Waxyaabaha sida joogta ah ay Milyaneerradu u sameeyaan aroortii

7 dan qodob ayay Milyaneerradu sameeyaan aroortii:

1- Biyo cab: Shayga u horreeya ee ay sameeyaan waa inay biyo cabbaan, waayo biyuhu waxa ay keenaan in xubnuhu shaqeeyaan, waxayna qofka ka dhigaan inuu soo jeesto oo noqdo qof baraarugsan.
2- Ka fogoow Moobilka: Shayga ugu xun ee aad aroortii marka aad soo kacdid samayn kartaa waxa weeyaan in aad Mobilkaaga furtid oo wadwaddid. Waa in aan Moobilka iska fogaynaa oo ugu yaraan 30 daqiiqo ee ugu horreeya marka aan soo kacno waa in aynaan isticmaalin.
3- Cibaado: Cibaadadu waa shay qaaliya oo qofku noloshiisa ku bilaabi doono.
4- Jimicsi: Aroortii marka aad soo kacdid waxoogaa yara jimicso.
5- Akhris: Ugu yaraan 20 daqiiqo akhri waxyaabo ku dhiirrigeliya oo tamar kuu noqda.
6- Deji qorshayaashii maalintaada: Waa in qorataa dhammaan waxyaabihii aad qaban lahayd maalintaada.
7- Inta aanad waxba cunin soo maydho: Dadka qaar way qureecdaan iyaga oo aan qureecan, balse waqti badan ayay qureecda ku qaataan ka dibna waqtiga ayaa ka dhaca iyaga oo aan maydhan, markaa maydhashada horraysii.

W/Q: Philosophy Follows ( Twitter).
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere 

Oktoobar 21, 2022. 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?