Maqaamkii Awawgay Sh. Maxmaed Cumar-Daranyo C. Tukaale
Marka aan lo’ada arooriyo ee
barkadaha geeyo Maqaamkan idiin muuqda ayaan orod iyo farxad ku geli jiray
aniga oo aan dheg la qabto lahayn. Waxa fadhiisan jiray, oo wax ku akhrisan
jiray, ku shaahi jiray Awawgay Aabbo Callaamata Sh. Maxamed Cumar C. Tukaale
AHUN. Aniga oo aan cabsanayn ayaan
Awawgay si kalsooni iyo dhoollacaddayn leh u salaami jiray. Awawgay inta uu
Jeebkiisa gacanta geliyo ayuu shilimaad isiin jiray, ka dibna odhan jiray ‘
Tukaankaas nacnac kaga soo iibso Awaw.’
Walow inta badan isagu
inta uu oodda Maqaamka istaago sheedda iga eegi jiray oo ila sugi jiray buskud
iyo nacnac. Wuxuu caado u lahaa inuu ubad jeclaa oo carruurta nacnac iyo wax ay
ku farxaan siin jiray. Ma qiyaasi karo inta jeer ee uu aniga keliday iga
farxiyay; sidoo kale ma qiyaaso karo inta jeer ee aniga iyo carruur badan oo
aannu danwadaag xoolo wadajira ahayn annaga oo baahida carruurnimo qabna uu wax
na siiyay.
Xusuusta uu aniga iyo
awawgay maqaamkaasi nagu lahaa ee i xantaxantay waa mid dabiici ah. Waqtigii
aan xoolaha eegi jiray inta aan Awawgay oo Maqaamka fadhiya u tago ayaan
shilimaad aan nacnac iyo Buskud siisto u doonan jiray.
Arrinta cajiibka ahi
waxa weeyaan Awawgay kama cabsoon jirin, waxa laga yaabaa marmar in aan ka
cabsoodo in aan adeerraday, iyo qoyska kalaba ka cabsoodo in aan nacnac ii
iibiya ku yidhaahdo. Carruurtuna inta badan qofka marka ay wax waxdiistaan
aayar siiya ee aan su’aalo wayddiin way JECELYIHIIN, halka qofka wax wayddiiya
ama lacagta maxaad ku falaysaan ku yidhaahda ka yar meeraystaan.
Maqaamka Magaciisa waxaa loo yaqaan Maqaamka
Cali Bayle, wuxuu ku yaallaa Gobyarta Aw Nuurka, waa meel Wajaale waxyar
dhinaca Koonfur Bari kaga began, una dhaw halka aan ku dhashay. Dhir badan,
geedo damal ah oo wada hadh ah iyo ood badan ayaa ku wareegsan. Badhtankana
waxaa ku yaalla geedo hadh qabow leh. Waa buqcadda uu awoowo Quraanka, Digriga
iyo Ducada ku akhriyi jiray; Shallaadka, Shaahana ku cabbi jiray; fooxa,
uunsiga iyo udgoonkana ku shidan jiray. Dadka wixii Taxliil u baahan ugu dhigi
jiray, cidda u timaaddana Quraanka ugu akhriyi jiray, kuna akhriyi jiray.
Waxa aan xasuustaa in tan iyo berigii aan
dhashay Awoowo halkaas fadhiisan jiray. Wuxuu caado u lahaa inuu casarka ka dib
adhiga iigu yimaad, ka dib uu ee keeni jiray nacnac. Ka dib inta uu ii yimaad
ayuu odhan jiray ‘ Inta cadceeddu dhacayso anigaa Adhiga la joogiye orod shaah
doono.’ Farxadda iga dhacda ma qiyaasi karo.
Waxa kale oo caado u lahaa inuu alaab soo iibiyo, oo faramadhnaan ma iman jirin xaafadda galabtii. Aniga ayuu I odhan jiray ‘ Hoo alaabtan oo Ayaydaa Ruqiya u gee.’ Farxad goor aan Ayayday u tegay adigaa sheegaya.
Si saxa uma xasuusto, taariikhdeedana kuma hayo xilli la dhisay Maqaamka. Waan se baadhi Insha Allah.
Febraayo 2021kii ayuu geeriyooday Awawgay. Alle naxariistii Janno ha siiyo Awoowo. Nin boqol u dhigma oo
xasuustiisu nagu jirayso ayuu ahaa. Allow Jannada gee. Aamiin.


Comments
Post a Comment