Posts

Showing posts from October, 2022

Si Kooban Siirada/Taariikhda Nebi Muxammed SCW

Image
  Nebi Muxammed SCW wuxuu dhashay Bisha Rabiicul Awal, sannadkii 570kii. Wuxuu ku dhashay Maka. Aabbihii Cabdillaahi wuxuu dhintay isaga oo uurka hooyadii ku jira. Agoonnimo ayuu la kulmay yaraantiisii. Waxa naaska nuujiyay Xaliima-Sacdiya iyo Ummu Ayman. Miyi ayaa la geeyay, adhijire ayuu muddo ahaa. Hooyadii waxa ay dhimatay isaga oo 6 sano jir ah. Waxa kafaalaqaaday Awawgii Cabdimuddalib. Awawgiina waxa uu dhintay Nebiga 8 jir ah. Adeerkii Abuu Daalib ayaa Kafaalaqaaday, isaga ayuuna intii danbe ee noloshiisa la noolaa. Waxyar ka dib ganacsi ayuu bilaabay. Reer ayuu adhi u eegi jiray. Haddana gabadh ganacsi lahayd ayuu awrta u kaxayn jiray, oo u kala maamuli jiray. Muddo ayuu shaqadaas hayay. Gabadha uu shaqayn jiray waxa ay ahayd Khadiija. Ammaanadiisa ayay jeclaatay, ugu danbayna waxa ay u soo bandhigtay inay isguursadaan. Wayna isguursadeen Nebi Muxammed iyo Khadiija. Nebigu wuxuu ahaa 25 sano jir; Khadiijana 40 jir guur hore soo martay.Noloshii qoysnimo ayuu galay. Wuxuu ahaa qo

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Image
  Hordhac Buuggan waxa lagu magacaabaa “ A woman of Firsts ~ Gabadhii ugu horreysay.” Cinwaanhoosaadkiisu waa ‘ The Midwife who built A hospital and changed the world ~ Ummulisadii Cusbitaalka dhistay ee adduunyada baddeshay!” Waxa qortay Adna Aadan Ismaaciil. Adna, waa aasaasaha Dhaktarta Adan Aadan, iyo Jaamacadda Adna Aadan. Waxa ay soo noqotay Wasiirkii Arrimadaha debadda, iyo sidoo kale wasiirkii Arrimaha bulshada Soomaalilaan. Haddana waaa xubin ka mid an wadahadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Waxa ay isguursadeen, oo ay xaas u ahayd Madaxweynihii hore ee Soomaalilaan Maxammed Xaaji Ibraahin AHUN, sidoo kale Raysalwasaare ka noqday Soomaaliya waqtigii midawga. Waxa uu ka koobanyahay    257 bog. Waanna 17 Cutub oo xidhiidh ah. Waxa uu ka warramayaa taariikhnololeedka Adna Aadan.    Waxa aan isku dayayaa in aan gorfeeyo, oo meelaha qaar naqdiyo. Sidoo kale, nuxurka guud soo koobo. Nuxurka buugga Buugga intaanad gelin dhinaca hore ee XUQUUQDA buugga lagu qoro, waxa ay ku xusaysa

Sidee loo gaadhaa waxa aad jeceshahay?

Image
  Qofkasta wax ayuu rabaa. Waxa jira waxyaabo badan oo uu si gaara u jecelyahay. Qof wuxuu jecelyahay inuu ganacsiga meel wayn ka gaadho, qof kale waxa uu rabaa inuu horumar badan ka sameeyo waxbarashada, qof kale wuxuu doonayaa inuu lacag sameeyo. Haddaba arrinta muhiimka ahi waxa ay tahay maxaa qofka ka caawinaya inuu gaadho wuxuu jecelyahay? Sidoo kale, side qofku u gaadhayaa wuxuu rabo ama xiisaynayo? Si aad u gaadhid waxa aad rabtid, raac tilmaamahan: 1-        Qorshe yeelo Waxa aad samaysataa qorshe ku saabsan waxa aad rabtid in aad gaadhid, tusaale ahaan waxa aad doonaysaa in aad gaadhid arrin ah sidii aad ganacsi u abuuri lahayd. Marka hore iswayddii wax lacaga maxaad haysaa? Halkeed ka samaynaysaa ganacsiga? Maxaad rabtaa in aad ka ganacsatid? Maxaad iibin doontaa? Qiimayaasha?    IWM. Qorshe noocaas ah samayso. 2-        Hammi yeelo Hammigu waxkasta oo la gaadhayo waa waxyaabaha ugu waawayn. Hammigu wuxuu ka midyahay waxyaabaha dadka kala hormariyay. Qofka inta uu hammigiisu

Waxyaabaha sida joogta ah ay Milyaneerradu u sameeyaan aroortii

Image
7 dan qodob ayay Milyaneerradu sameeyaan aroortii: 1- Biyo cab: Shayga u horreeya ee ay sameeyaan waa inay biyo cabbaan, waayo biyuhu waxa ay keenaan in xubnuhu shaqeeyaan, waxayna qofka ka dhigaan inuu soo jeesto oo noqdo qof baraarugsan. 2- Ka fogoow Moobilka: Shayga ugu xun ee aad aroortii marka aad soo kacdid samayn kartaa waxa weeyaan in aad Mobilkaaga furtid oo wadwaddid. Waa in aan Moobilka iska fogaynaa oo ugu yaraan 30 daqiiqo ee ugu horreeya marka aan soo kacno waa in aynaan isticmaalin. 3- Cibaado: Cibaadadu waa shay qaaliya oo qofku noloshiisa ku bilaabi doono. 4- Jimicsi: Aroortii marka aad soo kacdid waxoogaa yara jimicso. 5- Akhris: Ugu yaraan 20 daqiiqo akhri waxyaabo ku dhiirrigeliya oo tamar kuu noqda. 6- Deji qorshayaashii maalintaada: Waa in qorataa dhammaan waxyaabihii aad qaban lahayd maalintaada. 7- Inta aanad waxba cunin soo maydho: Dadka qaar way qureecdaan iyaga oo aan qureecan, balse waqti badan ayay qureecda ku qaataan ka dibna waqtiga ayaa ka dhaca iyaga oo

Qiso Jaceyl

Image
  Wax mardhawayd aan Cod ahaan ku maqlay sheeko dhexmartay   laba qof oo xidhiidh haasaawe ka dhexeeyay. Labaduba Qurbaha ayay ku noolaayeen, meelood oo kala durugsan ayay ku kala noolaayeen. Ninku wuxuu ahaa doob; inantuna waxa ay haysataa garoob 1 ilmo haysata. Ninkii ayaa doonay inuu gabadha magaaladeeda ku booqdo. Mooyi in ay isku ogaayeen in uu booqdo iyo inuu kedis kaga dhigayay, iyo inay iyadu diidday bee wuu u tegay.   Gaadhi buu kaxaystay, 300Km ayuu darteed u socday. Markii uu magaaladii tegay ayuu wacay, way ka qaban wayday. Inta jeer ee uu wacay ayuu wiilkii soo dhigay Youtube ka oo illaa 20 jeer way ka badnayd. Gabadhi way la meeraysatay. Cod buu u duubay, wuxuuna u sheegay inuu magaaladeedii yimid. Mardanbe ayay cod u soo duubtay waxa ayna ku tidhi: “ Anigu dadka lama kulmo, la ima helo, marka aan magaaladayda joogo weji ma lihi, yaa ku yidhi imo, maxaad iga soo doontay, maad iska imanaysaa uun…’ Iyo hadallo badan oo kale oo yaraysi, bahdilaad IWM ah. Ninkii dhawr cisho

Maalgelinta Nafta

Image
  Inta badan marka aynu maalgelin maqalno waxa maskaxdeenna ku soo dhaca maalgelinta la xidhiidha lacagta, ganacsiga, dhulka IWM. Ka soomaali ahaan maalgelin in aynu dhinaca nafta u qaadno waa yara ugub. Caalam ahaan, iyo eraybixin ahaan marka la sheegaba maalgelintu ma aha ta lacagaha iyo hantida muuqata la xidhiidha, ta ugu qaalisani waa maalgelinta nafta. Maalgelin la sheego waxa ugu manfac badan, uguna faa’ido iyo raandhiis badan maagelinta nafta. Qofku halkii uu ganacsi ama wax kale ka maalgashan lahaa waxa kun jeer uga faa’ido badan inuu naftiisa maalgashado. Sabab? Sababtu waxa weeyaan maalgelinta naftu waa mid aan qofka ka hadhin lagana xadi karin, balse haddii tusaale ahaan qofku ganacsi samaysto waxa suurtagala in lacagtii ganacsiga uu ka samaystay ka baabba’do, ganacsigiina ka kaco, balse qofka naftiisa wax geliya wax anftiisa uu geliyay ee maalgashi ah sida aqoon iyo xirfad ma kacaan, oo arki maysid aqoon la leeyahay way kacday sidii ganacsiga. Dhinac kale aan kaa tuso; tus