Posts

Showing posts from September, 2024

Bandhiga Buugta Goday 2024

Image
  Hordhac Sannadkan 2024 waxa markii 1aad magaalada Goday ka dhacay bandhig buug. Taariikh wayn iyo horumar ayay u tahay dadwaynaha magaalada Goday iyo cidkasta oo bandhigaa goobjoog u ahayd. Anigu shakhsiyan markii aad ayaan fursad u helay ka qaybgalka bandhiga Caalamiga ah ee Goday ( Goday International Book Fair). Bandhiga waxa cinwaan ama ladh looga dhigay ‘ Wax BARO, waxna BEERO.’    Waa halkudheg wayn oo ururinaya laba arrimood oo muhiim ah: Waxbarasho iyo shaqo. Waa laba qodob oo Bini’aadanka u muhiima, kaalin wayna ugu jira. Bandhigu wuxuu ka qabsoomay Xarunta Dhallinyarada Goday, iyo Hoolka Hotelka Shabeelle. Buugta waxa lagu iibinayay oo loo sharraxay Xarunta Dhallinyarada, halka doodaha iyo bandhigyada lagu qabanayay Hoolka Hotelka Shabeelle. Bandhiga waxa soo qabanqaabiyay dhallinyaro kala duwan ka soo jeeda magaalada Goday. Iyaga ayaa isxilqaamay oo u badheedhay inay markii 1aad bandhig sidaa u wayn ku qabtaan deegaannadan oo aan hore loogu qaban jirin bandhigyada.   Bandh

Hordhaca Buugga “ Dhabbadii Dhibaatada: Hawlgalkii Sarihii Mataanaha 11 Sep”

Image
    “Aroornimadii bis hii Juun 14keedii sannadkii 2002dii Warbaahinta  Al  Jazeera wxa ay u diyargaroobaysay warsaxaafadeedkii ugu waynaa markii uu Yusri Fawda soo galay dhismaha ay ku lahayd Dooxa,  isaga oo sita buuggiisii xasuusqorka iyo siro badan oo uu rabay inuu faafiyo. Canjaladaha lagula ballamay inuu kula kulmo madaxda Al Qaacida waqtigaas waqti ka danbeeyay ayay soo gaadheen. Balse, waxa uu dareensanaa in ay gaadhay xilligii ay madaxdiisii shaqadu arrintan ogaan lahaayeen.” [1] Weedhahaasi maaha aniga kuwaygii. Waxa yidhi oo ay hadalkiisii yihiin Wariyaha iyo qoraaga wayn ee Reer Maraykan Mudane Roon Saaskiinda (Ron  Suskind) , oo ah mudane ku guuleystay abaalmarinta ugu wayn wariyannimada dalka Maraykanka. Waa nin ka agdhaw isbeddelka arrimaha siyaasadda iyo amniga Waashitoon. Markii aan indhaha ku dhuftay sadarrada ku xardhan buuggiisa ‘ The One Percent Doctrine  ~ مبدا الواحد في المئة ~Aragtida Boqolkiiba hal” labadayda indhood argaggax iyo danayn ayay la ballaadheen; buug