Sidee loo gaadhaa waxa aad jeceshahay?

 

Qofkasta wax ayuu rabaa. Waxa jira waxyaabo badan oo uu si gaara u jecelyahay. Qof wuxuu jecelyahay inuu ganacsiga meel wayn ka gaadho, qof kale waxa uu rabaa inuu horumar badan ka sameeyo waxbarashada, qof kale wuxuu doonayaa inuu lacag sameeyo. Haddaba arrinta muhiimka ahi waxa ay tahay maxaa qofka ka caawinaya inuu gaadho wuxuu jecelyahay? Sidoo kale, side qofku u gaadhayaa wuxuu rabo ama xiisaynayo?

Si aad u gaadhid waxa aad rabtid, raac tilmaamahan:

1-      Qorshe yeelo

Waxa aad samaysataa qorshe ku saabsan waxa aad rabtid in aad gaadhid, tusaale ahaan waxa aad doonaysaa in aad gaadhid arrin ah sidii aad ganacsi u abuuri lahayd. Marka hore iswayddii wax lacaga maxaad haysaa? Halkeed ka samaynaysaa ganacsiga? Maxaad rabtaa in aad ka ganacsatid? Maxaad iibin doontaa? Qiimayaasha?  IWM. Qorshe noocaas ah samayso.

2-      Hammi yeelo

Hammigu waxkasta oo la gaadhayo waa waxyaabaha ugu waawayn. Hammigu wuxuu ka midyahay waxyaabaha dadka kala hormariyay. Qofka inta uu hammigiisu leegyahay ayay guushiisuna leekaanaysaa.

3-      Dadaal

Dadaalku waa waxa ay guulaytayaasha iyo guuldarraystayaashu isku dhaafaan. Waxkasta oo qofku samaynayo ama uu gaadhayaaba wuxuu u baahanyahay dadaal. Carabtu waxa ay tidhaahdaa ‘ Dadaalku wuxuu furnaa albaabo xidhnaa.’

4-      Samir

Qofku marka uu hawl qabanayo caqabado badan buu la kulmayaa. Caqabadkastaa waxa ay rabtaa Samir, haddii kale qofku ma gaadhayo wuxuu doonayay. Tusaale ahaan, haddii aad rabtid in aad shay samaysid, ka dibna ay caqadi kaa hortimaaddo, ka dibna aad u adkaysan waydid, ma gaadhaysid hadafkaagii.

 MUUQAAL ahaan halkan ka daawo: 5Qodob oo kaa caawinaya inaad Yoolkaaga gaadhid|Sidee Yoolkaaga u Gaadhi?: How to Achieve your Goal? - YouTube

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

15 Sibtanbar, 2022.

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?