Posts

Showing posts from July, 2026

Cidkasta waxbaa ka maqan

Image
  Dunidu waa sagaal oo ma tobnawdo, bal inyar ila eeg tusaalayaashan: -         Dadka saboolka ahi waxa ay u baahanyihiin oo raadinayaan lacag. -         Dadka hantiilayaasha ah waxa ka maqan o ay rabaan degganaan iyo xasilloohi. -         Dadka yaryari waxa ay u rabaan inay koraan oo waynaadaan. -         Halka dadka waawayni ay doonayaan inay mar labaad ku noqdaan yaraantoodii. -         Dadka guursaday waxa ay rabaan inay xorriyad helaan, oo waxa ay danaynayaan xorriyadii kelinnimada. -         Dadka kelida ah ee aan weli guursan waxa ay rabaan inay helaan jaceyl. -         Dadka niyadjabay waxa ay rabaan inay soo kabtaan oo xanuunkii iyo niyadjabkii ka soo kabtaan. Xaqiiqadu waa in qofkasta wax ka maqanyihiin. Ku qanacs...

Sidee dadka qaar u arkaan awoodda iyo dabeecadaha dadka?

Image
  Qoraalkan wuxuu gudbinayaa farriin ku saabsan sida dadka qaarkood u arkaan awoodda iyo dabeecadda dadka: -          Qofka macaan ee wanaagsan waxa la isku dayaa in la adeegsado, oo la isticmaalo, lana iska soo horraysiiyo. -          Qofka   xishoodka badan waa la iska indhatiraa, oo waa la isdhaafiyaa. -          Dadka daciifka ah waa lagu tagrifalaa oo tacaddiyaa. -          Dadka adag ee aan naxariista badan lahayn waa la ixtiraamaa oo la qiimeeyaa. Waxaa ka fiican inaad noqoto YEY uu qof walba ka cabsado, halkii aad noqon lahayd dameer uu qof walba fuulo. Noqo qof adag oo aan si fudud looga faa'iidaysan karin.   W/Q: Dark Mentor 2.0 Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

Waxyaabo ay waajibtahay In aad ku dhaqanto:

Image
  -          Hadalka yaree: Dhaawaca ugu badan ee ku soo gaadha afkaaga ayaa kuu sababaya. -          Kelidaa faraxsanow: Haddii aad farxaddaada cid ku xidhid la’aanteedna aanad farxi karin marka horaba daciif baad ahayd. -          Kelidaa la daalaadhac hawlahaaga: Qofna uma baahna inuu ogaado halgankaaga iyo hawlahaaga. -          Ha ku ciyaarin meesha aad dakhliga ka heshid: Qofka shiidka ah cidna ma jecla. -          Sir yeelo: Inaad si xad-dhaaf ah u wadaagto arrimahaaga gaarka ah waxay noqon kartaa inaad naftaada waxyeellaynayso ama caqabad kugu keento. -          Xasilloonidaada ilaali: Baro in aad socotid oo hawlahaaga ku fooftid adiga oo aan sharraxaad ka bixin ama faahfaahin. -        ...