Posts

Showing posts from September, 2026

Haddii aad ku jirto da’dii Labaataneeyada…

Image
Da’da labaataneedu waa da’aadda qofku waxbadan seego, ee arrimo badan hareer maro. Waa xilliga uu qofku ugu tamar iyo awood badanyahay. Waa muhiim in uu qofku habraac iyo hagid helo. Haddaba haddii aanad gaadhin labaatan jir ama aad ku jirtaba talooyinkani waa kuu muhiim: 1-      Yeelo jadwal hurdo oo joogto ah oo 24kii saac ugu yaraan 8 saacadood, hurdada wanaagsan ee jidhku helaa waxa ay leedahay waxoosaar wanaagsan. 2-    Caado ka dhigo in aad maalintii ugu yaraan 20 daqiiqo wax akhridid. 3-    Talo ha bixin adiga oo noloshaadu kala daadsantahay, shiid ah, aan waxba kuu saxnayn, horta noloshaada maaree. 4-    Jooji in aad si bilaa macni ah u isticmaasho baraha bulshada, u isticmal qaab ujeeddaysan oo wax ka faa’id ama wax ku qor. 5-     Si kasta oo noloshaadu tahay ha dayn jimicsiga, oo maalinkasta jimicso, waayo Waa mid ka mid ah hababka ugu wanaagsan ee lagu daryeelo caafimaadka maskaxda iyo jidhka. 6-...

Cabdirisaaq Sandheere: Writer | Translator | Reader | Knowledge & Personal Development Content Creator

Image
Cabdirisaaq Sandheere Writer | Translator | Reader | Knowledge & Personal Development Content Creator Overview Cabdirisaaq Sandheere is a Somali writer, translator, reader, and content creator whose work focuses on knowledge, books, personal development, finance, society, Islamic thought, history, and intellectual growth. Through his writing and digital platforms, Sandheere works to make useful ideas, books, and knowledge accessible to Somali-speaking audiences. His work combines original writing, translation, book commentary, educational content, and reflections on personal and social development. Writing and Intellectual Work Sandheere's writing covers a broad range of subjects, including: Personal development and self-discipline Reading and knowledge acquisition Financial literacy and wealth-building Leadership and personal responsibility Social relationships and human behavior Islamic thought and lessons from religious history History and biograph...

Hordhaca Buugga “ Dhabbadii Dhibaatada: Hawlgalkii Sarihii Mataanaha 11 Sep” Qaybtii 3aad

Image
   Qisadaasi iyada oo ay ka soo wareegtay saddex iyo toban sannadood, welina dhinacyada kala duwan ee ay ku socoto darteed waxa ay kicin jirtay dood iyo faduulnimo. Aragtida Carabta ku gaarka ahi waxa ay ahayd inayna illaa maanta in badan oo ka mid ahi ayna daynin inay i wayddiiyaan in dhab ahaan ay Al Qaacida ka danbaysay weerarkii dhacay 11 Sibtanbar ee Sarahii Mataanaha. Warcelintayduna waxa ay ku salaysnayd waaqic ahaan wixii aan baadhid gaar ah ku ogaaday. Isma baddelayso oo sidaas ayay ahaanaysaa. Aniga shaki iiga gama jiro in Ururka Al Qaacida ay ahaayeen kuwii weerarkaa doonay, ku fekeray, ee qorsheeyay, ciidamo u sameeyay, dad u tababbaray, maalgaliyay,    dad u diray, isku xidhay ama agaasimay, dabadeedna ku dhaqaaqay ee fuliyay wixii ay dooneen. Wixii maalintaas dhacay, iyo wixii maalmo yar ka hor weerarkaas dhacayba waxa ay u baahanyihiin baadhid dheeraad ah.    Dhinaca Maraykanka waxaa u gaarka ahaa waxa uu ahaa in xaajada wixii maalintaas Wa...

Hordhaca Buugga “ Dhabbadii Dhibaatada: Hawlgalkii Sarihii Mataanaha 11 Sep” Qaybtii 2aad

Image
   Nuxurka wixii aniga iyo Masuuliyiinta ugu waawayn Warbaahinta Al Jazeera ee Dooxa waqtigaas nagu dhexmaray, faahfaahintooda buuggan ayaan ku sheegi doonaa. Balse, arrintu waxa ay igu qaadatay in ka badan afar sannadood inaan garto wixii gadaashayda ka dhacayay— waqtigaasi waxa uu ahaa intii aan joogay Dooxa, waxyar ka dib intii aanan ku laaban London ka hor oo ahayd markii uu Saaskiindi faafiyay buuggiisa, sannadkii 2006dii. Qoraa Saaskindi, isaga oo ka soo xiganaya Wakaaladaha Sirdoonka, wuxuu xusay in Jooj Tayniid oo ahaa Madaxii Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) waqtigaas uu maalintaas oo ahayd 14kii Juun Sannadkii 2006dii uu soo galay Kulankii Shanaad isaga oo cadho qarxaya. Mawduuciisii ayuu miiska wadahadalka soo saaray, isaga oo baddelaya Jadwalkii Shaqada, wuxuu hadalkii ku bilaabay intan: “Sida aad ogaydeen waxa khilaaf naga dhexeeyay saaxiibkeygii boqorka ahaa (isaga oo markaa u jeeday boqorkii Qadar ee waqtigaas oo ahaa Sheekh Xamad Binu Khaliifa Aala Saani)… B...

Hordhaca Buugga “ Dhabbadii Dhibaatada: Hawlgalkii Sarihii Mataanaha 11 Sep” Qaybtii 1aad

Image
   Qaybta 1aad “Aroornimadii bis hii Juun 14keedii sannadkii 2002dii Warbaahinta Al Jazeera wxa ay u diyargaroobaysay warsaxaafadeedkii ugu waynaa markii uu Yusri Fawda soo galay dhismaha ay ku lahayd Dooxa,    isaga oo sita buuggiisii xasuusqorka iyo siro badan oo uu rabay inuu faafiyo. Canjaladaha lagula ballamay inuu kula kulmo madaxda Al Qaacida waqtigaas waqti ka danbeeyay ayay soo gaadheen. Balse, waxa uu dareensanaa in ay gaadhay xilligii ay madaxdiisii shaqadu arrintan ogaan lahaayeen.” [1] Weedhahaasi maaha aniga kuwaygii. Waxa yidhi oo ay hadalkiisii yihiin Wariyaha iyo qoraaga wayn ee Reer Maraykan Mudane Roon Saaskiinda (Ron Suskind) , oo ah mudane ku guuleystay abaalmarinta ugu wayn wariyannimada dalka Maraykanka. Waa nin ka agdhaw isbeddelka arrimaha siyaasadda iyo amniga Waashitoon. Markii aan indhaha ku dhuftay sadarrada ku xardhan buuggiisa ‘ The One Percent Doctrine ~ مبدا الواحد في المئة ~Aragtida Boqolkiiba hal” labadayda indhood argaggax iyo dan...