Cali Binu Abii Daalib oo u caddaalad sameeyay kuray yar oo aabbhii rag dileen oo dafireen? Sidee u xalliyay?



Asxaabigii waynaa ee Cali Binu Abii Daalib baa maalin soo galay Masaajidka. Wuxuu arkay wiil yar oo masjidka ka dhex ooyaya, wiilka yarna waxa ku hareeraysnaa rag badan oo isku dayayay in ay AAMUSIIYAAN! Markuu Cali arkay wiilkii yaraa ee ooyayay wuxuu ku yidhi: ' Maxaa kugu dhacay wiilkan yaroow?'

Wiilkii yaraa baa yidhi: " Mawlaaya, raggan aad arkayso waxa safar u baxay oo igaga tagay aabbahay, aabbahayna waa hantiile, hawlo ganacsina wuu u baxay, raggan ayuuna igaga tagay, iimana soo noqon; markii aan wayddiiyayna waxa ay igu yidhaahdeen ' Wuu dhintay.' Markii aan wayddiiyay wixii uu hanti iiga tagayna waxa ay igu yidhaahdeen ' Wax hantiya kama tagin.' Markii aan garsooraha uga dacwoodayna wuu dhaariyay, wuuna sii daayay."

Cali baa yidhi: ' Waxa aan xukumi doonaa oo ridi doonaa xukun aanu qofna samayn illaa Nebi Daa'uud CSW mooyee.' Intaas ka dib wuu u wada yeedhay dhammaantood, wuxuuna fiiriyay wejiyadooda, wuxuuna ku yidhi: ' Ii sheega waxa aad ku samayseen wiilkan yar." Qof baa si dhawaq leh u yidhi:" Wuu dhintay [aabbii]."

Cali wuu kala saaray, ninkasta wuu jeediyay jiho Masaajidka ka mid ah, wuxuuna u yeedhay xogyahiisii wax u qori jiray, wuxuuna ku yidhi ' Wax qor.' Raggiina wuxuu ku yidhi: ' Marka aad maqashaan aniga oo takbiirana ( oo Allahu Akbar) leh, idinkuna dhammaantiin iga wada daba takbiirta."

Intaas ka dib waxa qaylyay mid ka mid ah kuwii la tuhmayay, wuxuuna ku yidhi: " Ii sheega maalinta la dilay wiilkan yar aabbihii?" Nin baa yidhi: ' Maalintii noocaasa ahayd, bishii heblaayo, waqtigii noocaas ahaa ee sida ahaa." Cali baa ku yidhi: " Yaa u maydhay maydka?" Nin baa yidhi: ' Waxa u maydhay hebel."

 

Markii Cali ninkii intaa wayddiiyay ka dib wuu takbiirtay, dadkiina way takbiirteen sidii uu amray. Kuwii hadhay een takbiiran way shakiyeen markii ay maqleen takbiirta,waxayna xaqiiqsadeen in saaxiibkood qaldamay.

Cali wuxuu amar ku bixiyay in la xidho ninkii, ka dibna wuxuu u yeedhay nin kale, wuxuuna ku yidhi: ' Waad ogtahay waxa aad samayseen.' Ninkii baa si degdega u yidhi: ' Anigu kuwa wax dilay uun baan ka mid ahaa, wallaahi waan karahsanayay dilkiisa.' Ninkii wuu qirtay wixii uu sameeyay, oo isaga iyo asxaabtiisiiba way qirteen in ay dileen wiilka yar aabbihi. Markii uu Cali mid mid ugu yeedhay danbigii way qirteen, waxayna u maleeyeen in  saaxiibkood danbiga ku caddeeyay markii ay maqleen takbiirta. 

Xaqiiqda iyo sidii wax ahaayeen xeeladdan iyo fekraddan caqli badnaantu ka muuqato ayaa lagu ogaaday. Cali na wuu ciqaabay danbiilayaashii danbi fooshaxun sameeyay, wiilkiina wuu caloolfayoobaaday. Alle ha ka raalli noqdo Cali Binu Abii Daalib. 

Halkan ka akhriso qisada Af Carabiya: ( https://pub406.ayam.news/795579?fbclid=IwY2xjawJht45leHRuA2FlbQIxMAABHmUd8xE63wG4Uu8gFEtLEu9ZXtgyikpoYtng9bv19O55wWFMk0FOATYq-J7g_aem_YYRx7Vo2NR_9pcd0lgu1oA ) 


W/Q: 
Mustafa Agha 

Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

08-Abril-2025





 


Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Milicsigayga Sannadkan 2024 ( My Annual Review In 2024)