Posts

Showing posts from May, 2026

Waxa aad tahay waxa aad aaminsantahay

Image
1-      Ha odhan ‘ Haa’ haddii aanad ku qanacsanayn oo raalli ku ahayn. 2-    Adigu waxa aad tahay celcelis dadka aad waqti la qaadatid ee inta badan ag joogtid. 3-    Caafimaadkaaga maalgeli: Cunto dheellitiran cun, hurdo wanaagsan seexo, jimicso, jidhkaaga ilaali, timaha iska jar- saamayntaas waxa aad dareemi doontaa marka aad da’ noqotid. 4-    Ku hammi in aad noqotid qofka ugu fiican 1% hal shay, ama noqo qof waxyaabo badan ku fiican 10%. 5-     Baro sidii aad si wanaagsan ugu dhisi lahayd fekradahaaga- haddaa xirfaddan baratid dadka waad saamayni. 6-    Samayso keyd dhaqaale oo aad isku hallayn kartid si aad fursad ugu heshid in aad khatar u badheedhi kartid 30 jirkaaga iyo 40 jirkaaga. 7-     Ha isku dayin in aad dadka oo dhan wada farxad gelisid, hana ka werwerin waxa dadka kale kaa aaminsanyihiin. 8-      Waxa aad sidoo kale la mid noqotaa celceliska warbaahin...

10 Caado oo kaa dhigi kara qof aan dareen ahaan RUXMIN ama ciirciirin

Image
   1-       Isdeji haddii aad ixtiraamdarro dareentid oo lagu bahdilo. 2-     Fuli waxa aad tidhaahdid waan fulinayaa, xataa haddii waxaas aanad jeclayn oo uuna ku cajabin. 3-     Kelidaa waqti qaado adiga oo aan cidlo ama kelinnimo dareemayn. 4-     Naftaada u sharraxin cidkasta. 5-      Jidhkaaga si joogto ah u tababbar oo u dhis. 6-     Draeennadaada ilaali oo xakamee inta ayna ku xakamayn. 7-      Ka fogoow oo iska ilaali buuqa, dhibaatooyin aan loo baahnayn, iyo jacayl been ah ba 8-       Dib u dhig dabbaaldegga iyo damaashaadka si aad u gaadhid guulo waawayn oo kale. 9-     Aqbal xanuunka ama dhibaatada adigoon noqon qof nacayb, cadho iyo cuqdadi hayso. 10-                         Naftaada ku kalsoono...

Sooyaalkii Cumar Carte Qaalib ( 1930-2020)

Image
  Hordhac Sannad buuro ah ayaa laga joogaa maalintii uu geeriyooday Alle ha u naxariistee halgamaa Cumar Carte Qaalib ( 1930-2020).    Maanta ayay ku beegantahay, hillaaddu waxa ay ahayd 18 Noofanbar, 2020kii. Cumar, waxa uu ahaa siyaasi ruugcaddaa ah, halgamaa muddo badan soo halgamayay, aqoonyahan aqoondhaadhi ah, iyo hoggaamiye ruuxi ah. Cumar, wanaagkasta iyo sifo kasta oo wanaagsan oo qof lagu sheego wuu lahaa. Waxa aynu ku qeexi karnaa; nin mabda’ lahaa, han sare lahaa, hoggaamiye saamayn leh, halgamaa, iyo oday ummadeed. Qoraalkan kooban waxa aan isku dayi doonaan inaan waxyar ka taabto ama ka sheego taariikhdii facawaynayd ee halgamaa Cumar. Ma soo koobi karo, mana dhammayn karo taariikhda iyo sooyaalka halgamaa Cumar. Balse, si kooban oo dulmar ah ayaan isku dayayaa inaan nuxurka idina la wadaago. Dhalashadii iyo Waxbarashadii Cumar   Cumar Carte Qaalib, waxa uu dhashay qiyaastii 1930kii. Waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa. Magaalada Hargeysa ayuu wax ka ...

8 Calaamadood oo muujinaya in shaqada aad haysaa dibudhac kugu tahay oo si tartiib tartiiba gadaal kuugu waddo

Image
  1-      In ka badan inta aad shaqo faraha ku haysid waxa aad fiirisaa saacadda: Inta aad shaqada ku jirtid waqtigu wuu kugu dheeryahay oo waxa ay kuula muuqataa shaqo aan weligeed dhammaanayn. Daqiiqadkastaa daal iyo culays bay kugu tahay. Markaa ma dhisanaysid mustaqbal shaqo ama xirfad, balse waxa ad u nooshahay sidii qof ciqaab xabsi daa’im ah ku jira. 2-    Niyaddaada ama qalbigaagu shaqadan wuu ka tagay waqti hore, balse kaliya jidhkaaga ayaa weli jooga : Waxaad soo kacaysaa adiga oo daallan — ma aha shaqo adag darteed, balse waxa aad iska dhigaysaa inaad danaynayso wax aan wax micne wayn kuu lahayn. 3-    Waxaad shaqooyin kale codsatay marar badan: Shaqooyinkaas badan ee aad codsatay waxa aad kala kulantay jawaab la’aan, diidmo, iyo in laguu  aamuso. Hadda waad iska joojisay isku daygii. Rajadii si tartiib ah ayay kaaga dhammaatay, dabadeed hal mar ayay gebi ahaanba u baxday. Waxaad aqbashay in tani ay tahay shaqadaada caadiga ...