Meher


Wiil Shahaadada Sare ee Mastarta wada oo Kulliyadda Maamulka Waxbarashada dhigta ayay iscaashaqeen gabadh dhigata Kulliyadda Caafimaadka. Waxa ay ku heshiiyeen inay isguursadaan. Waxa la isku afgartay in xafladda arooskooda lagu dhigo goob akhtar ah oo ku taallay buuraha cagaaran ee Cummaan. Dad badan oo gacal iyo sokeeyaba leh ayaa ka soo qaybgalay xafladdii meherka. Markii wakaalada inanta gaadhay ayaa Aabbaheed la wayddiiyay QADDARKA lacageed ama waxa inantiisa lagu meherinayo ee ay u soo sheegtay. Odeygii wuxuu sheegay arrin kedis noqotay, wuxuu yidhi: " Meherka Inantaydu waa in Malyuun jeer Nebi Muxammed NNKH lagu salliyo."


Gabadha aroosadda ah Aabbaheed waxa uu muuqday inuu soo noolaynayo Sunnadii Nebi Muxammed ee ahayd khafiifinta meherka iyo dhallinyarada guurka rabta loo fududeeyo. Nebigu NNKH wuxuu yidhi: " Qofka Sunnadayda soo nooleeya marka ay Ummaddu fasaad ku sugantahay, waxa uu leeyahay ajar u dhigma ka Shahiidka oo kale."

W/Q: Amr Salman.
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?