Posts

Showing posts from June, 2026

5 ta Tiir ee ay tahay in ninkastaa la noolaado

Image
  1-      Ha isku hallayn hal il dhaqaale oo kaliya: In aad hal meel oo kaliya ka heshid dhaqaale bishii, toddobaadkii ama maalintii waa khatar wayn, waxa aad qarka u saarantahay saboolnimo, waayo noloshaadu waxa ay ku tiirsantahay halkaas il, haddii ishaasi go’do geeddisocodka noloshaadu way istaagaysaa. Sidaa darteed, ha isku hallayn hal il dhaqaale oo kaliya, samayso dhawr il oo dhaqaale kaa soo galo maalintii, toddobaadkii ama bishii. 2-    Keydso lacag ka hor inta aanad waxba kharashgarayn: Dad badan waxa ay wax keydsadaan marka ay kharashaadka bixiyaan wixii soo hadha, haddaba waxa muhiima in qofku keydsado marka wax soo galaan, ka dibna kharash gareeyo wixii keydka ka soo hadha. 3-    Maalgashi samee inta ayna aanad baddelin habnololeedkaaga: Marka dakhligaagu kordho, lacagtaada ha ku bixin raaxo iyo kharash badan markiiba; marka hore maalgashi ku samee wax kuu soo celinaya faa'iido mustaqbalka. Maalgashi samee markasta, ha jo...

Maxay dad badan shiid u yihiin?

Image
  -          Waayo waxa ay iska dhigaan dadka hantiilayaal u eeg oo waxa ay isku dayaan inay bulshada u muujiyaan inay hodanyihiin, oo muuqaalkooda iyo noloshooda ayay kallifaan oo ka badbadiyaan, sababta ay sidaa u samaynayaana waa inay dadka istusaan oo bulshada ka yaabsadaan. -          Dadka shiidka ahi waxa ay iska ilaaliyaan ama iskaba daayaan inay bartaan xirfad cusub. -          Dadka shiidka ahi waxa ay ka cabsadaan inay khatar galaan oo khatar u badheedhaan. -          Dadka shiidka ahi waxa ay rabaan inay si degdega oo bilaa hawla lacag ku helaan- iyaga oo aan u dhididin, watqina gelin. -          Dadka shiidka ahi si degdega ayay isku dhiibaan, oo haddii ay wax bilaabaan markaaba way joojiyaan. -          Dadka shiidka ahi waxa ay ka ...