Sideed u ilaashan kartaa degganaantaada maskaxeed ( Peace of mind)?
Maadaama dunidu kharribantay oo waxyaabo badan oo aan hore u
jirin soo kordheen waa muhiim in qofku degganaanshihiisa maskaxeed ilaashadaa.
Dunida ka batay metelaadda beenta ah ( fake) ee shakhsiyaadka iyo waxkasta, waxa
kale oo xadhkaha goostay isticmaalka aaladaha Baraha Bulshada oo waxkasta la
soo geliyo, qofkii wuxuu arkayaa waxkasta oo dunida ka dhacaya, waxyaabaha uu
arkayo waxa ka mid ah waxyaabo cabsi leh oo naftiisa cabsi iyo aragaggax ku
keenaya, markaa waa muhiim in qofku ilaashado degannaanta maskaxdiisa.
Haddaba sidee u ilaashan karaa degganaanta?
-
Naftaada cidna u sharraxin, oo adigu hadday
nolosha caadiga ah ama ta baraha bulshada noqoto cidna naftaada ha u
sheegsheegin.
-
saaxiibbadaa ha badin; dadka yar ee tayada leh
ayaa ka qiimo badan dad badan oo aan faa’iido lahayn. Ha ku mashquulin inaad
dad badan taqaan; dooro dad yar oo daacad ah, lagu kalsoonaan karo, horumar kuu
horseeda, oo noloshaada qiimo ku kordhiya.
-
Dareenkaaga xakamee oo maamul, Feker kasta ama hadal kasta uma qalmo inaad
ka falceliso.
-
Qorshahaaga qari oo si aamusnaan ah u shaqee,
shaqadaada wad, ha shaacin qorshayaashaada, keliya ha la arko natiijooyinkaaga.
-
Waqtigaaga qiimee oo u ilaali sida aad
lacagtaada u ilaalin lahayd, waxyaabaha aan muhiimka
Cabdirisaaq
Sandheere

Comments
Post a Comment