Maxaa werwer kugu haya?



Shayga marka aanad haysan werwerka uu kugu hayo, iyo marka adiga oo haysta aad waydid werwerka kugu imanayaa way kala xanuun badanyihiin, kalana saamayn badanyihiin. Aan tusaale ahaan soo dhaweeyo, ka soo qaad Jaamacad baad dhammaysay wax shaqo ah maad helin, shaqola'aantaasi werwerka ay kugu haysaa wuu ka saamayn yaryahay werwerka ay kugu hayso adiga oo shaqo ka tagay oo bilaa camala! Marka aad shaqada ka tagtid werwerku wuu ka xanuun kulul yahay markaanad shaqaba hayn! Ama waad guursatay, ka dib gurigii baa kaa burburay, werwerka kalatagaasi kugu hayaa wuu ka badanyahay kelinnimadii aad dareemaysay markaanad guursan!
Nuxurka aan ugu socdaa, waa in qofka haddii xaalad noocaas ahi ku timaaddo laga warhayo oo si gaara Isha loogu hayo, qofkuna xilliyadaa uu naftiisa ilaaliyo, Alle Tala saarto, cibaadadana ku dadaalo.

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Milicsigayga Sannadkan 2024 ( My Annual Review In 2024)