Posts

Showing posts from April, 2025

Muxuu Alle dumarka uga ilaaliyay Murugada?

Image
1- Alle markii uu ka warramayay Nebi Muuse Hooyadii wuxuu Suuratu Al Qasas ku yidhi: " Si ay ugu ila qabawsato, oo ayna u murugoon." -قال تعالي في سورة القصص: "كي تقر عينها ولا تحزن" 2- Alle wuxuu Suurqtu Al Axsaab ku yidhi: " Si ay indhahoodu ugu qabawsadaan, oo ayna u murugoon..." -وفي سورة الأحزاب: "أن تقر أعينهن ولا يحزنّ" 3- Alle markii uu Maryama ka warramayay wuxuu yidhi: " Waa loo dhawaaqay, waxaana loo sheegay in ayna murugoon..." -وفي سورة مريم: "فناداها من تحتها ألا تحزني" Aayadahani waxa ay ka warrmayaan in ayna murugo dareemin dumarku. Waayo, murugadu dumarka way u darantahay oo si gaara ayay dumarka u saamaysaa. Murugadu waxa ay dishaa dareenka gabadha, waxayna meesha ka saartaa quruxda gabadha, oo gabadha waxa wejigeeda ka muuqanaya awood darro iyo daciifnimo. Sidoo kale, murugadu waxa ay saamaynaysaa hoormoonnada dheddignimada ee gabadha, oo waxa suurtagala in gabadhu murugo darteed dhali waydo! Badanaa oo ...

Maxaa werwer kugu haya?

Image
Shayga marka aanad haysan werwerka uu kugu hayo, iyo marka adiga oo haysta aad waydid werwerka kugu imanayaa way kala xanuun badanyihiin, kalana saamayn badanyihiin. Aan tusaale ahaan soo dhaweeyo, ka soo qaad Jaamacad baad dhammaysay wax shaqo ah maad helin, shaqola'aantaasi werwerka ay kugu haysaa wuu ka saamayn yaryahay werwerka ay kugu hayso adiga oo shaqo ka tagay oo bilaa camala! Marka aad shaqada ka tagtid werwerku wuu ka xanuun kulul yahay markaanad shaqaba hayn! Ama waad guursatay, ka dib gurigii baa kaa burburay, werwerka kalatagaasi kugu hayaa wuu ka badanyahay kelinnimadii aad dareemaysay markaanad guursan! Nuxurka aan ugu socdaa, waa in qofka haddii xaalad noocaas ahi ku timaaddo laga warhayo oo si gaara Isha loogu hayo, qofkuna xilliyadaa uu naftiisa ilaaliyo, Alle Tala saarto, cibaadadana ku dadaalo.

Asxaabigii jacaylka u qaaday Nebi Muxammad SCW

Image
Anas, isaga oo yar ayay Hooyadii Shahaadataynka (Laa Ilaaha Illalaah, Muxammadu Rasuululaah) u laqintay. Mararka qaar dhegtu wax ay maqashay ayay caashaqdaa, oo aragtidaba way ka horraysaa. Anas, isaga oo aan arag ayuu Nebi Muxammed (NNKH) Jaceyl u qaaday. Anas, Madiina ayuu ku noolaa waqtigaa, Nabi Muxammad na (NNKH) magaalada Maka ayuu ku noolaa. Hijradii Nebi Muxammed ayaa dhacday, oo Nabigu Madiina ayuu u soo hijrooday. Waa hoygii Anas. Anas, jaceyl ayuu sii dareemay markuu maqlay in Nabi Muxammed Madiina imanayo. Carruur iyo cirroolaba waa la soo dhaweeyay Nabi Muxammed. Asxaabtii soo dhawaysay kuwii soo hijrooday waa tii magaca ‘ Ansaar’ loo bixiyay. Anas walow uu yaraa haddana wuu soo dhaweeyay. Markii uu Madiina waxyar joogay Nabi Muxammed (NNKH), ayay Anas Hooyadii Qumaysaa u timid Nabiga iyada oo inankeedii Anas la socdo. Waxa ay ku tidhi: “ Rag iyo dumar laguuma kala hadhin, anigu Inankaygan Anas ayaan kuu wadaa. Kaxayso ha kuu shaqeeyo, oo waxa aad doonto ha kuu qabto.” ...

Saacaddii Cusmaaniyiinta

Image
Saacaddani waa mid ay isticmaali jireen Cusmaaniyiintu casrigoodii, waxaana loo yaqaannay ' Sancadii ama ha'abuurkii Cusmaaniyiinta.' Waxa ay u eegtahay saacadaha imika aynu adeegsanno, halka hadda lagu qoro tirada saacadaha waxa ku qoran caadooyin iyo dhaqanno bulsho, kuwaasi oo qofku markuu fiiriyo ku kallifaya iuu waqtigu inta uu yahay, nidaamka iyo akhlaaqda wanaagsan.

Cali Binu Abii Daalib oo u caddaalad sameeyay kuray yar oo aabbhii rag dileen oo dafireen? Sidee u xalliyay?

Image
Asxaabigii waynaa ee Cali Binu Abii Daalib baa maalin soo galay Masaajidka. Wuxuu arkay wiil yar oo masjidka ka dhex ooyaya, wiilka yarna waxa ku hareeraysnaa rag badan oo isku dayayay in ay AAMUSIIYAAN! Markuu Cali arkay wiilkii yaraa ee ooyayay wuxuu ku yidhi: ' Maxaa kugu dhacay wiilkan yaroow?' Wiilkii yaraa baa yidhi: " Mawlaaya, raggan aad arkayso waxa safar u baxay oo igaga tagay aabbahay, aabbahayna waa hantiile, hawlo ganacsina wuu u baxay, raggan ayuuna igaga tagay, iimana soo noqon; markii aan wayddiiyayna waxa ay igu yidhaahdeen ' Wuu dhintay.' Markii aan wayddiiyay wixii uu hanti iiga tagayna waxa ay igu yidhaahdeen ' Wax hantiya kama tagin.' Markii aan garsooraha uga dacwoodayna wuu dhaariyay, wuuna sii daayay." Cali baa yidhi: ' Waxa aan xukumi doonaa oo ridi doonaa xukun aanu qofna samayn illaa Nebi Daa'uud CSW mooyee.' Intaas ka dib wuu u wada yeedhay dhammaantood, wuxuuna fiiriyay wejiyadooda, wuxuuna ku yidhi: ...