Faallada Buugga “ How To Become A People Magnet ~ Sideed ku Noqon kartaa Qof Dadka Soo Jiita”

 


Hordhac

 

Buuggan la yidhaahdo “ How to Become A Megnet” waxa qoray Marc Reklau, oo ah tababbare, dhiirrigeliye iyo Qoraa. Marc waa qoraa wax ka qora arrimaha dhiirrigelinta iyo horumarin shakhsiyadda qofka. Buugaag kala duwan ayuu ka qoray. Buuggan aynu faallayn doono ayaa ka mid ah.

 

Buuggani wuxuu ka koobanyahay 160 bog. Waa 7 qaybood oo 62 cutub ah. Cinwaan hoosaadkiisu waa “ 62 Life-Changes Tips to Attract Everyone You Meet.” Wuxuu ka warramayaa sida qofku bulshada dhexdeeda saamayn ugu yeelanayo, iyo Tabaha uu qofku marayo.

 

Nuxurka Buugga

 

Magaca buugga waxa ka muuqata aaladda loo yaqaanno ‘ Birlabta’ oo ah bir soo jiidata aaladaha kale, mar alla marka ay birtaasi ku dhawaato wax kale way soo jiidataa. Taasi waxa ay sheegaysaa awoodda ay leedahay aaladdaasi. Waxa xusid mudan in birlabtu ayna soo jiidan waxkasta, se ay soo jiidato waxyaabo gaar ah oo muhiim ah. Sidaas si la mid ah ayay tahay in qofku bulshada qaar ka mid ah saamayn ku yeesho oo soo jiito. Mana mudna in qofku cidkasta soo jiito, waxase muhiim ah in qofku dad tayo leh saamayn ku dhex yeesho oo qaddarin ka helo.

 

 Wuxuu taataabanayaa qodobbo muhiim ah, waxa aan isku dayi doonaa in aan si kooban uga warramo xogta buugga. Dhawrkan qodob ayaa ka mid ah farriimaha buuggu sido:

 

1- Haddii aad hadal dhahdid ama arrin afka ka sheegtid, ka dibna aad ficil ahaan u qaban waydid ama hawlgal samay waydid dadku way kaa aaminbaxayaan, kalsoonidiina way kaala noqonayaan.

2- Dadka ula dhaqan sida aad jeceshahay in ay adi kuula dhaqmaan oo kale.

3- Aad uga digtoonoow dadka beenta sheega ee kalsoonida naftoodu hoosayso.

4- Iska ilaali muranka; 99% murannadu waxa ay ku dhammaadaan iyaga oo aan labada dhinac ee doodayaa aan isqancin.

5- Wax xun maaha in aad qalad samaysid: Waxa aad tahay bini’aadan, bini’aadankuna si fudud buu qaladku uga dhici karaa, waayo markasta qaladku wuu dhacayaa oo hadda iyo hadhaw ba waa la samaynayaa.

6- Ku xeernow oo ka agdhawaw dadka ku dhiirrigeliya ama kuwa ku taageeraba.

7- Adigu waxa aad tahay uun waxa aad qabatid, se ma noqonaysid waxa aad afka uun ka tidhaahdid in aad qabanaysid.

 

Waxa aan faallada la kaashaday qoraal uu qoray  Hassan Sas Bangura

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

31 Dec, 2022

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?