Maalgelinta Nafta

 


Inta badan marka aynu maalgelin maqalno waxa maskaxdeenna ku soo dhaca maalgelinta la xidhiidha lacagta, ganacsiga, dhulka IWM. Ka soomaali ahaan maalgelin in aynu dhinaca nafta u qaadno waa yara ugub. Caalam ahaan, iyo eraybixin ahaan marka la sheegaba maalgelintu ma aha ta lacagaha iyo hantida muuqata la xidhiidha, ta ugu qaalisani waa maalgelinta nafta.

Maalgelin la sheego waxa ugu manfac badan, uguna faa’ido iyo raandhiis badan maagelinta nafta. Qofku halkii uu ganacsi ama wax kale ka maalgashan lahaa waxa kun jeer uga faa’ido badan inuu naftiisa maalgashado. Sabab? Sababtu waxa weeyaan maalgelinta naftu waa mid aan qofka ka hadhin lagana xadi karin, balse haddii tusaale ahaan qofku ganacsi samaysto waxa suurtagala in lacagtii ganacsiga uu ka samaystay ka baabba’do, ganacsigiina ka kaco, balse qofka naftiisa wax geliya wax anftiisa uu geliyay ee maalgashi ah sida aqoon iyo xirfad ma kacaan, oo arki maysid aqoon la leeyahay way kacday sidii ganacsiga.

Dhinac kale aan kaa tuso; tusaale ahaan adiga oo Maxamed ah iyo saaxiibkaa Cali ayaa saaxiibbo ah. Adiga oo Maxamed ahi sannadkii 2021 ayaad meel xirfad lagu barto gashay, waxa aad baratay sida laydhka loogu shaqaysto ( Electricity), sida cilladda laydhka loo saaro, sida loo geliyo IWM. Saaxiibkaa, Calina wuxuu sannadkaas samaystay tukaan yar, sannadkiiba tukaankii ayuu ka shaqaynayay, tukaanku inuu sannadkaas isbixiyo mooyee wax kale ma soo kordhin. Ka dib adiga oo Maxamed ahi waxa aad isku dayday in aad xirfaddaadii ku shaqaysid, shirkad Koronto ayaad xirfaddaadii uga shaqo bilowday, saaxiibkaana Calina tukaankii ayuu ka shaqeeyaa. Ka soo qaad Cali Tukaankii ayaa ka kacay oo sicirbararka, iyo suuqxumada ayaa saamaysay. Lacag wuxuu hayay tukaanka ayuu geliyay, tukaankiina wakaas kacay. Bal haddaba muddadaas sannadka ah maalgelintii aad labadiinnuba  ( Maxamed iyo Cali) kee ka faa’iday? Cali isagu ganacsi buu maalgashaday, ganacsigiina wuu kacay oo faramadhnaan ayuu ka joogaa, wax lacag ahna ma hayo, xirfadna ma baran, ta ugu daran waa in waqti ka lumay. Maxamed isagu sannadkaas 2021 xirfad buu bartay, oo naftiisa ayuu maalgashay, haddii waxkastaa dhacaan isagu xirfaddiisa wuu yaqaan, kolba meeshii dani keentana wuu ugu shaqo tegi karaa.

Halkaas waxa innooga cad in maalgelinta naftu waxkasta ka qaalisantahay. Dadkeennu inta badan qofka naftiisa dhisiddeeda waqti geliya waxa ay u arkaan qof waqtiga iska luminaya oo aan wax faa’ido ah soo kordhinayn. Balse, xaqiiqadu waxa ay tahay in qofka faa’idada ugu wayn helayaa inuu yahay qofka naftiisa maalgashada.

Sideed naftaada u maalgashan kartaa?

 

Waxa muhiim ah in aynu ogaanno qofku qaababka kala duwan ee naftiisa u maalgashan karo. Qodobbadan soo socda ayaad naftaada u maalgashan kartaa:

1-     Akhriska

Qaabka aad naftaada ku maalgelin karto waxa ugu wayn waxa ka mid ah in aad wax akhridid. Waxa aad akhriyaysid waxyaabo kala duwan ayay noqon karaan, sida waxyaabaha maskaxdaada kobcinaya.

2-    Waxbarashada ha joojin

Waxbarashadu waa furaha waxyaabo. Qofku inuu waxbarto oo kolba wax cusub bartaa inay wax u kordhiso mooyee waxba kama dhinto. Markaa ku dadaal in aad waxbaratid, oo ugu yaraan jaamacad dhigatid.

3-    Baro xirfadaha ku caawinaya

Baro xirfadaha ku caawinaya in aad shaqo heshid. Xirfadahaas waxa aan ku xusi karaa: Xirfadda qoraalka,Xirfadda barashada Kombuyuutarka, xirfadda shabakadda xidhiidhka bulshada, barashada luuqadaha, barashada hadalka wanaagsan IWM. Waax xirfado qofka caawin kara.

4-    Xidhiidhka aad bulshada la leedahay kordhi

 Xidhiidhka qofku la leeyahay guud ahaan bulshada, gaar ahaanna cidda ay isku bahda yihiin ee isku wax wada barteen waa muhiim inuu kordhiyaa. Qofku waa inuu shabakadda xidhiidhkiisa badiyaa oo cidda ay isku wax soo barteen ama isku shaqo noqon karaan xidhiidh badan la yeeshaa. 

5-    Baro Luuqadaha

 In qofku luuqadaha si fiican u bartaa waxa ay keeni kartaa inuu si fudud shaqo u helo. Marka aynu luuqadaha leennahay waxa aynu u jeednaa luuqadda dalka uu qofku joogo lagaga hadlo, iyo luuqadda dalkaasi u ah luuqadda koowaad, iyo luuqadda wax lagu qoro ama wax la isku dhaafsado IWM. Barashada luuqadda waxa aynu ka wadnaa in qofku barto qoraalka toolmoon ee luuqadda, ku hadalkeeda iyo waxkasta oo luuqadda kaga xidhma.

6-    Ku biir Urur Wax akhris ama Mid Bulsho

In qofku urur wax akhris ama mid dan kale lagaga shaqaynayo ku biiraa waxa ay dhaxalsiisaa inuu xog badan hantiyo. Gaar ahaan waxa mudnaan leh ururrada ku saabsan akhriska, buugta, aragtiyaha IWM. Waayo, goobtaas inta badan waxa lagu faaqidayaa aragti, buug, taariikh, ama wax la mid ah. Qofka waxa ay carinaysaa maskaxdiisa, waxayna ku abuuraysaa inuu dhiirrado oo isaguna wax cusub la yimaaddo. Ta ugu wayn ee ay keenaysaa waa in qofka aqoontiisa guud kobocdo oo qaaradaha ka tallawdo.

7-     La Soco Xogaha Degdegga ah

Waxa jira xogo degdeg ah oo ku saabsan waxyaabaha aad xiisaysid. Tusaale ahaan, waxa jira war ku saabsan siyaasadda aad xiisaysid. Ka warhay oo maalinle warkaas ula soco. Sida aad waxyaabahaas ku heli kartid waxa ka mid ah inaad ku xidhantid mareegaha, Bogagga, ama goobaha kale ee la soo geliyo. Inaad meelahaas ku xidhnaatid waxa ay keenaysaa in aqoontaada guud korodho.

8-   Daryeel caafimaadkaaga

Caafimaadka jidhkaaga ilaali, oo jimicsi samee. Sidoo kale ka warhay caafimaadkaaga oo la soco kolba halka uu marayo.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

13 Sibtanbar, 2022.

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?