Shaqada iyo adoo wax uun SUGA midkee waxtar badan?
Dabeecadda dadku waxa ay u badantahay inay jecelyihiin inay si FUDUD wax ku helaan. Ma rabaan inay waqti, tacab, tamar iyo waqti geliyaan waxa ay rabaan. Xagga loo badanyahay ee la iska wada rabaa waa in fadhiga wax lagu helo. Se taasi wa dhacdo, hadday dhacdana way yartahay, mana raagto.
Marka shaygu tacab iyo tamar ku yimaad, macne gaara ayuu sameeyaa, wuuna daa'imaa. Se wixii fudayd lagu helo, fudayd baa lagu waayaa. Inkasta oo ay dhaqanka bini'aadanka tahay inay jecelyihiin inay helaan waxayna u daalin, haddana waa mid u baahan in qofku fahmo muhiimadda ay leedahay hawlkarnimada iyo dadaalku.
Wax qabo, dadaal oo waqti geli. Wuu kuu daa'imi, midho fiicanna aakhirka waad ka heli. Waxkasta oo raaga iyo waxkasta oo waqti qaataa macnuu sameeyaa, waana raandhiis.
Comments
Post a Comment