Maalin Taariikhiya 26 Dec. 2025: Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland

 



Hordhac

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 26ka bisha Diisambar, sannadka 2025 waxa ay bulshada Somaliland u ahayd maalin wayn oo taariikhiya. Waxa Somaliland u rumawday riyo ay lahaayeen 34 sano, oo ay maalin uun sugayeen in ay helaan madaxbannaani iyo aqoonsi dhaba. 34 sano waxa ay Somaliland gaadhay horumar wayn, xasillooni siyaasadeed, iyo horumar baaxad leh. Waxa keliya ka dhinnaa wuxuu ahaa in la qiro horumarka ay gaadheen iyo awooddooda dawladnimo.

Sannadkii 1991kii bishii May 18-kii ayay Somaliland ka go’day dalkii  la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaliya oo ahaa Soomaaliya iyo Somaliland oo midoobay 1960kii- ka dib markii Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumeystihii Talyaaniga, halka Somaliland na ay ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska.

Aqoonsiga Somaliland

Jamhuuriyadda Somaliland oo jirta 34 sano ka dib markii ay xorriyaddeedii kala soo noqotay Soomaaliya. Intaa ay Somaliland jirtay waxa ay gaadhay horumar baaxad leh. Waxa ay dhisatay nidaam dawladeed oo dhisan, waxa ay qabteen doorashooyin hal qof iyo hal cod ah oo xor iyo xalaal ah, waxa ay horumariyeen dhaqaalaha dalka, waxa ay muujiyeen xasillooni iyo ilbaxnimo, waxa ay dhiseen nidaam waxbarasho oo baaxad leh. Somaliland, horumarka ay gaadhay iyo nidaamka ay samaysay ayay aqoonsi iyo qirid dawladnimo kaga doonayaan.

Shalay 26 Dec. waxa ay Somaliland heshay qiriddii iyo ictiraafkii koowaad ee ay dunida ka hesho, dalkii ugu horreeyay ee ictiraafa SL wuxuu noqday dalka Israa’iil. Abbaaro 4:30 Galabnimo waxa wada hadal dhinaca Telefoonka oo muuqaal ahi dhexmaray Raysalwasaaraha Dalka Israa’iil oo ku sugan Caasimadda dalka ee Talaabiib iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugan Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee caasimadda Hargeysa.

Heshiiska aqoonsiga ay Israa’iil ay gashay waxa saxeexay Raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Arrimaha debadda Israa’iil mudane Foreign, dhinaca Somaliland waxa saxeexay Madaxweynaha Jamuuriyadda la ictiraafay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ( Cirro). Waxayna si fogaan araga isku waydaarsadeen waraaqaha oo qoran.

Dhinaca Israa’iil, Raysalwasaaraha dalka Israa’iil oo ku sugan xafiiskiisa ayaa khadka telefoonka ku saxeexay heshiiska ictiraafka Jamhuuriyadda SL. Waa kan heshiiskii Dawladda Israa’iil oo qorani:


Dhinaca kale ee Somaliland, Madaxweynaha Jamhuuriyadda la ictiraafay ee Somaliland ayaa 1dii duhurnimo heegan geliyay Golihiisa Wasiirrada, wuxuuna iskugu yeedhay inay Madaxtooyada iska xaadiriyaan. Madaxweyne Cabdiraxmaan oo ku sugan Qasriga madaxtooyada ayaa dhinaciisa saxeexay heshiiska.

Intii lagu gudajiray kulanka heshiiska lagu saxeexayay waxa hadlay Raysalwasaaraha Israa’iil, wuxuu yidhi: “ Waa guul in aan kula hadlayo hadda, inta aanan hadal kale bilaabin waxa aan rabaa in aan kugu wargeliyo in hadda o aynu wada hadlayno aan saxeexay aqoonsiga Somaliland. Waana xuquuq aayakatashi oo aad leedihiin. Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay marxaladdan manta, waxaan wanaag badan u rejaynayaa shacabka Somaliland oo ay u tahay maalintii ugu waynayd ee ay sugayeen.”

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan oo  isna ka jawaabay Ictiraafkan ay dawladdiisu heshay ee uu saxeexay Raysalwasaaraha Israa’iil wuxuu yidhi: “ Ma heli wax aan ku cabbiro farxaddan wayn.. Maalin wayn ayay noo tahay maanta, waqti xaadirkan shacabka Somaliland ayaa warkan sugaya, way kuu mahadcelinayaan adiga, dawladda iyo shacabka Israa’iil. Farxaddaasi oo ku timid aqoonsiga SL ee aad saxeexday saacaddan aynu hadlayno. Waa daqiiqado muhiima.”

Dabaaldeg ayaa ka bilaabmay dhammaan gobollada Somaliland, meelkasta oo calanka SL ka taagnaa waa laga dabbaaldegay. Shacabku waxa ay heleen wixii ay 34 sano u samrayeen.

Israa’iil maaha markii 1aad ee aqoonta Somaliland. Israa’iil waxa ay ahayd dalkii 1aad ee ictiraafay Somaliland markii ay ka xorowday gumeystihii Ingiriiska.

Maalintan 26ka Diisambar waxa habeennimadeedii lagu dhawaaqay in labada cisho ee soo socda dhammaan shaqaalaha dawladdu fasaxyihiin. Sababta loo fasaxay waxa weeyaan in la dabbaaldego oo labadaas cisho qofkastaa meesha uu joogo ku dabbaaldego oo ku farxo guushaa qaranka usoo hoyatay.

Gebagebo

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay muddo u oomanayd in ay hesho aqoonsi caalamiya, jamhuuriyaddu iskamay rabin aqoonsi, se way kasbatay. 34kaas sano waxa ay dhisatay nidaam dawladnimo oo baaxad leh, horumar dhaqaale, horumar dhinaca doorashooyinka ah iyo xasillooni ballaadhan. Somaliland, waxa ay qabatay doorashooyin badan oo xor iyo xalaal ah, kuwaasi oo iskugu jira doorasho madaxweyne, doorasho golayaasha wakiillada iyo golayaasha deegaanka ah, iyo doorashooyinka Xisbiyada Qaranka. Somaliland, marka nidaamkeeda la daraaseeyo waxa ay u qalantaa aqoonsi buuxa.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

Wajaale, Gebilay, Somaliland

27 Dec. 2025

 


Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Markaad wax akhirid maxaa dhacaya?

Faallada buuga ‘ Ragga oo kaliya’