10 Xaqiiqo oo ku saabsan Lamafilaannada iyo Layaabbada Waqti Xaadirkan!
1-
Waxaan arkay dadka waqtigeennan jooga, kuwaas oo
noloshooda ka dhigtay nolol is rogrogid
iyo isbed’baddel joogto ah ku jirta, qiyamka ku adkaysigiisu wuxuu
noqday wax maskax ahaan loo neceb yahay oo nijaaso ah, halka qofkii Muslimka
ahaa ee hore ugu dagaallami jiray fekrad iyo mabda’ dadkana ku boorrin jiray, hadda
wuxuu si ceeb la’aan ah ugu baaqaa qabyaalad, xitaa carruurtiisana wuu ku
barbaariyaa qabyaaladda, isagoo ku dhiirrigelinaya in ay qabyaalad darteed
dadka ku jeclaadaan, uguna gargaaraan jacaylkeeda iyo u hiilinteeda- xataa
haddii ay ka hor imanayso mabda’ooga. Ma aha wax lala yaabo isbeddelka ku dhacay
dadka qaar ka mid ah dadka waqtigan nool, balse yaabka ugu weyn wuxuu yimaadaa
marka la arko dadka culus ee ku adkaysta mabaadi’dooda, markaasna la
isweydiiyo: Sidee dadkani ugu adkaysteen mabda’yadooda? Maanta, dadka u muujiya
dabacsanaan laga muujiyo diinta iyo fekerka waxaa loo arkaa xirfad yo caqli,
halka ay shalay ahaan jirtay
munaafaqnimo. Waxa keenay kala duwanaanshaha waqtiga iyo isbeddelka xaaladaha. Waxa
aan hore u arki jirnay dad u dagaallami jiray si ay innoogu sheegaan: In ay
xaaraan tahay in la galo albaabbada siyaasiyiinta. Balse, maanta waxaan
arkaynaa iyaga oo si xad’dhaaf ah ugu dadaalaya u dhowaanshahooda iyaga oo ku
doodaya in ka fogaanshahooduna yahay fidno. Alle dadkiisa wuu ka warhayaa.
2-
Waxa aan
aragnaa dadka oo u jeesta camalka wanaagsan bisha barakaysan ee Ramadaan, iyo
tobanka hore ee Bisha Dulxija- kuna tartama cibaadada iyo gudashadeeda- iyaga
oo ictikaafa, Xajiya oo soo cimraysta sannado badan. Balse, raadkii cibaadadu
muddo dheer kama sii muuqdo, waxa aan iswayddiiyay: Waa maxay sababtu? Waxa aan
arkay in dadku intooda badan cibaadada u sameeyaan uun cibaado ahaan, balse
ayna wax kale u dheerayn.
3-
Waxaan arkay dadka oo jeclaanaya dhageysiga
wacdiga iyo hannuuninta- ducaaddana dooranaya ama jeclaanaya ka codkiisu
dheeryahay, wayna soo xaadiraan Muxaadarooyinka markasta oo Daaciga jeedinayaa u
dhawaado dhinaca caaddifadda, meelkastana way uga yimaaddaan muxaadarooyinkaas.
Inkasta oo ay dadku dalbadaan muxaadarooyin badan, haddana markii aan u
kuurgalay waxa aan ogaaday in saamaynta wacdigaas ee dhinaca waaqica noloshu in
uu yaryahay. Markaas ayaan naftayda wayddiiyay: Maxaa arrintan sababay? Waxa
iisoo baxday in dadku u jecelyihiin hadallada Ducaadda si la mid ah sida ay u
jecelyihiin hooballlada heesa, fannaaniinta, iyo abwaannada gabya oo kale.
Dadkaasi dhab ahaan waxa ay u hammuun qabaan ama u oommanyihiin Diinta, balse
ma fahmayaan in Diintu tahay mashruuca dhan ee noloshaba, balse ayna ahayn
wacdi iyo waano keliya. Marlabaad ayaan aniga oo murugaysan iswayddiiyay: Yaa
ka mas’uul ah hoos-u-dhaca fekerka iyo garaadka ee ku dhacay ummadda? Ma aanan
ka labalabeyn inaan qirto in dhibaatadu ku jirto hadalka wacdiyayaasha, kaas oo
ka madhan nuxur feker iyo aqoon ba, kuna mashquulsan arrimo muuqaalka sare uun
ah oo aan nuxur lahayn.
4-
Waxaan arkay Muslimiinta ku
nool dalalka Reer Galbeedka iyaga oo ka cabsi qaba inay ku milmaan bulshooyinka
halkaas ka jira, waxayna wax iska wayddiiyaan mustaqbalka carruurtooda iyo kuwa
ay sii dhali doonaan ee awawga u noqon doonaan. Balse, gabi
ahaanba ma raadinayaan xalal ku saabsan dhibaatada haysata, mana diyaariyaan
qorshe guud oo badbaadinaya jiilasha mustaqbalka. Waxaan nafteyda ku weydiiyay
su’aal ah: Maxay u raadin waayaan xalka dhibaatada, halkii ay ka hadli
lahaayeen cabsi joogto ah oo aan dhammaad lahayn? Waxa
aan ogaaday intii aan ugu dambeeyay joogay Kanada iyo Maraykanka in
bulshooyinka Muslimiinta ee u hayaamay Galbeedka ay ka maqan yihiin fahamka
dhabta ah ee cilmiga bulshada, sidoo kale ma jiraan dadaallo ku saabsan mashruuc
hufan oo dhaqameed/taariikhi ah oo loogu talagalay in umadda laga badbaadiyo
isku milmidda, lumidda aqoonsiga jiilasha danbe. Sababta oo ah dadkani waxa ay
ay u yimaaddeen Galbeedka iyaga oo aan weli garanayn sababta ay halkan u
yimaaddeen? Ma waxa ay doonayaan in ay Muslimiin ahaan ku sii noolaadaan
Galbeedka? Mise waxay rabaan in ay weligood ba ku noolaadaan waddamadan
galbeedka?
5-
Xilligan
la joogo marka ay noqoto dhinaca horumarka- waxa aan ogaaday in bulshadu u
qaybsamaan laba qaybood:
-
Qayb aan lahayn aqoonsi lagu garto oo bilaa aqoonsi
ah. Qofkaasi ma rabo feker, iyo mashruuc
midna. Waa qof madhan oo aan macne lahayn. Xataa haddii uu haysto aqoonsi iyo doorasho
wuxuu u janjeedhaa damacyada iyo doonista dadka kale.
-
Qayb
leh aqoonsi cayiman, kuwaasina waxa ay leeyihiin noocyo iyo qaybo. Qaarkood
waxa ay iskaga midyihiin oo isku aqoonsadaan arrin dhalasho ahaan ( qabiil baa
xidhiidhiya), noocani wuxuu u dhawaynayaa inay leeyihiin astaamo xayawaan oo
kale. Dadku inay qabiil isku aqoonsadaan waxa ay u arkaan sarrayn iyo sharaf.
Waxa kale oo jira dad isku aqoonsada deegaan ahaan ( Waddan baa xidhiidhiya),
meesha uu degganyahay wuxuu u arkayaa inay meelaha kale ka fiicantahay, taana
wuxuu u malaynayaa sarrayn iyo korrayn. Waxa kale oo ka mid ah dad isku
aqoonsada ama isku garta taariikh keliya ( tusaale ahaan fekerka Salafiya),
isku aqoonsigaasna waxa ay u arkaan soojireen iyo sharaf. Waxa jira dad isku
aqoonsada wax taariikh iyo deegaan gaara ka madaxbannaan ( Tusaale ahaan
Cilmaaniyadda), waxayna taas u arkaan horumar iyo horusocod. Arrinta ugu
layaabka badan waxa weeyaan qofka iska gala caalamka is aqoonsiga isaga oo aan
wacyi lahayn waxa loo yaqaan inuu yahay qof aan aqoonsi lahayn ( Tusaale ahaan
Selafiya Jadiidiya). Qaar ka mid ah
dadka waxay ku ku jiraan dhaqdhaqaaqyo ama ururo siyaasadeed/fikradeed xilli ay
dhaqdhaqaaqyadu liitaan, waxayna u arkaan taas inay tahay tayo iyo gaar
ahaansho. Qaar kalena waxay dadka ula dhaqmaan hal waji, laakiin madaxda ama
xukuumadda waxa ay kula dhaqmaan waji kale, taas oo u muuqata inay tahay arrin
ilbaxnimo bulsho ah.
Markii aan u fiirsaday ee
baadhay, waxa aan xaqiiqsaday in aqoonsigu yahay dabiici ah, Diini ah, iyo dhaqan- isla markaana uu yahay lagama
maarmaan ah. Aqoonsiga qabiilka ama dalka waa dabiici, laakiin ma gaadhayo
heerka ugu wanaagsan ee bani’aadamnimada; aqoonsiga taariikhiga ah waa muhiim,
balse maaha meesha ugu dambeysa ee taariikhda ama horumarka. Waqtigu uma
joogsado hal khibrad ama dhacdo gaar ah; aqoonsiga fekera iyo diintu waa
dabiici, waana lagama maarmaan, isla markaana waa diinta dhabta ah, waana tan
ugu muhiimsan uguna wanaagsan. Dadka waaweyn ee xilligan waxay fahmeen
macnahan, sidaa darteed waxaan aragnaa in qaar ka mid ah dadka casriga ah ay
aqoonsi feker iyo diineed u leeyihiin halkii ay ka ahaan lahaayeen ku
tiirsanaanta qabiil, taas oo hadda noqotay caqabad weyn oo hortaagan horumarka
Afrika iyo adduunka Carabta.
6-
Waxaan
khibrad ahaan arkay in ay dhib badan tahay in lagu dhex noolaado dad aan
waxbarasho lahayn; sidoo kale waa niyadjab weyn in qofka aqoonta leh iyo
fahamka dheer lihi uu la noolaado dadka aan waxbarashada lahayn. Qofka aqoonta
leh wuxuu ku jiraa “doox” gaar ah oo wacyigiisu firfircoon yahay, halka dadka
aan waxbarashada lahayn ay ku jiraan “doox kale” oo jahli wayn leh. Markuu ka
hadlo feker ama cilmiga guud waxa ay kala doodaan fiqiga. Markuu qofku si qoto
dheer u galo arrimaha fiqiga, usuusha iyo qawaacidda Fiqiga, waxa ay ula
wareegaan oo la aadaan sheekooyin iyo waano- halkii ay ka geli lahaayeen dood
cilmiyeed oo qoto dheer. Haddii uu ka hadlo mustaqbalka
iyo sidii loo waajihi lahaa waxa ay ku celinayaan fekerkii hore ee waayihii
tagay. Haddii uu soo bandhigo fekrado cusub oo ka dhashay cilmibaadhistiisa uu
ku sameeyo geeddisocodka iyo habdhaqanka bulshada, una sheego halista
marxaladda hadda taagan waxa ay si degdeg ah ugu jawaabaan iyaga oo leh: “
Maxaad adigu uga hadlaysaa wax aan la arki karin oo maqan (Qaybka)?” Waxayna si
jaahilnimo ah ugu eedeeyaan gaalnimo iyo bidco. Haddii uu kala hadlo feker istaraatiijiyadeed
iyo qorshe fog, iyagu waxa ay u beddelaan doodda colaad sokeeye iyo dagaallo
macno la’aan ah. Isagu wuxuu la jooga dood ku saabsan arrin masiiri ah oo
go’aaminaysa mustaqbalka, iyaguna waxa ay ku jiraan muranno yaryar oo aan waxba
ka beddelayn xaaladda.
Waxaan ka maqlay waxgaradka dalkeenna in nin weyn oo
deegaankeenna ka mid ahaa uu mar Alle baryay isaga oo leh: “ Ilaahayoow,
dadkayga sii garasho iyo aragti si ay u fahmaan waxa aan arko, ama aniga iga
qaad adduunkan oo ii gee Aakhiro si aan uga nasto.” Ducadan darteed ayuu noqday
tusaale qof wax arka (feker iyo garasho leh) marka uu ku dhex nool yahay dad
aan aragti iyo faham toona lahayn. Haddaba maxaa la filan karaa marka qofka
aqoonta leh (musaqafka ahi) uu culays ama caqabad ku noqdo geeddisocodka
taariikhda?
Waxa aan Faysbuugga ku arkay dhalinyaro badan oo ku
tartamaysa dhaliil iyo is-eedayn ah shakhsiya (aan cilmi ku dhisnayn) kuma na arag
dhaliil ujeeddo muuqata leh. Sidaas awgeed waxa aan ogaaday in nidaamka
tarbiyada iyo waxbarashadu uu yahay sababta ugu weyn ee samaysay ama abuurtay
maskaxdan Faysbuuga la caqliga ah iyo guud ahaan Baraha Bulshada. Sidoo kale,
waxa aan arkay in inta badan qoraallada Carabiga ku qoraan luuqad liitada,
sidoo kale luuqadaha kale ee caalamiga ahina way cabanayaan oo xadgudub dhinaca
qoraalka ah ayay ka cabanayaan. Sidaa darteed waxa aan jeclaan lahaa in dhallinyaradu
dib u eegaan qoraalkooda ka hor inta aysan daabicin. Waayo, qoraallada qaarkood
waxa ay sababi karaan inuu lumo dhaxalkii naxwaha iyo af Carabiga ee uu Siibawayhi
astaanta u ahaa.
7-
Waxa aan la fadhiistay dad si aan uga la hadlo
ama ugala doodo arrimaha waddanka, balse waxa aan ogaaday in inta badan ayna
dadku kala saarin waddanka iyo Madaxwaynaha. Sidaas darteed, ma
rabaan xorriyad dhab ah oo waddanka u wada dhanyahay, waayo iyagu hore ayay uga
faa’iideysteen xorriyadda ka jirta dalalka shisheeye- sida kalitaliyayaashu uga
faa’idaysteen dalka gudihiisa. Sidaa darteed dhibaatada gudaha dalka ka jirta
ayay ka faa’idaystaan si ay faa’ido dhaqaale u helaan. Waxa ayna ka
faa’iideystaan xorriyadaha ka jira dalalka dibadda si ay carruurtooda ugu
helaan waxbarasho wanaagsan iyo daryeel caafimaad oo fiican. Dadka noocana ee
sidan samaynaya kama qarsoona inay burburinayaan mustaqbalka waddanka iyo
jiilalka soo socda.
8-
Waxa aan arkay dad kala saaraya diinta iyo
siyaasadda, ka dib markii ay ku fashilmeen inay labadaba isku wadaan. Marka uu
ka hadlayo fekerro waawayn oo culclus oo
xidhiidh la leh Diinta iyo Siyaasadda qofku wuxuu ku odhanayaa ‘ Annagu keliya
waxa aan xooga saaraynaa oo ka doodaynaa dhinaca Diinta, dhinaca siyaasaddu
nama khusayso. Sababtu uu sidaas u samaynayaa waxa weeyaan in
uu ku fashilmay fahamka arrinta iyo isku xidhka labadeeda dhinac—kan diimeed
iyo kan siyaasadeed. Taas awgeed, halkii uu ka qiran lahaa
faham la’aantiisa, wuxuu isku dayayaa inuu ka cararo arrinta oo uu iska
hormariyo dood kale. Arrintani waxay muujinaysaa cillad ku jirta habfekerkiisa
(manhajkiisa) iyo qalad ku jira fahanka fekradaha, hase yeeshee wuxuu ku nool
yahay khiyaali uuna rabin in dadka kale ogaadaan.
9-
Waxa aan arkay dad isbeddela, se aan horumar
samayn, si la mida sida aan u arkay dad horumar sameeya se aan isbeddelin.
Horumarku waa sunne kawniya. Isbeddelka uu qofku ku sameeyo noloshiisa mar
walba ma aha horumar; mararka qaar wuxuu noqon karaa murugo iyo dib-u-dhac.
Aadanuhu wuxuu mar walba u gudbi karaa heer kale, wuxuuna iska baddeli karaa
xaalad illaa xaalad kale—mid wanaagsan ama mid xun. Balse, waxa muhiimadda
isbeddelka qofku in uu noqdo mid laga doodo oo laga falanqeeyo si soojeedda.
Qofku xaalad buu iska baddeli karaa, wuxuuna geli karaa xaalad kale isaga oo
aan xisaabtamin, wuxuuna aamusayaa xilli aamusku uu yahay khalad. Wuxuu ka
hadlaa waxyaabo aan qiimo lahayn xilliyo uu ku jiro burbur fekereed, ugu
dambeyntiina wuxuu ku dhex milmaa waxyaabo yaryar oo aan muhiim ahayn xilliyo
uu ku jiro jahawareer. Waqtigani waa la yaab! Waxa aynu saaxadda dacwadda iyo
fekerka ku arkaynaa qof cabsida Alle u ooyaya sida uu sheegay. Balse, sida
dadka dhintay ee qabriyada ku jira oo kale uga aamusaya marka la dayacayo arrimaha
masiiriga ah ee ummadda…
10-
Siyaasiyiinta qaarkood waxa ay isku daraan waxyaabo
iska hor imanaya oo Masjidka ayay galaan, waxna way khiyaameeyaan oo waxa ay ku
mashquulsanyihiin dano dadka dhibaato ku ah oo shisheeye u adeegaya; fekerkeedu
wuu liitaa, haddana waxa ay muujinayaan inay ehludiin yihiin oo Diinta ku
fiicanyihiin. Waxaas oo dhami waa natiijadii ka dhalatay siyaasiga aan aragtida
iyo masuuliyadda midna lahayn; Diinta ayuu ku faanayaa, haddana khiyaanadiisu
kama qarsoona ummadda. Haddana wuxuu siyaasigu u malaynayaa in uu hagaajiyay la
dhaqankiisa bulshada, wuxuuna moodayaa inuu fahan badan ka haysto siyaasadda. Isaga
oo sidaasa haddana wuxuu muujinayaa inuu yahay qof ehlu Diinta oo Masaajidda
ayuu ku noqnoqonayaa, Xaramka Allana wuu ku noqnoqonayaa. Mana qarsoona
dhagaraha uu wado ee cadawga ugu adeegayo ee uu kaga soo horjeedo mabda’a iyo
danta dalka. Balse, dadka wuxuu ku odhanayaa: ‘ Arrimahan aan ka shaqaynaynaa
waa masaalix, Maslaxadduna waxa ay ka mid tahay sharciga Alle…’ Waxa aynu ku
noolnahay waqti aynu ogaan karno dadka, oo horteenna ay isku barraxaan dad aynu
u malaynayno inay yihiin kuwo cibaado badan. Balse, waqtiga ayaa ah ka keliya
ee soo saara ama muujiya xaqiiqada dahsoon ee qofka.
Kuwani waa qaar ka mid ah
layaabbada iyo fajacisooyinka waqtigeennan. Arrinta qariibka ahi waxa weeyi in
qaar innaga mid ahi ay moodayaan inay ku suganyihiin dariiqii asxaabigii Cumar
ku sugnaa marku Diinta fahmayay, habdhaqankii wanaagsanaa ee Cali,
geesinnimadii Xamse markuu Jihaadka ku jiro, cilmigii Mucaad ee kala garashada
xalaasha iyo xaaraanta, xaafidnimadii Abuu Hureyra ee werinta Axaadiista badan.
Waxa wanaagsan in aan tawaaduc samayno illaa aynu ogaanayno sida aynu u
gaabinnay, si aynu intaas ka dib isku cusboonaysiinno oo markale bilowno
safarkeenna idanka Alle.
W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir (
Af Carabi)
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
( Af Soomaali)
Jeenawari, 2026
Comments
Post a Comment