Posts

Showing posts from September, 2025

Sideed Dhaqaale ahaan u kori kartaa?

Image
  Dunida qiimo kama laha, kamana shaqeeyo cudurdaarku — waxa ka shaqeeyaa waa natiijada iyo ficilka. Si kasta oo aad xog u leedahaya, haddana haddii aad shied tahay ma tihid qof muuqda. 1-     Ha yaraysan keydsiga waxa yaryar: Waxyaabaha yaryar ee la ururiyo, iyo xaddiga kooban ee lacagta ah ee la isku daro ayaa keena hodantinnimo waqti qaadata. 2-     Had iyo jeer laba jeer feker ka hor inta aanad waxba iibsan: Kharashaadka badan wuxuu dilaa dhaqaalaha, isaga ayaana ka daran saboolnimada. 3-     3-Kharashaadkaaga xaddi u samee: Qofka aan garanayn halka lacagtu kaga baxayso weligii caydh kama baxo. 4-     Lacagtaada ha ku bixin si aad dadka uga yaabsatid ama isku tustid in aad lacag haysatid: Istunimadu qofka waxa ay ka dhigtaa faqiir, dadka hantiilayaasha ahi uma baahna in ay dadka isku tusaan. 5-     Ha iska indhatirin qorshaynta dhaqaalahaaga: Qorshaynta lacagtaadu waa qrshaynta mustaqbalkaaga, qorshe la’...

5 Caado oo aad ku dhisi kartid kalsooni badan

Image
Waxa jira habdhaqanno haddii qofku sameeyo uu helayo kalsooni wanaagsan oo la isku hallayn, habdhaqannaas waxa aan ka xusi karnaa shantan qodob: 1-      Ilaali ballamaha: In aad ballanta ilaalisaa waa arrin muhiim u ah tixgelinta naftaada iyo tixgelinta bulshadaba, ballan oofintu waa u muhiim xidhiidhka labada qof. Sidaas si la mid ah ilaalinta ballantu axa ay keentaa in kalsoonida labada qof badato. 2-    Hadal yar iyo hawl badan: Waa in aad hadalka yaraysaa, waxqabadkana badisaa, taasi waxa ay keentaa in kalsoonida labada qof dhisanto. 3-    Jidhkaaga si maalinle ah u tababbar: In aad jidhkaaga si maalinle ah uga warhaysid oo ilaalisaa waxa ay keenaysaa in kalsooni badan aad dhistid. 4-    Ku dhac oo same waxyaabaha aad ka baqdid: In waxyaabaha aad ka baqdid ee cabsidu kaa hayso wajahdid oo samaysid waxa ay keenaysaa kalsooni xad dhaafa. 5-     Ka fiirso hadalladaada: Waxkasta ha iska odhan, baro xilliga la h...

4ta xeer ee xidhiidhada macnaha leh

Image
  1-     Booqo cidda ku soo booqata: Qiimee dadka ku qiimeeya ee dadaalka geliya in ay ku arkaan. 2-     Wac dadka Ku taageera: U jawaab dadka kula soo hadla ee ku soo raadiya, jawaabtu waxa ay caddaynaysaa tixgelin iyo qaddarin. 3-     Taageer cidda ku taageerta: Garab istaag kuwa ku taageera adiga ee u garab jooga, xidhiidhadu waa kuwo labadhinacleh ah oo labada qof ba ilaalintiisu ka timaaddo. 4-     Iska indhatir kuwa iska kaa indhatira: Waqtigaaga iyo tamartaada ha ku lumin dadka aan ku qiimayn ee aan xushmad kuu hayn. W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

4 Talo ee ay tahay in aad iska indhatirtid

Image
   1- Waxyaabaha wanaagsan waxa hela dadka suga: Sugid aan ficil wadan waxba laguma helo, tusaale ahaan qof shaqaale ah ayaa muddo 40 sano ah hal goob ka shaqaynayay, illaa haddana wuu ka shaqeeyaa, oo wuxuu sugayaa isbeddel iyo horumar. Goorma ayuu isbeddel u iman karaa? Waxa suurtagala inuu siduu u sugayo waqtigu ka dhaco. Mid ogsoonoow keliya sugitaan waxba laguma helo, meelna laguma gaadho. 2- Waqtiga ayaa keena soo kabashada iyo bogsashada: Sax maaha, haddii ay dhabtahay Dhakhaatiirtu may jireen. Bogsashadu waxa ay u baahantahay ficil iyo waxqabad. 3- Haddii aad si adag u shaqaysid, waxkasta waad gaadhi: Shaqo adag keliya meel laguma gaadho- haddii aad shaqada adag lagu lammaanayn xariifnimo iyo ilbaxnimo. Hawsha badan waxa ay u baahantahay in caqli, qorshe iyo macquulnimo lagu daro, se hawsha badan kelideed ma keento natiijo wayn. 4- Qalbigaaga ku soco: In aad qalbigaaga la socotid markasta ma aha mid ku badbaadinaysa, taas cagsigeeda markasta ku soco maskaxdaada. Turjum...

Asxabigii la La jarjaray/Googooyay!

Image
Kumannaan dad ah ayaa meel barxad ah iskugu soo baxay oo soo dareeray. Goobtu waa meesha la yidhaahdo Tanciim oo Maka ku agtaalla. Madaxdii iyo mijihii Qureysheed ayaa goob fagaare ah iskugu soo baxay. Sababta la iskugu yimid waa daawashada dilka iyo googoynta lagu fulinayo Khubayb Binu Caddi oo ka mid ahaa Asxaabtii Nebi Muxammad. Kumannaanka qof ee goobtaas joogay waxa ka mid ahaa Saciid Binu Caamir. Geedkii toogashada ayaa la taagay Khubayb. Khubayb, wuxuu codsaday in loo oggolaado inuu tukado laba Ragcadood intaan la toogan ka hor. Hadalkiisii degganaa ayaa laga dhexmaqlayay qaylada carruurta iyo dumarka. Waa loo oggolaaday inuu tukado. Waqtigaas uu tukanayay waxa eegayay Saciid Binu Caamir, oo wuxuu yidhi: “ Wuxuu tukaday laba Ragcadood oo dhammaystiran oo aad u qurxoon.” Khubayb wuxuu fiiriyay madaxdii qoomka oo isaga soo eegaya oo indhahoodii ku soo maqanyahay, markaasuu yidhi: “ Wallaahi haddii aydaan u malaynayn in aan Salaadda u dheeraynayo cabsi aan geerida ka cabsanayo ...