idaysan karo. Aniga oo niyadda ku haya in dadka akhriyayaa kala duwanyihiin, oo kala aqoon, waayo, duruuf iyo xaaladaba duwanyihiin, haddana waxa aan tilmaami wax qofkasta wuxuun ka anfaca.

Maxaan kaga Faa’idaystaa 2023?

Sannad baa bilaabmay, waa waqti cusub, waaya cusub iyo ammin cusub oo soo kordhay. Sannadkasta oo bilaabmaa waxa uu kuu soo kordhinayaa fursad cusub iyo waxyaabo cusub oo aad kaga faa’idaysan kartid. Waxyaabaha aad kaga faa’idaysan kartid waxa ka mid ah:

1-     Qorshe yeelo

Sannadkan bilowgiisaba ku wajah qorshe. Qorshayaal badan oo nololeed samee. Qorshayaasha aad yeelanaysaa ha ahaadaan kuwo ku hagaya, kuwo ku jihaynaya, kuwo hore kuu socodsiinaya. Noloshu kama maaranto, haddii aanad hore u lahayn qorshayaal, samayso hadda qorshe. Qorshee waxa aad samaynaysid maalinta, qorshee waxa aad samaynaysid qorshaha bisha, qorshee waxa aad samaynaysid sannadka, qorshee waxkasta oo noloshaada ah. Qorshe ku soco, qorshana ku seexo.

 

2-    Xirfad cusub baro

Sannadkasta waxa aad isku daydaa inay wax kuu kordhaan, waxyaabaha kuu kordhaya waxa ka mid ah inaad xirfado cusub baratid. Sannadkan 2023 xirfaduhu waa muhiim, waayo waxa ay ka qaybqaataan horumarka nafta.

3-    Daawo Muuqaallada Xogaha sida

Waxa jira muuqaallo Yuutuubka ku jira, oo aad si fudud u heli kartid. Muuqalladaasi waa xogo muhiim kuu ah oo ku saabsan waxkasta oo aad xiisaysid. Muuqaalladaasi inta badan waa kuwo waqti iyo tamar badan la geliyay oo muddo la baadhayay. Waxbadan ayay kuu kordhin karaan, waxayna qaadhaan ku darsanayaan inay kordhiyaan aqoontaada guud.

4-    Akhriska badi

Inta badan waxyaabaha qofka u kordha waxa uu ku helaa akhris. Akhrisku waxa uu ka qayb qaataa horumarka shakhsiyadeed ee qofka.

5-    Naftaada Horumari

Horumarka naftu markasta wuu socdaa, kolba meel ayuu taaganyahay. Dadkuna way ku kala duwanyihiin. Adigu eeg halka naftaadu joogto, marka aad qiimaysid halka aad joogtid biloow inaad naftaada inaad horumarisid. Qorshayaasha sannadkan 2023 ku dar inaad naftaada horumarisid.

6-    Dadaal

Dadku waxa ay isku dhaafeen waa dadaalka, ma jiro qof ku dhasha horumarka iyo waxkasta oo qofku helaba. Waxkasta oo aad u baahantahay waxa kaa xiga dadaal. Isku day inaad dadaashid oo waxkasta oo aad niyadda ku haysid ficil u baddeshid. Sannadkan 2023 dadaal, waxkasta waad gaadhiye.

7-     Kordhi aqoontaada

Qofku markasta noloshiisa wax ayuu bartaa oo waxbaa u kordha. Waxkasta oo qofka qaybaha kala duwan ee nolosha uga kordhaa faa’ido aan qiyaas lahayn ayay u leeyihiin. Marka aynu leennahay ‘ Aqoon Guud’ waxa aynu ka wadnaa waxkasta oo qofku taransado oo wacyigiisa, garaadkiisa, jidhkiisa, shaqadiisa, naftiisa, iyo guud ahaan noloshiisa wax ka taraya oo wax ku biirinaya haba yaratee. Kama hadlayno dhinac kaliya ama wax la xidhiidha mawduuc gaar ah oo qofku barto, waxa aan ka hadlayaa si guud waxa uu wax ka korodhsaday. Taas ayaan uga jeedaa ‘ Aqoonta Guud.’

Aqoonta guud waa xogta iyo ogaalka ugubka ah ee qofku ka helo deegaanka iyo dadka ku hareeraysan sida uu xusayo qoraa Bryce oo mawduucan wax ka qoray. In qofku aqoon guud helaa waxa ay bud’dhig, aasaas iyo barbilow ba u tahay guusha shakhsiyadeed ee qofka.

Aqoontaada guud kordhi, sannadkan 2023 kana isku day inaad aqoon guud korodhsatid.

8-   Ku biir Urur Wax akhris ama Mid Bulsho

In qofku urur wax akhris ama mid dan kale lagaga shaqaynayo ku biiraa waxa ay dhaxalsiisaa inuu xog badan hantiyo. Gaar ahaan waxa mudnaan leh ururrada ku saabsan akhriska, buugta, aragtiyaha IWM. Waayo, goobtaas inta badan waxa lagu faaqidayaa aragti, buug, taariikh, ama wax la mid ah. Qofka waxa ay carinaysaa maskaxdiisa, waxayna ku abuuraysaa inuu dhiirrado oo isaguna wax cusub la yimaaddo. Ta ugu wayn ee ay keenaysaa waa in qofka aqoontiisa guud kobocdo oo qaaradaha ka tallawdo.

9-    La Soco Xogaha Degdegga ah

Waxa jira xogo degdeg ah oo ku saabsan waxyaabaha aad xiisaysid. Tusaale ahaan, waxa jira war ku saabsan siyaasadda aad xiisaysid. Ka warhay oo maalinle warkaas ula soco. Sida aad waxyaabahaas ku heli kartid waxa ka mid ah inaad ku xidhantid mareegaha, Bogagga, ama goobaha kale ee la soo geliyo. Inaad meelahaas ku xidhnaatid waxa ay keenaysaa in aqoontaada guud korodho.

10-                       Iska diwaangeli Fasallada Fogaan’aragga ah ( Online)

Maadaama dunidii fidday, dadkiina kala fogaaday oo qaarado kala duwan iyo dalal kala fog la joogo waxa muhiim ah in kolba sidii look ala faa’idaysan karo look ala faa’idaysto. Waxa jira kumannaan shay oo aad xiiso u qabtid in aad baratid, balse aanad ka helayn meesha aad joogtid. Waxa aad helaysaa iyaga oo goob kale oo kaa fog laga bixinayo, waxa muhiim ah inaad ka warhaysid oo xaadirtid goobahaas qaab fogaan’arag ah. Fasalladasaasi waxa ay noqon karaan kuwo muddo kooban soconaya ama kuwo soconaya muddo dheer. Labadaba qaab fogaan’arag ah uga qayb qaado, iskuna day oo ka warhay. Taasi waxa ay keenaysaa in aqoontaada guud ay kobocdo.


11- Dhaqaalahaaga Kordhi

Dhaqaaluhu waa lafdhabarta casrigan. In qofku helo lacag iyo hanti ku filan waa muhiim. Waxbadan ayay u taraysaa, waxbadanna way ka leexinaysaa lacagtu. Sannadkan 2023 isku day inaad dhaqaalahaaga ama lacagtaada kordhisid.

12-  Dhis xidhiidhkaaga shakhsiyadeed ee bulshada

Waqtigan la joogo waxyaabaha muhiimka ah waxa ka mid ah shabakadda xidhiidhka ee qofku bulshada guud ahaan la yeenayo, gaar ahaanna la yeenayo inta ay isku xirfadda yihiin. Faa’idooyin badan ayay kuu leeyihiin xidhiidhka bulshadu, waayo, waxbadan oo ay ka mid tahay ixtiraam, shaqo, horumar IWM ayay ku xoo kordhinaysaa.

Gebagebo

 

Sannadkan bilaabmay, fursado cusub ayuu kuugu bilaabmay. Isku day inaad ka faa’idaysatid. Kaga faa’idayso horumar, naf dhisid, dhaqaale dhis, IWM. Waaxyaabaha aad kaga faa’idaysan kartid waxa ka mid ah: Garaad dhis, jidh dhis, maskax korin, dhaqaale dhis, aqoon dhis IWM.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?