Xasuus Habeeneed
Mufakarkii waynaa ee Cali Shariicati wuxuu yidhi: " Saaxiibkay ayaan ku idhi ' Muxuu Diigiinu la qaylyi waayay?' Wuxuu yidhi ' Jaarka ayaa ka soo cawday oo uu hurdada ka toosin jiray aroortii, ka dibna waan gawracnay.' ..."
Ustaad Cali Shariicati qisadan gaaban ee macnaha leh wuxuu ku ladhay
murti, wuxuuna yidhi: ' Halkan waxa aan ka fahmay sida aan ku
aragno sooyaalka taariikheed ee soo taxnaa in dadku ciddii hurdada
wacan ee ay ku jiraan ka toosisa madaxa ka jaraan. Maantana waxa jira dad
madaxa ka jaraya cidda ku qaylida ee isku dayda in ay ka toosiso hurdada wayn
ee ay ku jiraan. Dadkeenna hadda noolna aad bay u hadalhayaan magaca Digaaga,
aad na way u iibsadaan. Qofna ma xuso oo ma sheego magaca Diiga. Dadku waxa ay
aad u jecelyihiin waxa ay cunaan ee caloosha ku buuxiyaan, kamana fekeraan
waxyaabaha kor u qaadaya caqliyadooda iyo afkaartooda.
Waxa aan leeyahay: ' Haddii aad rabtid in aad noolaatid waqti dheer ha noqon
Diig, balse noqo Digaagad. Balse, niyadda ku hay in maalin maalmaha soo socda
ka mid ah aad cunto u noqon doontid mid ka mid ah kelitaliyayaasha qooqan.
Balse, Diigu taariikhda ayuu geli doonaa- xataa muddo dheer ka dib ba ha
ahaatee.
Wuxuu Winston Cherill yidhi: " Dadka dib usoo labakacleeyay ee kacay
markii ay guuldarraysteen ka dib may baddelin lugahoodii; balse waxa ay
baddeleen habfekerkoodii. Dadku intooda badan waxa ay ka fekeraan in ay
baddelaan hannaanka isbeddelka loo samaynayo. Dadka ilbaxa ahi waxa ay
baddelaan habfekerkoodii ku aaddanaa arrintaas. Halkan ayayna ka bilaabanta
shaqada isbeddelku."
Faylasuufkii Soomaaliyeed ee waynaa Sayid Hadraawi wuxuu yidhi: " Dadka
ayaa beera kaliyayaasha, waxayna ku beeraan inay u sacabbiyaan, addeecaan oo
ayna waxba ku diidin.... Gar maqaatayaashiyo dadkaa beera ruuxa
gudhane." Markasta oo dadka la cabsi geliyo, waxa la arkaa
cid la dhacsan oo taageersan. Waxaana sii bata keliyayaasha.
Waxa jira Faylasuuf Soomaaliyeed oo arrintan ka sameeyay isla xisaabeed oo
cajiiba. Shacab+ isdullayn+ cabsi: Kelitalisnimo. kelitalisnimadu waa xiisad,
maaha wax qof kaliya ku eeg, mana aha xaddaarad ama nidaam kaliya.Bulsho kastaa
iyadaa samaysata hoggaankeeda, nidaamkastaana isagaa yeesha shacabkiisa. Dooddu
waxa ay u dhexaysaa nidaamka iyo shacabka.
Waxa aan leeyahay, taasi waxa ay ku caddahay Kitaabka Quraanka oo Alle wuxuu
yidhi: ' ( فاستخف قومه فأطاعوه ، إنهم كانوا قوما فاسقين ). Kitaabka Alle waxa
ku xusan shaacsanaha kelitalisnimada sida ku cad aayaddan. Halkan waxa muuqata
in nidaamka la yaraystay, daacadnimada dhabta ahina waxa ay ka timid shacabka.
Sababtuna waxa weeyaan in dhammaantood ay ku noolaayeen faasiqnimo siyaasadeed
iyo mid diineed ba. Tanina waa dhibaatada ka soo shaacbaxday bulshooyinkan
siyaasad ahaan xumaaday. Halka shucuubta taagta daran sabab la'aan ay ugu hoos noolyihiin
kelitaliyayaal.
Bulshooyinkanooli way diidaan dullaynta, waxayna usoo baxaan waddooyinka iyaga oo leh 'Maya.' Sidaas darteed ayaynu maanta bulshooyinka Reer Galbeedka ugu aragnaa
iyaga oo iskugu soo baxaya sidii ay u taageeri lahaayeen shucuubta daciifka ah
ee jilicda san. Halka shucuubta taagta daran sabab la'aan ay ugu hoos noolyihiin kelitaliyayaal.
W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir.
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
Comments
Post a Comment