Muxuu Alle dumarka uga ilaaliyay Murugada?
1- Alle markii uu ka warramayay Nebi Muuse Hooyadii wuxuu Suuratu Al Qasas ku yidhi: " Si ay ugu ila qabawsato, oo ayna u murugoon."
-قال تعالي في سورة القصص:
"كي تقر عينها ولا تحزن"

2- Alle wuxuu Suurqtu Al Axsaab ku yidhi: " Si ay indhahoodu ugu qabawsadaan, oo ayna u murugoon..."
-وفي سورة الأحزاب:
"أن تقر أعينهن ولا يحزنّ"

3- Alle markii uu Maryama ka warramayay wuxuu yidhi: " Waa loo dhawaaqay, waxaana loo sheegay in ayna murugoon..."
-وفي سورة مريم:
"فناداها من تحتها ألا تحزني"

Aayadahani waxa ay ka warrmayaan in ayna murugo dareemin dumarku. Waayo, murugadu dumarka way u darantahay oo si gaara ayay dumarka u saamaysaa. Murugadu waxa ay dishaa dareenka gabadha, waxayna meesha ka saartaa quruxda gabadha, oo gabadha waxa wejigeeda ka muuqanaya awood darro iyo daciifnimo. Sidoo kale, murugadu waxa ay saamaynaysaa hoormoonnada dheddignimada ee gabadha, oo waxa suurtagala in gabadhu murugo darteed dhali waydo! Badanaa oo badanaa inta gabadh murugaysan ilmihii ka soo dhacay! Badanaa oo badana inta gabadh dhibaato haleeshay murugo darteed timihii ka daateen! Badanaa oo badanaa inta gabadh dhibaato haysato murugo darteed wejigeedii iyo midabkeedii isbeddelay!
Hooyadaa ha ku odhan eray dhaawaca. Walaashaa ha niyadjabin. Xaaskaaga ha dayacin. Inantaada dhegayso, waxay doonaysana u fuli. Alle ugu dhaw wanaag aad u samaysid haweenkaas oo dhan, hana ka murugaysiin dumarka. Dumarka waxa wanaajiya qofka wanaagsan ee deeqsiga ah, waxaana xumeeyo uun qofka liita ee inangumeedka ah. Waxa suurtagala in Alle ba farxad kugu siiyo oo wanaajinta dumarka iyo farxadgelintoodu sabab u noqoto arsaaqda Alle ku siinayo iyo guushaba.
Dumarka wanaag u sameeya
W/Q: Nehad Sheàshaa.
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
Comments
Post a Comment