Noqo Qof Anshax leh ( 18 Xeer)
Anshaxu waa qayb wayn oo ka mid ah waxyaabaha qofku ku
gaadhi karo guul waarta iyo nolol wanaagsan. Anshaxu wuxuu qofka ka dhigaa mid leh
habdhaqan nololeed sida habdhaqan shaqo, habdhaqan cibaado iyo habdhaqanno kale
oo wanaagsan.
Haddii aad rabtid in aad noqotid qof anshax leh, raac
taallaabooyinkan:
1-
Maalinna
ha joojin shaqada iyo dadaalka: Anshaxu maaha in aad hawlaha
kuu yaal si wayn u qabatid marka aad doontid, balse waa in aad qabatid adiga oo
ayna naftu doonayn.
2-
Fuli
ama qabo waxa aad sheegtid in aad qabanaysid: Ixtiraamka nafta waxa
lagu helaa in aad qabatid waxa aad ballanqaadid, ha jabin xeerkan.
3-
Haddii
aad subaxda si fiican u maamusho, maalinta oo dhan waad maamuli doontaa: Sida
aad maalinta u bilowdo ayaa go’aamisa sida aad u dhamayso. Xakamee
subaxyadaada / noqo
mid si buuxda u maamula waqtiga subaxda.
4-
Ha u
gorgortamin si tamardarro ah: Marka
aad bilowdo marmarsiiyo, waad khasaartay durba (guuldarradu waxa ay ka bilaabantaa
cudurdaarka). Ku adkayso qorshaha
oo ha ka leexan qorshaha aad dejisay.
5-
Raaxo-la’aantu
ha noqoto saaxiibkaaga cusub: Waxyaabaha
aad ka cararaysid ama ka fogaanayso ayaa ah kuwa ku kobcinaya, raadi oo ku
dhaqaaq oo si
geesinimo leh u waajah.
6-
Jidhkaaga dhaqaaji maalin kasta (jimicsi samee, soco, dhaqdhaqaaq joogto
ah):
Maskaxda
dhisani waxay u baahan tahay jidh adag. U tababbar jidhkaaga sidii
mustaqbalkaagu ku xidhanyahay oo kale—dabcanna runtii wuu ku xidhanyahay ba.
7-
Dib u
dhig raaxada degdegga ah (ka tanaasul wax ku farxad gelinaya hadda si aad u
gaadho wax ka weyn berrito): Kuwa guuldarreysta waxay daba
ordaan raaxada ku meelgaadhka ah. Si xikmad leh u dooro.
8-
Naftaada
ku hareeree dadka qiyamka sare leh: Meesha aad joogto waad ka
muuqan ama waxa ku liqi oo ku shiiqin meesha aad la qabsatay ee ku nooshahay.
Si deggan dadka u xulo.
9-
Baro oo la qabsado inaad
kaligaa noqoto adigoon ka baqayn ama ka xumaan: Naftaada si buuxda u baro oo u
xakamee marka aad kaligaa tahay, oo yayna xaalad, qof, ama duruufo ku maamulin.
10-
Anshax iyo nidaam joogto ah
ayaa ka xoog badan dhiirrigelin ku-meel-gaadh ah: Dhiirrigelintu way yaraataa
ama way dhammaanaysaa waqti ka dib. Balse, anshaxu waa caadada hore kuu sii
wadda marka dhiirrigelintu dhammaato.
11- Iska
jar wax kasta oo ku mashquulinaya adigoon ka labalabeyn: Haddii
shaygaasi aanu ku wanaajinayn, wuu ku sii tabardarraynayaa. Garo inaad tidhaahdo
“maya.”
12-
Xakamee dareennadaada: Ha u
oggolaan in dareennadaadu go’aamiyaan ficilladaada. Balse, waa inay
ficilladaada hoggaamiyaan macquulnimada (Logic) iyo anshaxu.
13-
Samayso hannaan ama nidaam maalinle
ah ood raacdid: Guushu kama dhalato wax iska
yimaada oo kedis ah, Maalmahaaga u habee si nidaamsan,
si anshaxu u noqdo wax fudud oo dabiici ah, ee uusan u baahnayn dadaal iyo
dagaal maskaxeed mar kasta.
14-
La dagaallam daciifnimadaada, hana iska indhatirin: Waxa
aad isku daydaa in aad daciifnimadaada (Weaknesses) si xaqiiqo ah u waajahdid,
u abbaartid ka dibna tirtirtid. Horumarku wuxuu yimaadaa marka
aad naftaada ka adkaato.
15-
Hawlaha adag marka hore qabso, dib ha u dhigin: Marka
aad hawl culus dib u dhigto, waxay kugu noqotaa culays
maskaxeed. Hadda qabo.
16-
Hadalladaada u fiirso: Haddii aanad adigu is aaminin yaa
kale eek u aaminaya? Daacadnimo
iyo anshax sare waa waxa ugu muhiimsan nolosha.
17-
Ka xakamee daciifnimadaada iyo
caadooyinka xunxun: Waxyaabaha sida balwadda, caadooyinka xun, iyo
mashquulka aan faa’iidada lahayn waxay burburin karaan
noloshaada haddii aad u oggolaato. Naftaada xakamee.
18-
Iska dhig sidii mashiin oo shaqada sameeya xitaa marka aadan dareemayn
rabitaan ama dhiirrigelin: Qofka anshax lihi kuma tiirsana
shucuurtiisa; balse wuxuu
shaqeeyaa xitaa isagoo daalan,
xanaaqsan, ama niyad jabsan. Wuxuu ku shaqeeyaa mabda’ iyo
nidaam, mar walba
iyo xaalad kasta oo uu ku suganyahay.
W/Q: Page ka Mastering manhood (https://www.facebook.com/photo?fbid=122229765950269424&set=a.122101728182269424
)
Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere
5 Febr. 2025
Comments
Post a Comment