Qiso Jaceyl

 


Wax mardhawayd aan Cod ahaan ku maqlay sheeko dhexmartay  laba qof oo xidhiidh haasaawe ka dhexeeyay. Labaduba Qurbaha ayay ku noolaayeen, meelood oo kala durugsan ayay ku kala noolaayeen. Ninku wuxuu ahaa doob; inantuna waxa ay haysataa garoob 1 ilmo haysata. Ninkii ayaa doonay inuu gabadha magaaladeeda ku booqdo. Mooyi in ay isku ogaayeen in uu booqdo iyo inuu kedis kaga dhigayay, iyo inay iyadu diidday bee wuu u tegay.

 Gaadhi buu kaxaystay, 300Km ayuu darteed u socday. Markii uu magaaladii tegay ayuu wacay, way ka qaban wayday. Inta jeer ee uu wacay ayuu wiilkii soo dhigay Youtube ka oo illaa 20 jeer way ka badnayd. Gabadhi way la meeraysatay. Cod buu u duubay, wuxuuna u sheegay inuu magaaladeedii yimid. Mardanbe ayay cod u soo duubtay waxa ayna ku tidhi: “ Anigu dadka lama kulmo, la ima helo, marka aan magaaladayda joogo weji ma lihi, yaa ku yidhi imo, maxaad iga soo doontay, maad iska imanaysaa uun…’ Iyo hadallo badan oo kale oo yaraysi, bahdilaad IWM ah. Ninkii dhawr cisho ayuu magaaladii inantu degganayd sii joogay, qarashkii baa ka dhammaaday. Inankii baa haddana ku yidhi: ‘ Kharash baa iga dhammaadee lacag yar iisoo dir.’ Inantii baa cod u duubtay oo tidhi: “ Adiga oo aan waxba haysan baad iska imanaysaa, saw laguma soo talagalo, maxaad soo doontay, weji ma lihi.”

Ujeeddada aan qisada u soo qaatay waxa weeyaan dhawrkan qodob:

1-     In qofku iska sii ogaado qofka uu la haasaawayaa nooca uu yahay.

2-   In qofku ogaado qofka uu isku hallaynayo ee magaalo kale ku booqanayo.

3-   In qofku naftiisa ixtiraamo, waayo haddii isagu is ixtiraami waayo cidi ma ixtiraamayso oo wiilkaasi naftiisa ma ixtiraamin, markaa gabadhiina ma ixtiraamin.

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?